Webmaster

Murashaxa Xisbiga WADDANI Oo Tageero Mugweyn Ka Hantiyay Degaanada Bariga Burco Ee Togdheer DAAWO (SAWIRRO)

Burco 02. November 2017 (SDN/QJ):-Murashaxa Xisbiga WADDANI Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa socdaal la xidhiidha ololaha doorashada wuxuu ku gaalabixiyay qaybo kamid ah degaanada bari ee Gobolka Togdheer, kuwaas oo siweyn  looga muuneeyay tageerada WADDANI. Wafti uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha WADDANI ayna xubno ka yihiin, hoggaamiyaha Xisbiga Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee…

Read More

Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Soo Bandhigay Qorshaha Uu Ku Shaqayn Doono Shanta Sannadood Ee Soo Socda DAAWO

Hargaysa 02. November 2017 (SDN/QJ):-Maamulka sare ee Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigay Jaangoynta Qorshaha iyo nidaamka waxqabadka ee 5-ta Sanno ee soo socda  uu Baanka dhexe ee dawladdu ku shaqayn doono. Shirkan Shalay ay magaaladda Hargeysa  ku qabteen madaxda iyo maamulka Bangiga dhexe ee dawladda Somaliland, kana soo qaybgaleen Guddoomiyaha Baanka dhexe…

Read More

Dekedda Boosaaso Oo Uu Ka Taagan Yahay Murankii Berbera Oo Kale & Mudaharaaddo Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay

Bosaaso  02. November 2017 (SDN/QJ):-Inta la hubo hal Qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyooday dibed-baxyo rabshada watay oo Shalay galinkii hore ka dhacay qaybo badan oo kamid ah magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaaso. Dibad-baxyadan ayaa ka dhashay sida la sheegay xidhnaanshaha Dekedda Magaalada oo muddo Toddobaad ah aan si caadi ah u shaqaynin iyo…

Read More

Murrashax Cabdiraxmaan Cirro oo Khudbadiisii Burco ee Maanta Ku Taxay Balanqaadyada Fashilmay ee KULMIYE DAAWO

Burco 01. November 2017 (SDN/QJ):-Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kumanaan qof oo taageerayaasha xisbiga WADDANI ee magaalada Burco kala qaybgalay isku soo baxa maalinta saddexaad ee ololaha doorashada uu xisbigaasi u lahaa maanta. Murrashax Cirro oo khudbad u jeediyey taageerayaasha Burco isku soo baxa cirbaxa ah…

Read More

“Fariin buu Idiin Sidaa Kulmiyow, Maxamed Cabdilaahi oo Xamar Ayuu ka soo Duulay ee Car Nala Wadaaga” Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Waddani DAAWO

Hargaysa 01. November 2017 (SDN/QJ):-Taageerayaal mug iyo miisaan leh oo ku abtirsada xisbiga Waddani ayaa mar kale cududooda ku muujiyey fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa. Halkaas oo ay kala soo qaybgaleen masuuliyiinta sarsare ee xisbiga Waddani oo uu horkacayey Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde, Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani Maxamed…

Read More

WADDANI Oo Maalintii Afraad Ee Ololaha Soo Bandhigay Taageerayaal Miisaan Leh, Xirsi Oo Difaacay Mabda’a Xisbiga & Cirro Oo Moosko Soo Hadal-qaaday

Hargaysa 01. November 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga WADDANI, ayaa Khamiistii Maanta sameeyay isku soo-baxyo waaweyn oo ka qayb ka ah Ololaha Doorashada Madaxtooyada, iyadoo ay WADDANI u ahayd Maalintiisii Afraad ee uu isku soo-baxyo ka sameeyo Gobollada iyo Degmooyinka Dalka. Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, ayaa Magaalooyinka Dalka kaga qayb-galay Isku soo baxyo waaweyn oo taageerayaasha Xisbigaasi ku soo…

Read More

Maxamed Cabdillaahi Cumar Muxuu Ka yidhi doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo Caqabadaha jira? DAAWO

Hargaysa 01. November 2017 (SDN/QJ):- Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xilalka Wasiirka arrimaha dibedda iyo Wasiirka Maalgashiga ka soo qabtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kana tirsan Xisbiga Kulmiye, ayaa ka hadlay qabsoomidda doorashada Madaxtooyada Somaliland ee u muddaysan 13-ka bishan aynu ku jirno iyo caqabadaha ku xeeran. Waxaannu Maxamed Cabdillaahi Cumar oo arrimahaas iyo kuwo kale kaga…

Read More

Hoggaamiyaha Waddani Xirsi oo Khudbad uu ka jeediyey Burco Si adag ugula hadlay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye DAAWO

Burco 01. November 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Khudbad ka jeediyey Arbacadii Maanta Fagaaraha Khayriyada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ay Kumannaan Taageerayaasha Waddani ka tirsani isugu soo baxeen maalintooda afraad ee ololaha doorashada Madaxtooyada oo Maanta Xisbigaasi dalka ka oogay. Khudbadda uu Hoggaamiyaha Waddani Xirsi…

Read More

‘’Doorashada Haddii Maanta Nalaga Helo Anagoo Kulmiye ah Dee Waa Haddii Ay Ku Shubteen ‘’ Maayar Ku Xigeenka Hargaysa DAAWO

