Muqdishow iyo Ibnu Battuuta Qaybta Labaad
Socdaalkii Ibnu Batuuta: 1325-1354 Qaybta Labaad Maamuus iyo Marti-galin Markii aan galnay Guriga Martida ayaa wiilkii dhalintayaraa waxuu guriga Sheykha nooga keenay cunto. Waxaa wiilka la socday nin ka mid ah wassiirada Sheykha oo ah wassiirka u qaabilsan marti-soorka, oo isagoo isoo dhaweynaya, igu yiri, “Waxaa ku salaamaya, (Mawlaanaa Sheykh) [-6], waxuuna ku leeyahay: imaanshahaagu…
