Webmaster

Madaxweyne Siilaanyo oo Hadyado Qaali ah Gudoonsiiyey Arday Ku Guulaysatay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee uu soo Qaban qaabiyo DAAWO

Hargaysa 19.June 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa ka qayb galay Munaasibad lagu soo Gabo Gabaynayay Tartankii qur’aanka Kariimka ee uu soo qaban qaabiyey Waxaanu Madaxweynuhu Gudoonsiiyey Afartii Arday ee Ku Guulaysatay Tartankaas Abaal Marino kala duwan.

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka Giigay inuu Go’aan ka Gaadho Saami qaybsiga Kuraasta Aqalka Wakiiladda Taas Badalkeedana Isaga Moosay Gudoomiye Cirro

Hargaysa 19.June 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka gaws adaygay inuu go’aan ka gaadho saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee gobalada Somaliland oo ah mawduuc xaasaasi ah, waxaanu ku soo riixay oo uu taladeeda iskaga soo celiyay dhinacyo kale. Warqad jawaab celin ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo 14 June 2016 u…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo Mawqif adag iska Taagtay Xubno Dalkeeda u dhashay oo lagu daray Gudida Doorashooyinka Somalia DAAWO

Hargaysa 19.June 2016 (SDN/QJ):- Kadib Markii Madaxweynaha dalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud uu soo Saaray Xubno lagu biirinayo Gudida Doorashooyinka Somalia Kuwaas oo dhalasho ahaan ka soo Jeeda Deegaanada Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Sheegay inaanay Somaliland aqoonsanayn Xubnahaas Waxaanu intaas ku daray in Talaabada uu qaaday Madaxwenaha Dawlada Federaalka…

Read More

War-bixin Uu Tv-ga BBC-du ka Diyaariyey Kalluumaysiga Badda Somaliland DAAWO

Berbera 19.June 2016 (SDN/QJ):- Tv-ga Caalamiga ah ee BBC News, ayaa War-bixin ka diyaariyey Kalluumaysiga Badda Somaliland ka socda, kaasi oo aan heerkii loo baahnaa gaadhin, maaddaama oo ay yar yihiin Tasiilaadkii Kalluumaysatada Dalku u baahnaayeen. Halkan Hoose Ka Daawo War-bixintaasi oo Dhamaystiran https://www.youtube.com/watch?v=sBNn4f1rLrg

Read More

Gudoomiye Cali Guray oo Soo Bandhigay Dhaqaalaha uu Murashax Jamaal ku Bixiyey Soo Saarista Xisbiga Ucid Iyo Sida Gudoomiye Faysal aanu Waxba ugu Darsan‘’Dhan Walba ha Lagu Qado ee Dheglay Ku Shub”

Hargaysa 19.June 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa soo bandhigay Xadiga dhaqaale ee Murashax Jamaal Cali Xuseen kaga baxay ka soo saaristii Xisbiga ee Marxaladii Urur Siyaasadeedyada,Isagoo Xusay in Murashax Jamaal uu Lacag dhan Laba Boqol oo Kun oo dollar ku Kharash gareeyay Ololihii Kaanbaynka…

Read More

Dhacdo Ugub Ah: Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Weerar Ku Qaaday Dugsi Waxbarasho Isaga Oo Wata Rag Hubaysan Kadibna Qafaashay Maamulihii Dugsiga Iyo Argagixii Ardayda

Berbera 19.June 2016 (SDN/QJ):- Dhacdo Ugub ku ah qaranka Somaliland shacabkii maqlayna aad ula yaabban yihiin ayuu ku kacay wasiir xukuumadda Somaliland ka tirsani kadib markii uu weerar ku qaaday Dugsi waxbarasho isaga oo wata ciidan hubaysan kadibna xadhig kula kacay maamulkii dugsigaasi arrinkaasi oo noqday midka loogu hadal hayn badnaa maalmihii ugu dambeeyey. Arrinkan…

Read More

Madal Afur ah oo Kulmisay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Ismaandhaaf Siyaasi ahi u dhexeeyay

Hargaysa 19.June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahan murrashaxa xisbiga Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay kulan fool ka-fool ah la yeeshay wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo dhawaan kasoo laabtay safar uu carriga maraykanka ugu maqnaa. Kulankan oo ahaa mid xogtiisa si weyn loo daahay, ayaa ka qabsoomay…

Read More

Sheekh Adaan-Siira oo sheegay in Umada intii hormoodka u noqon Lahayd ku Mashquuleen Gurigii Yaraa ee Moorgan dhisay DAAWO

Hargaysa 19.June 2016 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamud Xiirey “Sheekh Aadan Siiro” oo Caan ku ah inuu Khudbadihiisa ku soo Bandhigo Gol Jilicda iyo Dhaliilaha Xukuumada ayaa ka hadlay Loolanka loogu Jiro Sidii Sadexda Xisbi Hogaamiyeyaashadu u Geli lahaayeen Qasriga looga Taliyo Somaliland Isla markaana Ummada lagu Mashquuliyey dhaqdhaqaaqa ka dhex Socda Gurigii uu Dhisay…

