Webmaster

    War Degdeg ah: Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Dhuumasho Ku Soo Galay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Ujeeddada Socdaalkiisu Salka ku Hayo

    Hargeysa:July,23,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa Haatan si kedis ah u galay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda oo ku taalla goob aan ka fogayn Xarunta Aqalka Madaxtooyada. Sida uu noogu soo warramayo Wariyahayaga ku sugan Xarunta Wasaaraddu, waxa si kedis ah loo arkay madaxweyne ku xigeenka oo gudaha  isii galaya Xarunta Wasaaradda oo wasiiku ka maqan…

    Read More

      Dalka Sucuudiga Oo Laba Toddobaad Gudahood 1800, Neef Oo Lo’ Ah Somaliland ku Soo Celiyey iyo Wasaaradda Xaannaanada Xoolaha Oo Jawaab U La’

      Berbera:July,23,2014(SDN/QJ)-Dawladda Waddank Sucuudiga oo ah Sayllada ugu weyn ee Xoolaha Somalida, ayaa Laba Toddobaad Gudahood Somaliland dib ugu soo celisay Laba markab oo siday Lo’. Lo’da laga soo celiyey Dalka Sucuudiga ayaa ahayd mid la Caafimaadkeeda La Hubiyey, isla-markaana la sii mariyey Maxjarka Magaalada Berbera ee Xoolaha caafimaadkooda lagu baadho. Mana caddayn sababta rasmiga ah…

      Read More

        Hawlka Ka Dhanka ah Budhcad-badeedda Somalida Oo Muddo Kordhin Loo Sameeyey

        Brussels:July,23,2014(SDN/QJ)-Midowga Yurub ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Hawlgallada ka dhanka ah Budhcad-badeedda somalida loo sameeyey Muddo kordhin. Bayaankaas ayaa lagu sheegay in Hawlgalladaas la siiyey ilaa muddo gaadhsiisan December, 12,2016. Si meesha looga saaro Gebi ahaanba Kooxihii Badda  Badda Geeska Afrika iyo Badda Hindia Ka Qawlaysan jirey oo Soomaali u badnaa. Howlgalka…

        Read More

          Mucjiso:Hooyo Reer Somaliland ah,Indho La’a,Dhamaan Awlaadeedii ka dhinteen,Balse Faraxsan Iyo Telefishan Caalami ah oo soo Tebiyay Daawo

          Hargaysa 23.July 2014 (SDN/QJ)-Muuqaalkani waa mid uu soo duubay Sheekh daaci ah, una dhashay dalka Sacuudiga, waxaad ku daawan doontaa qiso qof walboo daawadey qalbigiisa dhalaalisay, kuna abuurtay qushuuc iyo dareen aan la cabiri karin. Hadaba qisadan oo Af carabi lagu tebinayo, ayaan soo koobeyna qodobada ugu muhiimsan. Shiikhu waxa uu tegay qeybo dhulka Soomaalida…

          Read More

            5-Askari Oo Ciidanka Dawladda Ka Tirsan Oo Xalay Al-shabaab Hal Guri ku Dileen

            Shalambood:July,23,2014(SDN/QJ)-Magaalada Shalambood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa Weerar Xalay Kooxaha Al-shabaab ku qaadeen waxa ay ku laayeen Tiro ka tirsan Ciidamada dawladda Federalka sida ay madax Dawladda ka tirsan Qireen.  Ciidankan la laayey oo Tiradooda lagu sheegay 5-Askari ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen Aqal Magaalada ku yaalla, waxana Kooxihii weerarka Geystay ay isla-goobta ku…

            Read More

              Dilalkii Nairobi Loogu Geystay Ganacsatada Somalida Dhawaan Oo War Laga Soo Saaray

