Webmaster

    “Uma Hogaansamayo Go’aankii Reeraysnaa,Waxaanu ka Tashan doonaa Halkaanu Codkayaga Marin doono” Weedhihii laga Jeediyay Madal lagu Taageerayay Gudoomiye Muuse Biixi {DHAGAYSO}

    Hargaysa 14.June 2014 (SDN/QJ)- Siyaasiyiin, iyo aqoon yahano ka soo jeeda Beesha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa Kulan ay ku yeesheen Huteel Crown ee Caasimada Hargaysa Waxay ku Cadeeyeen inaanay u Hogaansamayn Go’aankii Ay Gudidii Golaha Guurtida ku rideen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kaas oo ay ku Tilmaameen Go’aan Reeraysnaa. Waxaa kale oo ay…

    Read More

      Ururka Solja oo Cod Dheer ku Canbaareeyay Xadgudubyada ay Xukuumada Somaliland ku hayso Xoriyatul Qawlka

      Hargaysa 14.June 2014 (SDN/QJ)- Ururka suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA ayaa Cambaareeyay Xadhiga Marlabaad Lagula Kacay Gudoomiyihii Wargayska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ,Warsaxaaafadeed ay soo saareen Ururka suxufiyiinta Somaliland oo Nuqul Ka mid ahi soo Gaadhay Xafiiska Wararka Ee Shabakada Qurbejoog ayaa u dhignaa sidan “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu cambaaraynayaa falka anshax xumada…

      Read More

        Somaliland oo loo soo Jeediyay inay Ciidamadeeda kala Baxdo Deegaamadda Muranku ka Taagan yahay ee Sool iyo Sanaag

        London 14.June 2014 (SDN/QJ)- Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya, Neil Wigan, ergayga Mareykanka ee Soomaaliya, James P. McAnulty iyo wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ee Somalia, Michele Cervoned’Urso ayaa ku baaqay in Gobolada Sool iyo Sanaag degdeg looga saaro Ciidamada Somaliland ee halkaasi ku sugan. Waxay soo jeediyeen in wixii keenaya Rabshadaha laga fogaado. “Waxaan…

        Read More

          ”‘Waxaa jira in dadka deegaanka ee gobollada Sanaag iyo Sool inay iyagu caqabad Soomaaliland ka horeysa noqdey oo laf-dhuungashey ah” Wasiir ku Xigeenka Amniga {DHAGAYSO}

          Garowe 13.June 2014 (SDN/QJ)- Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaadey inay caqabad hortaagan tahay deegaannada Puntland ka maqan in dib loo soo celiyo,waxaana sidoo kale dowladda ay sheegten inaysan suragal ahaayn in ciidamada Puntland la geeyo gobollada xadduudka ku yaalla. Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland,C/casiis Maxamed Aadan oo maanta arrimahan ka hadlayey waxaa uu sheegay inay…

          Read More

            Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo soo jeediyay in tirada Komiishanka Qaranka la kordhiyo

            Hargaysa 14.June 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa soo jeediyay in Komishanka Qaranka la kordhiyo, taas oo uu ku sababeeyay baaxada ay leedahay doorashada soo socota. Gudoomiyuhu isaga oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan soo jeedinaynaa in xubnaha Guddida laga dhigo sagaal (9) xubnood . Waxaan waayo arag…

            Read More

              Qaadhaan lacageed oo la Gaadhsiiyay Gudida Dhismaha Wadada Dawga Cad

              Hargaysa 14.June 2014 (SDN/QJ)- Guddiga Dhismaha Jidka Dawga-cad ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa ka mahad-celiyey lacago qaar ka mid ah jaaliyadaha reer Somaliland ee qurbuhu ugu soo tabaruceen dhismaha Jidkaasi, waxayna sheegeen in lacagtaasi ay geli doonto halkii loogu talo-galay. Shir jaraa’id oo ay guddida dhismaha Jidka Dawga-cad ku qabteen huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,…

              Read More

                Shiicada Ciraaq oo dagaal ku Baaqay iyo Obama oo shuruud ku xiray caawino uu siiyo dawlada dalkaasi

                Baqdad June 14,2014(SDN/QJ)-Madaxda shucuurta Shiicada Ciraaq ayaa dagaal ku waajibiyay shacabka dalkaa si looga hortago kooxo suniyiin ah oo maalmo guddoohood degaan baxaad leh ku qabsaday. Koox la baxday dawlada Islaamiga ee dalalka Ciraaq iyo Syria ayaa ciidamadii dawlada ee dalka Ciraaq ka baacsaday degaano baahsan haatana kaabiga ku haa caasimada Baqdaad. Madaxweynaha dalka Mareykanka…

                Read More

                  NUSOJ iyo Horn Media oo Tababar lagu Baranayay Kaamirada iyo Habsami u Shaqeynteeda oo Suxufiyiin u Soo Gebagebeeyay, Suxufiyiin Cusubna Tababar u bilaabay