Read More

Colaadihii Ugu Dhimashada Badnaa Adduunka Iyo Barnaamijka (Xogta Dahsoon) DAAWO

Hargaysa 19.June 2016 (SDN/QJ):- Taariikhda adduunku waxay dib ugu noqonaysaa dhacdooyin laga xanuunsaday oo ay dhibaato kala kulmeen basharka aadamuhu, dhacdooyinkaa murugada xambaarsanaa oo ka imanayey dagaalo lagu hoobtay, daacuun dillaacay iyo masiibooyin kale oo rabbaani ah, kuwaas oo aan xuduud lahaan jirin, sida dagaaladii aan kala sooci jirin qofka iyo dhagaxa, kuwaasoo laga dhaxli…

Read More

Kulan Ku Saabsan Anshaxa Toosan Iyo Tebinta Togan oo Madal isugu Keenay Bah’da Warfidiyeenada iyo Culimada ugu Caansan Geyiga Somalida

Hargaysa 19.June 2016 (SDN/QJ):-  Ururka Al-bashiir oo ka shaqeeya dacwada Diinta Islaamka iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa magaalada Hargeysa ka furay kulan muddo saddex maalmood ah soconaya oo ku saabsan sidii saxaafaddu u tabin lahayd warar togan, una ilaalin lahayd anshaxa suuban ee saxaafadda iyo bulshada. Kulankan oo soconaya saddex maalmood ayaa saxafiyiintu…

Read More

Afhayeenkii G.Dhallinyarada WADDANI oo Ku Dhex Xanuunsanaaya Saldhiga Dhaxe ee Hargeysa+ Eheladiisii iyo Mas’uuliyiinta WADDANI oo Laga Hor Istaagay DAAWO

Hargaysa 19.June 2016 (SDN/QJ):- Afhayeenkii garabka dhallinyarada xisbiga WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Dhamme oo isaga iyo dhallinyar kale oo dhawaan dhalliilay heshiiska dekadda Berbera ay maalintii 14 aad maxkamad la’aan ugu xidhan yihiin saldhigga dhaxe ee Hargeysa, ayaa ay aad u adag tahay xaaladda caafimaad ee sarkaalkan. Sida ay noo xaqiijiyeen ehelada Maxamed Siddiiq iyo weliba…

Read More

“Xarunta Xuquuqal Insaanka waxay ku baaqaysaa in xorriyadooda loo soo celiyo afar qof oo loo xidhay aragtidooda oo ay dhiibteen” Bayaanka HRC

Hargeysa 19,June,2016(SDN/QJ):-Xarunta Xuquuqal Insaan ee Madaxa Banaan Human Rigth Center waxay xukuumada iyo laamah Amniga ugu baaqay in xoriyadooda loosoo Celiyo Afar qof oo ay sheegtay in loo xidhay aragtidooda oo ay ka hadleen.   Warsaxaafadeed uu ku Saxeexanyahay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaan Mr Guled Dafac oo Nuqul kamid ahi soo Gaadhey xafiiska Warqabadka Shabakada…

Read More

Xukuumada Mileteri ee Masar oo ka Noqotay Daldalaadii Madaxweynihii Hore ee dalka Masar Maxamed Mursi Kuna Xukuntay Xabsi Daa’in

Qaahira, 19,June,2016(SDN/QJ):-Madaxwaynihii Hore ahna Hogaamiyaha Ikhwaanul Muslimiinka Masar,  Maxamed Mursi ayaa Shalay oo  sabti ah lagu Xukumay Xabsi Daa’in. Maxkamada Danbiyada ee Qaahira ayaa ku xukuntay Lix ka mida Ikhwaanul Muslimiinka Dil Toogasho halka laba kalena ay ku xukuntay Xabsi Daa’in ama madaxa haku Furto. Xabsiyada  ku yaala dalka Masar oo xukunka ugu badani yahay…

Read More

Hargaysa: Guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Warancade oo Caawa la Weeraray Iyo Cida Weerarkaas ka danbaysay oo la Shaaciyey DAAWO

Hargaysa 18.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Xili Ku siman Wakhtigii Afurka ee Caawa ayaa Waxay Rasaas Xoogan laga Maqlay Guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo Ku Yaala Xaafada New Hargaysa. Warku Wuxuu Sheegayaa in Ninka Weerarka gaystay uu ka mid ahaa Ehelada Wasiirka hasa yeeshee Ciidamadu kumay Guulaysan inay Gacanta ku soo dhigaan…

Read More

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Kulamo Diblomaasiyaddeed La Qaatay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Sweden iyo Maayirka Magaalada Stockholm

Stockholm 18.June 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo muddooyinkii dambe socdaal ku joogay dalalka Sweden iyo Finland, ayaa maanta kulamo la qaatay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka dalkaasi Sweden Mr.Tobias Billstrom iyo weliba sida oo kale Maayirka magaalada Stockholm Mr’s. Karin Wanngard iyo…

Read More

Madaxwaynaha, Guddoomiyaha Kulmiye iyo G. Golaha Wakiilada Ahna G. Waddani oo Tacsi u Diray Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse oo Hargeysa ku Geeriyooday

Hargaysa 18.June  2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Geeriyooday Alle ha u Naxariistee Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse oo Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,…

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar Ilkood Kala Soco Qurbejoog.com “Ma Leedahay Raxmad kugu Abuuran? {DHAGAYSO}

Hargaysa 17.June 2016 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku soo…

Read More