Xeerka Cusub ee Warbaahinta Puntland oo la ansixiyay
Garowe 21.July 2014 (SDN/QJ)-Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta meelmariyay xeerka warbaahinta Puntland oo ay dhawaan baarlamaanka hordhigtay wasaaradda warfaafinta ee maamulkaas. Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta loo qaaday xeerka, wuxuuna sheegay in kulanka oo ay soo xaadireen 37 xildhibaan ay 32 gacan-taag ugu codeysay, hal xildhibaanna uu diiday, halka…
