Webmaster

‘’Ninkaas Waxa lagaga Cabanayo ayaan La Yaabay ee la Leeyahay Gaalo ayaad Hablihiina Siisaan anagana Diin naguma Siinaysaan,Waxaan Weydiin Lahaa Ma Waxay Diintu Idiin Xalaalaysay…’’ Oday Xasan Cabdi Khayre oo Beelaha Gabooye Fariin u diray DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa baraha Bulshadu ku wada xidhiidho si aad ah looga doodayaa qadiyad ka dhalatay Gabadh Sheegtay in Waalidkeed u diideen nin ay Calmatay oo ka soo Jeeda Beesha Gabooye oo ay si qarsoodi ah isugu mehersanaayeen Mudo 3 Bilood gaadhaysa. Oday Xasan Cabdi Khayre oo ay ehelo yihiin odayga dhalay…

Read More

Xisbiga Kulmiye oo 15 Jirsaday & Gudoomiye Muuse Biixi oo Tooshka Ku Ifiyey Marxaladihii uu Soo Maray (Mucaarid Iyo Muxaafid) Iyo Higsigiisu Halka uu Ku Jihaysan Yahay DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa Maalintii Shalay Xusay 15 Guurada ka soo Wareegtay Aasaaskii Xisbiga Kulmiye oo ku astaysan 23-kii Bishii May Sannadkii 2002-dii. Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ururinta afkaarta bulshada reer Somaliland muhiimad weyn u leedahay…

Read More

“Arrintani Waxay Ahayd Go’aan Madaxweynuhu Uu Soo Saaray, Isagoo Ka Duulaya Ummaddan iyo Qarankan Uu Odayga U Yahay In Fursadaha Shaqo Loo Qaybiyo” Wasiirka Madaxtooyada JSL DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo masuuliyiin kale ayaa waxa si balaadhan ugu soo dhaweeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa, dhalinyaro ka kooban soddon shaqaale cusub oo ku soo baxay imtixaan ay hay’adda shaqaalaha dawladdu ka qaaday in ka badan laba boqol oo shaqaale ah, kuwaasi oo ay ka soo baxeen (30)…

Read More

Odayaal iyo Wax-garad Si Adag u Cambaareeyey Xukunkii Ku Dhacay Siyaasiyiinta WADDANI DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Odayaasha iyo wax-garadka ay isku heybta yihiin siyaasi Yoonis Axmed Yoonis oo dhawaana ay Maxkamadda Hargeysa ku xukuntay muddo hal sanno ah, ayaa ay si adag uga cambaareeyeen xadhigiisa, waxaana ay ku sifeeyeen in xadhigaasi uu yahay mid siyaasadeysan oo dano gaar ah laga lahaa. https://www.youtube.com/watch?v=bgf7GtH-1QA

Read More

Warbixin Laga Diyaariyey Sida ay Maanta Yihiin Daarihii Dhaadheeraa Ee Mataanaha Ahaa Ee Ganacsiga Adduunka ee Weerarkii September 11 2001 DAAWO

New York 24. May 2017 (SDN/QJ):- Bishii September Sannadkii 2001-dii Waxay Maraykanka iyo Dunnida inteeda Kaleba Ku Xasuustaan Markii Diyaaradaha Lagu Burburiyey Labadii Daarood ee Mataanaha ahaa ee Ganacsiga adduunka ee Magaaladda New York. Hadaba 16 Sanno kadib Waa Sidee Muuqaalka Guud ee Goobihii ay ka dhisnaayeen Labadaasi Daarood. https://www.youtube.com/watch?v=CINATpmlh7k

Read More

Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Markii ugu Horeysay ka Hadashay sheekh Duleedka Hargaysa Kumanaan qof ku Dabiibaya DAAWO

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Dhawrkii Cisho ee u danbeeyay aad looga dareemayaa Caasimadda Hargaysa gaar ahaan Xaafada Masalaha Saxmad badan oo ka dhalatay Kadib Markii Goob uu Dayr ku wareegsan yahay uu Sheekh reer Boosaaso ah ka Furay Xarun dadka Lagaga Dabiibo Jinka,Sixirka iyo Isha ,iyadoo dadweyne aad u tiro badani ay isaga…

Read More

Xarunta Xuquul-Insaanka Oo Cambaaraysay Xadhiga Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):-  Taariikhdu Markay ahayd 21 May 2017 waxa Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay sanad ku xukuntay Yoonis Axmed Yoonis oo ah Xoghayaha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Xisbiga Waddani. Waxa maxkamaddu sheegtay inay ku heshay inuu dadka ku kiciyay inay sharciga ka horyimaadeen mar uu ka hadlay shir jaraa’id oo la qabtay 11…

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dad Habeen Hore Ku Dhintay Roobkii Ka Da’ay Gobolka Togdheer Farriina U Diray Shacabka Somaliland

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Roob dabaylo iyo calaydh xoogan watay oo habeen hore ka da’ay magaalada Burco iyo deegaano hoos yimaada isla markaana sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Tirada dadka khasaaraha roobkaasi gaystay ku dhintay ayaa waxa lagu sheegay inay yihiin Afar qof,kuwaas oo qaarkood uu kusoo dumay…

Read More

Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho Oo Lagu Soo Kordhiyey Qalab Fududeynaya Inuu Habeenkii Shaqeeyo

Muqdisho 24. May 2017 (SDN/QJ):- Shirkadda Favori ee maamusha garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ku wareejisay dowlada Somalia qalab suuragelinaya in garoonku uu habeenkii shaqeeyo. Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad ayaa sheegay in qalabkan ay soo iibsatay dowlada Somalia ayna ujeedada laga leeyahay tahay in habeenkii garoonku shaqo…

Read More

Dood Ku Aaddan Wada Shaqeynta Warbaahinta iyo Hey’adaha Amniga Somalia Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Muqdisho 24. May 2017 (SDN/QJ):- Dood Cimiyeed ku aaddan sida ay u wada shaqeyn karaan hey’adaha ammaanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed oo ay ka qeyb-galeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiil ka kala socotay hey’adaha Xafiiska Midowga Yurub, hey’adda ALBANY iyo Machadka cilmi-baarista Soomaaliyeed ee ku adkeysiga dhibaatooynka, SDRI. ka hor dood cilmiyeedka ayaa lagu soo…

Read More

Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo Fooda Inagu Soo Haysa & Qaar Ka mid ah Faa’iidooyinka Xabxabka amase Qaraha

Hargaysa 24. May 2017 (SDN/QJ):- Iyadoo ay soo dhowaatay bisha barakaysan ee ramadaanta oo ah xiliga sida aadka ah loo isticmaalo midhaha Xabxabka ayaa waxa aynu Barnaamijkeenan ku soo bandhigaynaa qaar ka mid ah faa’iidooyinka ay leedahay cunitaanka xabxabku, sida ay inoo caddaynayaan culimada caafimaadka oo uu warbixintan hoose ka diyaariyey Telefishinka caalamiga ah ee…

Read More