                  Mogadishu June 14, 2014 Suxufiyiinta dhameysatay koorso la xiriirta Barashada Kaamirada iyo habsami ugu shaqeynteeda iyo suxufiyiin koorsadaas loo furayo ayaa xaflad loogu qabtay xarunta Somali Media Academy ee magaalada Muqdisho, maalinta Jimcaha ee taariikhdu ahayd 13 June, 2013. Koorsadan oo soconaysay muddo ka badan 3 bilood (February – April) ayaa waxaa isla agaasimay Ururka…

                  Read More

                    “Doorashooyinkii Masar iyo Suuriya waxay dib inoogu celiyeen Taariikh hore” Wargayska Guardian

                    London 13.June 2014 (SDN/QJ)- Warbixin uu wargayska Guardian ku qoray tifatiraha arimaha bariga dhexe ee wargayska Mr I An Black ayaa waxa uu ku sifeeyey Doorashooyinkii Madaxweynanimo ee dhowaan ka dhacay wadamada Masar iyo Suuriya kuwo muujinaya in loo baahan yahay in la xaqiijiyo hanaanka Dimuqraadiyadda ka hor inta aan la gelin doorashooyin. Qoraagu waxa…

                    Read More

                      Nus malyuun Ciraaqiyiin ah oo ka barakacay Magaalada Mousal waxay sii kordhinayaan dhibaatadii qaxootiga ee ka jirtay Gobolkaasi” Wargayska Wargayska daily Telegraph

                      London 14.June 2014 (SDN/QJ)- Wargayska daily Telegraph oo wax ka qoray xaaladda adag ee dib uga soo cusboonaatay wadanka ciraaq, taasoo keentay inay Boqolaal kun oo ruux ka baxsadaan magaalooyinkoodii si ay uga nabadgalaan colaadda ka holcaysa halkaasi.     wargaysku waxa uu baahiyey in ugu yaraan  nus milyan ruux ay ka carareen Magaalada Mousel…

                      Read More

                        Somalia oo lagu ammaanay Shirka Caalamiga ah ee lagu soo afjarayo tacadiyada dumarka Adduunka loo geysto

                        Mogadishu, June 14, 2014(SDN/QJ)–Wasiirka Warfaafinta, Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo dhoweeyey doorka hogaamineed ee UK ee arrimaha Somalia, iyadoo Somalia lagu ammaanay Shirka Caalamiga ah ee maanta lagu soo gabogabeeyey London ee looga hadlayey sidii loo joojin lahaa Tacadiyada loo geysto dumarka Adduunka. Intii uu Shirkan Caalamiga ah socday ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee UK William…

                        Read More

                          Edinburgh machine-gun killers jailed for life

                          Mohamud Mohamud, 30, Cadil Huseen, 23, and Hussein Ali, 26, were yesterday sentenced to a minimum of 25 years in jail for killing Mohammed Abdi, 25, after a late-night car chase in a leafy suburb of the Capital. At the High Court in Glasgow, Lord Turnbull said they were engaged in a “wholly corrupt lifestyle”…

                          Read More

                            Kambala:Nin Soomaaliyeed Oo Ciidamada Boolisku Kala Baxeen Hutel Uu Deggenaa iyo Sababaha Loo Aanaynayo

                              Kambala:June,14,2014(SDN/QJ)-Ciidamada argagixiso la Dirrka Dalka Uganda ayaa Huteel u degenaa kala baxay Nin Somali ah oo ku sugnaa Caasimadda Dalkaas ee Uganda. Ciidamadu waxay baadhis ku sameeyeen qolka uu ka deganaa Hotelka oo lagu magacaabo Madindye Fuest House, iyadoo laga Helay daroogada nooca loo yaqaan Murjuwaanka, waxaana ku socda baadhis. Ninkan ayaa waxaa lagu…

                            Read More

                              Britain Oo Cabsi Darteed ALbaabada Ugu Laabtay Qunsuliyaddii ay Ku Lahayd Magaalada Mombassa

                              Mombassa:June,14,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Ingiriiska, ayaa Maalinimadii Jimcaha ee shalay Xidhay qunsiliyaddii ay ku lahayd Dalka Kenya, gaar ahaan Magaalada Mombasa. Sababta loo xidhay Qunsiliyadda ayaa lagu sheegay cabsi si gaar ah looga Qabo Magaaladaaas, iyadoo ay soo baxayaan warar dhiillo leh oo ammaanka magaalada ka dhan ahi. Dhamaan adeegyadii Qunsuliyada ayaa la sheegay in loo wareejiyay…

                              Read More

                                Nuxurka Kulamo Qarsoodi ah Oo Magaalada Taleex ku Dhex Maray Saraakiisha Ciidanka Qaranka iyo Wax-garadka Deegaanka

                                Taleex:June,14,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka hoose ee aanu ka Helayno Deegmada Taleex ee Gobolka Sool, waxa Kulamo joogto ah  shalay ilaa xalay Halkaas ku Lahaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka somaliland iyo Waxgarad ka soo jeeda Deeganadaas. Ujeeddada kulamada sida hoos hoosta ah labada dhinac iskugu arkayaan ayaa lagu macneeyey qaar salka ku haya sidii dhibta…

                                Read More