Webmaster

” Xisbiga Kulmiye Iyo Gobolka Sool Waa Shuraako Waayo Waxay Tacab badan Geliyeen Xisbiga Kulmiye” Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda DAAWO

Laascaanood 03 November  2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa dadweynaha  gobolka Sool ugu baaqay inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inay wax uga qaban karaan gobolkaas. Guddoomiye Baashe wuxuu sheegay in siyaasiyiinta reer Sool  shuraako la yihiin xisbal-xaakimka oo uu ku dooday inuu horumarka dalka iyo gobolka Sool-ba…

Read More

Dawlada Maraykanka Oo Ka Hadashay Inay Joojisay Dhaqaalihii Ku Bixi Jiray Dawlada Soomaaliya!

Washintong  03 November  2017 (SDN/QJ):-Dawladda Maraykanka ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay ay baahinayeen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyo Wargeyso ka soo baxa Kenya oo sheegayay in dawladda Maraykanka ay joojinayso taageeraddii dhaqaale ee ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Jawaab qoraal ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay…

Read More

Xisbiga KULMIYE oo Isu-soo-baxyo iyo Mucaawanooyin uu Bixiyey ka Dhigay Maalintiisa Shanaad ee Ololaha Doorashada SAWIRO

 Hargaysa 03 November  2017 (SDN/QJ):-Xisbul-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa isu-soo-baxyo waawayn oo taageero iyo mucaawanooyin uu ugu deeqay xarumaha ciidammada iyo kuwa dadka jilicsan ku jiraan ka fuliyey guud ahaan dalka maalintiisa shanaad ee ololaha doorashada oo ku beegnayd maanta oo Jimce ah. Caasimadaha xarumaha u ah gobollada iyo magaalooyinka kala duwan ee…

Read More

Dhallinyaro Iskood isu abaabulay oo Baraha Bulshadda Somaliland ku Faafiyey arrin soo Jiidatay Quluubta Shacabka ( Inta aynu ku Midaysanahay ayaa Ka Badan inta aynu Ku kala Duwanahay) DAAWO

Hargaysa 03 November  2017 (SDN/QJ):-Kor u Kaca Qabyaaladda,Weedhaha Xajiimaysan ee Siyaasiyiinta Bulshadan hagi lahaa ka soo Burqanaya waxay sababi karaan in Xamaasadda doorashadu ay Weji kale Yeelato,Waxaa Baahi loo qabaa sidii loo Midayn lahaa Ummadda Somaliland. Waa Xaqiiq in Muwaadiniinta Somaliland ay Ku kala aragti duwan Yihiin Murashaxa ay u arkaan inuu samaynayo Somaliland ka qurux…

Read More

Shacabka reer Laascaanood oo Isu-soo-bax Indhuhu ku Daraandareen kaga Qaybgalay Ololaha Maalinta Shanaad ee KULMIYE SAWIRO/DAAWO

Laascaanood 03 November  2017 (SDN/QJ):-Shacabweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa isu-soo-bax indhuhu ku daraandareen oo ay ku muujiyeen taageerada KULMIYE kaga qaybgalay ololaha maalinta shanaad ee xisbiga. Kumanaan qof oo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo isugu soo baxay fagaaraha khayriyada Laascaanood maanta oo uu kala qaybgalay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha…

Read More

Madaxwayne Ku-xigeenkii Hore Somaliland Oo Farriin Culus U Diray Murrashaxiinta Xisbiyada DAAWO

Hargaysa 03 November  2017 (SDN/QJ):-Madaxwayne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waxaa uu Asxaabta Qaranka ee ku loo lamaya Talada Dalka Iyo Guud ahaanba Shacabka Somaliland uu u soo jeediyay in la ilaaliyo wixii doca docaynaya nabada iyo xasiloonida uu ku caana maalay Qaranka Somaliland,Waxaana uu sheegay in Asxaabtu Tartan nadiifa ay bulshada…

Read More

Xisbiga Kulmiye oo Maalintiisii 5aad ee Ololaha Doorashadda Wacdaro ka Dhigay Gobolada Somaliland,Damaashaadkii Laascaanood & Dardaarankii u Danbeeyay ee Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Laascaanood 03 November  2017 (SDN/QJ):- Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa Maanta Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka ku soo bandhigay ololaha doorashadda Madaxtooyadda ee qabsoomi doonta 13-ka bisha November ee sannadkan. Ololaha xisbiga Kulmiye oo galay wareegiisii 5aad ayaa waxaa taageerayaasha dareenkooda la wadaagay hogaanka Xisbiga iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda. Gudoomiyaha Xisbiga…

Read More

Wareegii Shanaad ee Kaltanka Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda & Dareenka Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sanaag Gaar ahaan Ceerigaabo DAAWO

Ceerigaabo 03 November  2017 (SDN/QJ):-Taageerayaasha iyo Jamaahiirta aaminsan Siyaasadda Xisbiga Kulmiye ayaa Maanta Wareegii 5aad ee Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda Waxay isugu soo baxeen Magaaladda Ceerigaabo iyo Deegaanada Kala duwan ee Gobolka Sanaag Koobsado.