              Nairobi:July,23,2014(SDN/QJ)-Dilalkii Argagaxa lahaa ee dhawaan ganacsato soomaaliyeed lloogu geystay Magalada Nairobi, ayaa waxa markii ugu horraysay ka Hadashay Safaaradda Somalidu ku leedahay Kenya. Qunsulka safaarada Soomaaliya ee Nairobi Siyaad Maxamuud Shire ayaa waxa uu sheegay in safaaraddu ay la socoto arimahani islamarkana ay ka shaqaynayso sidii wax looga qaban lahaa ama baadhitaano natiijo leh loogu…

              Read More

                Maraykanka oo Duulimaadyadii Diyaaradaha ka Joojiyay magaalada Tel Aviv baqdinta Gantaalaha Xamaas awgeed Iyo Yurub oo ku dayatay

                Washington 23.July 2014 (SDN/QJ)- Diyaaradaha Maraykanka iyo Qaaradda Yurub, ayaa hakiyey duulimaadyada ay ku tagaan garoonka Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv ee caasimadda dalka Yuhuudda. Saddex shirkadood oo laga leeyahay dalka Maraykanka oo magacyadoodu kala yihiin Delta, United iyo US Airways, ayaa lagu amray inay muddo 24 saacadood ah hakiyaan duulimaadyadooda magaalada Tel Aviv,…

                Read More

                  “Wax walba oo hortayada yaallay waxay ahaayeen dhiig iyo hilbo googo’ay”.. Askari Yuhuudi ah oo Si La Yaableh u soo Bandhigay Khasaaraha Baaxada leh ee Ciidamada Israa’il ay Kala Kulmeen Dagaalka Dhulka ah ee Qasa

                  Gaza 23.July 2014 (SDN/QJ)-Askari Yuhuudi ah oo ka badbaaday iska horimaad culus oo maalintii Axaddii ka dhacay xaafadda Shujaaciyah ee Marinka Gaza, ayaa ka sheekeeyey wixii uu indhihiisa ku arkay dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmaray dagaalyahannada Hamas. Sida lagu baahiyey Barta Internetka ee Walla oo laga leeyahay Dalkaasi Israel, ayaa waraysi la yeelatay askarigan oo…

                  Read More

                    Madaxweynaha Jabuuti oo Xaflada Meherka Inantiisa Diyaarad ugu soo Diray Hargaysa 35 Xubnood oo uu Ku Casuumay Madal Dhaqan

                    Jabuuti 23.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa 35 xubnood oo iskugu jira siyaasiyiin iyo madax-dhaqameedka reer Somaliland ku soo casuumay xaflad balaadhan oo meher ah oo uu ku bixinayo gabadh uu dhalay oo uu ka soo doonay Wasiirka Waxbarashada ee xukuumadiisa.   Madaxweyne Geelle waxa uu u soo diray 35-kan qof…

                    Read More

                      Maxamed Warsame Hadraawi oo markii u horeysay si aan habrasho laheyn uga hadlay caqabadaha Dawladeed ee Jamhuuriyada Somaliland

                      Hargeysa July 23,2014(SDN/QJ)-Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa markii u horraysay shaaca ka qaaday arrin uu aaminsan yahay inay adhaxda ka jabisay dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland.       Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo xog-waraysi dheer siiyey barnaamijka Xusuus-reeb ee Telefishanka HCTV oo uu daadihiyo suxufiga ruug-caddaaga ah ee Ducaale, waxa uu tilmaamay in ictiraafka dawlad…

                      Read More

                        Sirdoonka Mareykanka oo ku guul dareystay in ay Ruushka dusha u saaraan duyuuradii Malesiya ee la soo riday

                        Washington July 23,2014(SDN/QJ)-Sirdoonka Mareykanka oo baaritaan ku sameeyay in Ruushku ku lug lahaa soo riditaankii duyuuradii reer Malasiya ee lagu soo riday dalka Ukraine ayaa sheegay in aaney hubin in Ruushku ka dabeeyay falkaasi. Sirdoonka Mareykanka ayaase sheegay in Ruushku ay hubeeyeen isla markaana tababreen ciidamada gooni u goosadka ee bariga Ukraine. Mareykanka madaxdiisa sare…