Hargaysa 01. November 2017 (SDN/QJ):- Maayar Ku xigeenka Caasimadda Hargaysa Cabdi casiis Cago weyne oo dhawaan ku biiray Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye uu yahay ka ugu Codka badan caasimadda Hargaysa hasa yeeshee waxa uu xusay in hadiiba ay dhacdo In lagaga Guulaysto ay arrintaasi tahay ku Shubasho. Dhawaqan…

Read More

“Muuse waa Shabeel Harag Sumal loo Xidhay oo Halis ku ah Qarannimada Somaliland…” Gudoomiyihii Hore ee Gobolka M.Jeex Mustafe-Shiine oo Xisbiga Waddani Ku Biiray DAAWO

Burco 01. November 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Maroodijeex ee dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka qaaday Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa Maanta isagoo ku Sugan Magaaladda Burco waxa uu ku dhawaaqay inuu ku biiray Xisbiga Waddani waxaanu eedaymo u soo Jeediyey Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Read More

Nuxurka Kulan Xasaasi ah oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo Maanta la Yeeshay Todobadda Xubnood ee Komiishanka Doorashooyinka & Digniinihii Ugu adkaa oo La Soo Saaray SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 01. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandm mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay todobada xubnood ee komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, xubnaha komishanka oo madaxweynaha ugu yimi sidii ay warbixin uga siin lahaayeen qaabka ay ilaa hada u socoto u diyaar garawga doorshooyinka Somaliland oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar 12…

Read More

Magaaladda Burco oo Maanta Hoos Hadhsatay Midabka Liimiga ah ee Xisbiga Waddani & Khudbadaha Murashaxa Madaxweyne ee Waddani Iyo Hogaamiyaha Xisbigaas DAAWO

Burco 01. November 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Maanta ay ahayd maalintiisii afraad ayaa Guud ahaan Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka Waxa uu ku soo bandhigay Dhoola Tus xoogan oo Siyaasadeed Isla markaana uu ku Muujinayo Cuddudiisa ku wajahan Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda. Ugu horayn Fagaaraha khayriyada ee magaalada Burco waxaa isugu soo baxay Taageerayaal…

Read More

Madaxweynaha Oo Isugu Yeedhay Madax-dhaqameedka, Ganacsatada, Iyo Culimada Dalka, Kulan Dardaaran Ahna La Qaatay Iyadoo Khudbado Muhiimana Laysku Dhaafsaday Madasha SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 01. November 2017 (SDN/QJ):- Kulanka muhiima oo madaxweynuhu maanta isugu yeedhay Madax-dhaqameedka, Ganacsatada, iyo Culimada Dalka ayaa ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, waxaanu kulankaasi ahaa mid dardaaran iyo baraarujin isugu jira oo uu madaxweynuhu kula dardaarmayey masuuliyiintaasi inay qayb ka noqdaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ku kala…

Read More

Hargeysa: Taageerayaasha Waddani oo Wacdaro Muujiyey Maalintooda Afraad ee Ololaha iyo Farriimo Masuuliyiintu Kulmiye u direen DAAWO

Hargaysa 01. November 2017 (SDN/QJ):-Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee ku dhaqan Caasimadda Hargeysa, ayaa Maalintooda afraad ee ololaha doorashada Madaxtooyada Xisbigaasi u leeyahay isu-soobax ay cududdooda taageero ku muujiyeen ka sameeyey Hargeysa, waxaanay isugu soo biyo-shubteen Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa, halkaas oo ay Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani ka tirsani kala hadleen…

Read More

“Dadka Somaliland ku Nooli Waxay kala Tagayaan Wakhtiga Suurta La-afuufo,Waxaan Anigu door bidayaa inay wanaag ku wada joogaan..” Dardaarankii Madaxweynihii Hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin!!!

Hargaysa 31. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay haddii wanaag lagu wado joogo iyo haddii xumaan la is-gashadaba in Bulshada Reer Somaliland weligeed wada joogi doonto dalka Somaliland, isla markaana aanay ku kala tegi doonin illaa Suurta la afuufo ka hor. Waxa hadalkani ka mid yahay Khudbadihii Taariikhda…

Read More

Taliyihii Hore ee Sirdoonka Somaliland oo Farriin u Diray Xisbiyada Ololaha Doorashada Ku Jira DAAWO

Hargaysa 31. October 2017 (SDN/QJ):-Taliyihii hore ee Ciidammada Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur, ayaa fariin dardaaran ah waxa uu u direy murrashaxiinta iyo Taageerayaasha Xisbiyada Qaranka, isagoo wakhtigan Taageera Xisbiga talada haya ee Kulmiye. Waxa uu Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland wakhtigii Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Maxamed Nuur, ayaa Shir Jaraa’id oo uu maanta ku…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaal Tacsi ah u Diray Qoyskii uu Ka Baxay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Ciidanka Qaranka oo Maanta Geeriyooday

Hargaysa 31. October 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, ciidamada qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum gashaanle sare Maxamed Cabdi Bisle oo ku…

Read More

Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Odinga oo Shaaciyey Tallaabooyinka uu Qaadayo Natiijadii doorashada uu ka hadhay ka dib

Nairobi 31. October 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka Kenya ee NASA, Raila Odinga ayaa maanta sharaxay go’aamada uu ka qaatay doorashadii Isniintii la soo afjaray. Wuxuu ku celiyay in weli uu aaminsan yahay in aysan doorasho dhicin, wuxuuna tilmaamay in uusan aqoonsanayn maamulka Uhuru Kenyatta. Guddiga doorashada ee IEBC ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada oo…

Read More