Read More

Boorama: Marwada Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland & Kaadiriin Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye oo Deeqo Kala Duwan Gaadhsiiyey Goobo Muhiim ah,Kaalmadaas oo Qayb ka ah Ololaha Doorashadda DAAWO

Boorama 03 November  2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Madax wehelisa aya maalintii Shanaad ee Kaltanka Ololaha Doorashada Waxay isu soo baxyo ku qabteen afarta Degmo ee ay Magaaladda Boorama ka Kooban Tahay. Marwada Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Saraakiil kale oo Wehelisa ayaa…

Read More

Musharraxiinta WADDANI Iyo KULMIYE Codad ma ku waayi karaan Hadallada Naxliga ah ee ay Warbaahinta isku marinayaan? & Saamaynta Ay Ku Yeelan Karto Go’aanka Cod-bixiyeyaasha!!

Hargaysa 03 November  2017 (SDN/QJ):-Dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa ka hadlay sida ay u akaan Hadallada Xanafta leh ee ay Musharraxiinta Xisbiyada Qaranku isku mariyaan Warbaahinta. Musharraxiinta Xisbiyada Somaliland, gaar ahaan Musharraxiinta Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ayaa Maalmihii u dambeeyay Hadallo Adag oo Xanaf leh isku mariyey Warbaahinta, kuwaasi oo dadweynuhu ka xumaadeen…

Read More

Neef LAX ah oo Dhibbane u Noqotay Ololaha Doorashada: Xafiiltanka Shacabka Kala Taageersan Xisbiyada Xilligan & Dirirta labada Qoys ee Neefka!!!

Hargaysa 03 November  2017 (SDN/QJ):-Guud ahaan DalkaJamhuuriyadda Somaliland waxa si weyn looga dareemaayo Xumadda Ololaha Kaambeynka ee Doorashadda Madaxtooyadda oo dalka ka bilaabmatay  21/10/2017- oo ku beegnayd  Maalin Sabti ah, waxaana ololaha doorashadda ee dalku uu Maanta Marayaa 13 Cisho Iyadoo ay hadhay oo Marka Maanta laga Jaro 8 Cisho. Waxaa ku ceshatama Saddexda Xisbi Qaran…

Read More

“Shacabka waxaan leeyahay Xisbiyadu Cod bay Xaq idiinku leeyihiin ee Dhiig in aad u daadisaan Xaq idiin kuma laha, ee Nin-na dhiiggiinna ha u daadinnina…Difaaca Qarannimadana..” Dardaarankii Madaxweynihii Hore ee Somaliland DAAWO

Hargaysa 02. November 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ugu Baaqay Shacabku inaanay dhiiggooda u daadin Shaqsi Kursi-doon ah, balse Bulshada dhiiggoodu ku daadan karo difaaca Qarannimada Somaliland. Md. Rayaale, waxa uu sheegay in Ninka jecel dalku uu yidhaahdo Bulshada wada-jira, kana shaqeeyo midnimadooda, hase-yeeshee, Ninka aan jacaylka waddanku…

Read More

Warbixin Daaha ka Rogtay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Tahay Tii ugu Musuq Maasuqa & Qabyaalada Badnayd ee Somaliland Soo Martay Iyo Doorka Hogaaminta ee Qoyska Madaxweynaha!!!

Hargaysa 02. November 2017 (SDN/QJ):-Warbixin ay soo saareen laba xarumood oo caan ka ah qaaradda Afrika, ayaa lagu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo nqotay xukuumadii ugu musuqa iyo qabyaaladda badnayd ee soo marta Somaliland. Warbixin ay bishan Oktoobar ee dhammaatay soo saareen labada xarumood ee Academy for Peace and Development (APD) oo xaruntiisu tahay Somaliland…

Read More

Maalintii Shanaad ee Ololaha Doorashadda Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Madaxweyne oo La Dabaal Degay Shacabka Magaaladda Berbera DAAWO

Berbera 02. November 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga mucaaridka ah ee Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid oo ay maanta ahayd maalintiisii shanaad ee isu soo baxa ololaha doorashada madaxtooyada ayaa  gobolada iyo degmooyinka dalka ka sameeyey hawlo isugu jira isu soo bax iyo sama fal. Fagaaraha 26-June ee magaalada Berbera waxa taageerayaasha xisbigaasi kala qayb galay Murashaxa madaxweyne…

Read More

“Salaadiintu Waxay Doonayaan In Dawladda Dhisani Xanaanayso, Oo Aanay Hawsha Uun U Dirin…” Xaaji Cabdi-waraabe DAAWO

Hargaysa 02. November 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah Waxgaradka Samo-taliska ah ee Somaliland, ayaa dardaaran u soo jeediyey Musharraxiinta Saddexda Xisbi Qaran iyo Salaadiinta Dalka. Xaaji Cabdi-Waraabe oo Shalay ka qayb-galay kulan uu Madaxweynuhu iskugu yeedhay Madax-dhaqameedka iyo Culimada Dalka oo lagaga Wada-hadlay adkaynta Nabadgalyada iyo sidii Doorashadu ugu dhici…

Read More

Daymadda Wargeyska Ogaal: Wanjal Maaha Hal Abuur Kaambayn Oo Iib Geli Karra!!

Hargaysa 02. November 2017 (SDN/QJ):-Somaliland waxa weli ka socda ollole doorasho oo ay sadex xisbi ugu beretamayaan hogaanka dalka. Hannaan wanaagsan ayuu ku bilaabmay markii hore , hase ahaatee haatan ma murkucasho la’a. Arbacaddii todobaadkii hore oo xisbiga Kulmiye kaambaynka u lahaa, fagaaraha magaaladda Burco Murashax Muuse Biixi wuxuu ka jeediyay khudbad qaybo badan oo…

Read More