                        Read More

                          Nin Soomaali ah oo aan waxba arag oo u Jihad tegay Syria:Indho la’aani igama ay hor istaagin Jihaadka

                          Raqa July 23,2014(SDN/QJ)-Nin Soomaali ah oo indha aan waba ka arag ayaa la soo sawiray kiyoo ka barbar dagaalamaya dagaal yahanada Islamiyiinta ah ee ISIS. Dagaalyahanada ISIS ayaa tiraba dhawr jeeer soo bandhigay ninka Soomaaliga oo heysta dhalashada dalka Holland. Ninkan ayaa tegey dalka Syria horaantii sanadkan,waxaanu muslimiinta ugu baqay in ay Jihadka ka qeybgalaan…

                          Read More

                            Madashii Wadatashig​a Oo Hal Sano Ka Dib Hadalkoodi​i La La’yahay Iyo Xusuustii Qormadii Aan Wakhtigaa Ka Qoray by Daacad

                            “Nin ku yidhi sinaan mayno , Adna buri sarayntiisa, .sidka waad wadaagtaane, .ma sagaashanbaa tiisu”. Abwaan Hadraawi “Rag hadaad wax ka haysoo , Beryo ruugto laftiisa , Ricidhihiisa cidaado, Ku raaxaysato dhiiga, Raadkii buu gurayaayoo, Raqdiina wuu arkayaaye, Reenkana ways ku gartaaye, Ha riix riixine daaya”. Abwaan Timacade Waxaan maanta qalinka u qaatay in aan…

                            Read More

                              Golaha Wasiirada oo maanta dood ka yeeshay wixii ka qabsoomay barnaamijka Higsiga Cusub ee (New Deal)

                              Muqdisho, July 22, 2014 (SDN/QJ)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo maanta yeeshay  kulan gaar ah oo looga hadlayay xaaladda dalka, ayaa waxaa shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana goluhu warbixin ka dhageystay guddi loo xil-saaray gurmadka deg-deg ah, iyadoo dhanka kale goluhu dood ka yeeshay caqabadaha hortaagan fulinta…

                              Read More

                                Sadexdii Cisho ee u danbeeyay oo Ciidanka boolisku XidhXidheen 120 Qof oo Rabshad Wadayaal ku eedaysan

                                Hargaysa 22.July 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa faah-faahin ka bixiyay hawl-galo ay ciidamada ammaanku wadeen maalmihii u dambeeyay kuwaas oo la xidhiidhay adkaynta nabad-gelyadda, ilaalinta nabadgalyada wadooyinka iyo la dagaalanka maandooriyeyaasha.   Taliyaha ciidanka Booliska oo  maanta  u warramayay saxaafaddu waxa uu xusay inay soo qabteen 120 qof…

                                Read More

                                  Madaxweyne Xasan: “Waxaa nagu waajib ah ilaalinta biyaha Soomaaliya”

                                  Muqdisho, July 22 2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray kaldhiga 4-aad ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad xarunta golaha shacabka ka jeediyey ayaa marka hore tacsi u diray dhammaan xildhibaanadii iyo dadkii kale ee ku geeriyooday mudadii lagu gudajiray kal-fadhagii 4-aad…

                                  Read More

                                    Xasan Sheekh: Waan diiwaan gelinay xuduudaha biyaha dalka

                                    Muqdisho 22.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in toddobaadkii hore ay dowladdu  diiwaangelisay  biyaha badda Soomaaliya oo marka la adeegsado halbeegga lagu cabbiro fogaanta biyaha gaaraya 220 nautical mile. Madaxweynaha oo maanta ka hadlay xiritaanka kalfadhigii afaraad ee baarlammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Qaramada Midoobay, qeybteeda…

                                    Read More