“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxaannu ugu celinaynaa in uu naftiisa baro in ay muddadu dhammaan karto” Wasiirka Warfaafinta Somaliland
Hargaysa 31.July 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in Guddoomiyaha Wakiiladda oo xilka ku sii haya afar sanadood oo muddo dhaaf ahi, uu haddana Madaxweyne Siilaanyo oo aanu wakhtigiisiiba dhamaanin ku eedeynayo inuu muddo korodhsan doono. Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay…
