Webmaster

Maxaad Ka Ogtahay Dalka Kaliya Caalamka Ee Dadkiisa Ka Mamnuucay Sigaarka?

Turkmenistan 27. February 2017 (SDN/QJ):- Muddo sanad laga joogo ayaa dalka Turkmenistan oo ku yaalla bartamaha Qaarada Asia waxaa uu noqday dalkii ugu horeeyey caalamka ee gebi ahaanba dadkiisa ka mamnuucay cabista iyo ka ganacsiga sigaarka.   Madaxweynaha dalkaasi Gurbanguly Berdimuhamedow ayaana ganaax adag ku soo rogay qofkii lagu helo inuu cabayey ama ka ganacsanayey…

Read More

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Gurigiisa Hadhimo Sharafeed ugu Sameeyey Madaxweynahii hore ee Somaliland Daahir Ra’yaale Kaahin DAAWO

Hargaysa 26. February 2017 (SDN/QJ):-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta casuumad sharafeed aad u heer saraysa gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa ugu sameeyey Madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Ra’yaale Kaahin oo dhawaan dalka dib ugu soo socday, ka dib socdaal uu in muddo ah ugu maqnaa dalka dibaddiisa….

Read More

Saraakiili yo Siyaasiyiin,Aqoon-yahano iyo Madax-dhaqameed Ka Soo Jeeda Gobolada SOOL,SANAAG IYO BUUHOODLE oo Qaar Ka Tirsanaayeen Xisbiga KULMIYE Ayaa Maanta Si Mug Leh Ugu Soo Biiray Xisbiga UCID

Hargaysa 26Feb17(SDN/QJ)Saraakiili yo Siyaasiyiin,Aqoon-yahano iyo Madax-dhaqameed Ka Soo Jeeda Gobolada SOOL,SANAAG IYO BUUHOODLE oo Qaar Ka Tirsanaayeen Xisbiga KULMIYE Ayaa Maanta Si Mug Leh Ugu Soo Biiray Xisbiga UCID, Iyada oo Wada-hadaladii iyo Heshiiskii Dhamaad Yahay, halkan ka daawo.

Read More

Loolanka Xidhiidhada Somalia,Ujeeddada Safarka Farmaajo ee Sucuudiga & Saamaynta Saldhiga Mileteri ee Berbera

Riyadh 26. February 2017 (SDN/QJ):-Wargeyska caanka ah Al-Akhbaar Al-Lubnaaniya oo ka soo baxa dalka Lubnaan ayaa warbixin uu ka diyaariyey safarka uu madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ku tegey dalka Sucuudiga waxa uu kaga warramay ujeedooyinka safarkaasi daarran yahay iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jirta Soomaaliya, warbixintaas oo uu Geeska Afrika soo koobay…

Read More

Kooxo Soomaali-Masiixiyiin Ah Oo Markii Ugu Horraysay Taariikhda Soomaalida Si Muuqata Meel Fagaare Ah Isa Soo Taagay Taageerana U Muujiyey Madaxweynaha Cusub Ee Muqdisho DAAWO

Oslo 26. February 2017 (SDN/QJ):- Soomaali Masiixiyiin ama Kirstaan ah oo isa soo urursatay ayaa kulan ballaadhan oo ay ku yeesheen dalalka Yurub waxa ay markii ugu horraysay taariikhda Soomaalida iyaga oo u nidaamsan hab urursan oo abaabulan waxa ay u hambalyeeyeen Madaxweynaha dhawaan loo doortay Maamulka Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo…

Read More

Natiijada Ka Soo Baxday Kulankii Kama Danbaysta ahaa ee u dhexeeyay Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkada DPW,Yaa Guul Jooga?DAAWO

Dubai 26. February 2017 (SDN/QJ):- Weftigii Ka Socday Xukuumadda Somaliland ee Socdaalka Ku Joogay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa Soo Gabo Gabeeyay Heshiiskii Dhex maray Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkada DPW ee Ku Saabsanaa Maalgelinta Dekeda Berbera, Iyadoo Shirkada Dpw Ay 1 Bisha March La Wareegayso Hawsha Dekeda Berbera. Danjire Baashe Cawil oo isagu furay hadalka ayaa…

Read More

Suxufi Raage Oomaar oo ka hadlay Dhagar-qabeyaasha lagu Casuumay Caleemo-Saarkii Farmaajo

London 26. February 2017 (SDN/QJ):- Raage Cabdillaahi Oomaar oo ah suxufi iyo qoraa caalami ah oo dunida laga qaddariyo ayaa muujiyey sida uu uga xumaaday in xafladdii lagu caleemosaarayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ee lagu qabtay Maddaarka Muqdisho lagu casuumay Jeneraal Moorgan oo ka tirsanaa saraakiishii sarsare ee xukuumaddii Kali-teliye Maxamed Siyaad…

Read More

Wasiir Sare oo Ka Tirsanaa Xukuumadii Obama Oo Bil Gudaheed Shaqo Ku Helay!

