Madaxweynaha oo kulan wadatashi ah maanta la qaatay dhallinyaro Soomaaliyeed
Muqdisho Aug 02,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in ay Dowladdiisu mudnaan weyn siineyso dhallinyarada oo uu ku tilmaamay in ay yihiin cudud aan looga maarmin nabadeynta, dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in fursadaha dhallinyaradu ay yihiin kuwo aan xad lahayn, wuxuuna aad ugu dhiirri geliyay…