Washington 26. February 2017 (SDN/QJ):- John Kerry oo ahaa wasiirkii arrimaha Debadda ee Dalka Maraykanka xilligii Madaxweyne Obama ayaa waxa uu muddo bil ah ku joogay shaqa la’aan kadib markii uu Madaxwayne Trump ku guuleystay Madaxtinimada Dalkaasi.   John Kerry oo haatan da’diisu tahay 73 jir ayaa waxa uu shaqa macalinnimo ah uu ka helay…

Read More

Dadkii Ugu Badnaa Oo Toddobaadkan Gaajo Iyo Harraad Ugu Dhintay Badhtamaha Dalka Soomaaliya

Galgaduud 26. February 2017 (SDN/QJ):- Tuulo lagu magacaabo Keyn-ooman oo qiyaastii 38Km u jirta deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgduud ee Soomaaliya, waxaa Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday Aabbe iyo laba Carruur ah oo uu dhalay. Saddexdaa Ruux, ayaa tirada Dadka Gaajada iyo Harraadka ugu dhintay Gobolka Galgaduud ka dhigaysa 11 Qof, kuwaas oo toddobaadkan dhammaaday…

Read More

Haweenay Wadnaheeda Ku Qabatay Gacanta, Markii Laga Saaray Laguna Beeray Wadne Kale!

New Jersey 26. February 2017 (SDN/QJ):- Wadnuhu waa xubinta ugu muhiimsan Aadmiga, haddii uu shaqayn waayana waxay ka dhigan tahay in qofkaasi uu geeriyooday mana jirto qof isaga oo nool wadnihiisa gacantiisa ku taabta, Laakiin haweenay u dhalatay Dalka Maraykanka, Gobolka New Jersey ayaa ku guuleysatay iyada oo nool inay wadnaheedii laga soo saaray kadib…

Read More

Ruushka oo Shaaciyey Dagaalka Internet-ka ee Dunida oo uu Bilaabay, Guulaha uu gaadhay iyo Cabsida uu Abuuray

Moscow 26. February 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Millateriga ee Dawladda Ruushka, ayaa markii ugu horreysay qirtay heerka uu gaadhay dagaalkooda ku saabsan weearka Xogta Kumbuyuutarrada iyo Internet-ka.Wasiirka Gaashaandhigga ee Ruushka, ayaa sheegay in si heer sare ah ay u ballaadhiyeen waxa uu ku tilmaamay hordhaca dagaal qaboow. Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu oo ka hadlay awooddooda…

Read More

”Madaxweyne Farmaajo Ha La Dilo,Raysal Wasaaraha Ha La Dilo,Dawladoo Dhan Ha La Dilo Waayo Somalia Waxa Maanta Joogaa Waa Gaalo” Haweenay u Dhaxday Sarkaal Sare oo Alshabaab ka Tirsan oo La Qabtay DAAWO

Muqdisho 26. February 2017 (SDN/QJ):-Ciidamada nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa soo qabtay xaaska mid kamid ah saraakiisha Ajaaniibta Al-shabaab Haweeneydan oo magaceeda la yiraahdo Leyla Cumar Baaruud waa xaaska sarkaal Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Itoobiyaan kaasoo ka tirsan xoogaga Al-shabaab ee ka horjeeda dowlada Somalia. Saraakiisha ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu raadjoogay…

Read More

Sucuudiga : Ganacsatada Daroogada Oo Qarinta Maandooriyaha Agabka Loo Adeegsado Akhriska Iyo Barashada Qur’aanka

Jiddah 26. February 2017 (SDN/QJ):- Dadka ku dhaqan Dalka Sucuudiga ee ka ganacsada Maandooriyayaasha ayaa had iyo jeer adeegsada xeelado kala duwan oo badankooda la ogaaday, balse waxa ay haatan keeneen arrin aad u layaab badan oo qofka ku Ab-tirsada islaamku uu aad uga damqanayo.   Haddaba, xeelad kasta oo ay Dalkaasi ku galin karayaan…

Read More