Webmaster

Hargeysa: Wariye Cabdifataax Carshe Oo Maalintii afaraad Maxkamad La’aan U Xidhan Wasiir Warancadde

Hargeysa, 28 March, 2016-(SDN/QJ): – Wariye Cabdifataax Ismaaciil Carshe oo ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala magaaladda Hargeysa, ayaa maalintii afaraad maxkamad la’aan u xidhan Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadda. Wariye Carshe oo ka hadlay qaabkii loo xidhay ayaa sheegay in sabab la’aan ay ciidamadda Warancadde xabsiga u dhigeen “Ma garanayo sababta ciidamadda…

Read More

(DAAWO) Ciyaarta oo dhameystiran Barzil Iyo Uruguay oo Isku Nafbaxay u Soo Bixdda Koobka Aduunka 2018.(Jaahuur)

Pernambuco Stadium-Mar-27-2016(SDN/QJ) Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha waxaynu ku iftiimineynaa is reeb-reebka koobka kubadda cagta ee aduunka 2018 oo si xasaasi ah ugu socda Waqooyiga Ameerika. Haddaba ciyaar aad loo sugayey ayaa waxa isku hirdiyey xulka Brazil iyo xulka Uruguay daawo waxay kala macaasheen. W/Q Jaahuur SDN/QJ jjaahuur@Hotmail.com

Read More

Maxkamadda Gobolka M.Jeex Oo Mudaysay Dacwad Madaxtooyadu Dabada Ka Riixayso Oo Lagu Soo Oogay Wargeyska Ogaal AKHRI

Hargeysa, 27,March,2016(SDN/QJ):-Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa maalintii khamiista ahayd Mudaysay dacwad ka dhan ah wargeyska madaxabannaan ee Ogaal, isla markaana waxay maxkamaddu masuuliyiinta wargeyska ogaal ku wargelisay inay ka soo qaybgalaan dhegaysiga dacwadda loo haysto.   Qoraal ka soo baxay maxkamadda oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyay Xafiiska Warqabadka Shabakada Qurbejoog, oo uu ku…

Read More

“Waa Sharci Waanan Soo Dhaweynayaa In KULMIYE Laga Saaray Shan Xubnood” Xildhibaan Nac-nac

Hargaysa 27.March 2016 (SDN/QJ):-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka tirsan Mudaneyaasha aqalka wakiiladda Somaliland, ayaa soo dhaweeyay  tallaabadii xisbiga KULMIYE lagaga saaray shan xubnood oo ka tirsanaan jiray xisbigaasi isla markaana ahaa Wasiirradii iska casilay xukuumadda dabo-yaaqadii sanadkii hore. Xildhibaan Nacnac  oo ka mid ah Mudaneyaasha ka soo baxay xisbul xaakimka KULMIYE ee laga…

Read More

Siyaasi Yaasiin Fartoon oo Xilal kala Duwan ka soo qabtay Somaliland oo Si balaadhan Laascaanood loogu soo dhaweeyay DAAWO

Laascaanood 27,March,2016(SDN/QJ):-Siyaasi Yaasiin Maxamud Faratoon oo ka Mid ah Siyaasiyiinta Gobolka Sool Mudo badana ku maqnaa dalka Dibadiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda Laascaanood. Siyaasiyi Yaasiin Faratoon Xiir ayaa Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadii uu Hogaamin jiray Madaxweynihii Geeriyooday ee Jamhuuriyada Somaliland Marxuun Cigaal isagoo Mudooyinkii ugu danbeeyayna ku noola dalka Ingiriiska.

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Mamnuucday In Aan  Dalka Laga Dhisi Karin  Masaajid Danbe

Hargaysa 27,March,2016(SDN/QJ):-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ka dhawaajiyay inaan masaajid dambe oo dalka laga dhisayaa jiri doonin ilaa wasaarada diinta iyo awqaaftu soo eegto goobta laga dhisayo. Isla markaana wuxuu sheegay in ogolaanso siiso cidda dhisanaysa masaajidka. Wasiirku wuxuu sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad loo qabtay furitaanka…

Read More

Dawlada Shiinaha oo Faahfaahisay Qorshaha ay ka Damacsantahay Saldhig Milateri oo ay ka furatay Djabuuti

Djibouti 27,March,2016(SDN/QJ):-Dawlada wadanka Shiinaha ayaa sharraxaad ka bixisay qorshaha saldhigga shiinaha uu dhawaan ku yeeshay dalka Djibouti. Saldhiggaas oo ciidamada badda ee dalkaasi Shiinuhu ay ku yeesheen Djibouti ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo Shiinuhu ku yeesho meel ka baxsan dalkaasi. Shiinaha ayaa sheegay in saldhiggaas aanu  uga dan lahayn isballaadhin dhanka…

Read More

Boon: Weerarka Uu Waraabuhu Ku Hayo Cunista Maydadka Gaajadda Iyo Haraadka U Dhimatay

Boon 27,March,2016(SDN/QJ):-Tuulda Boon ee ka tirsan gobolka Awdal, ayaa la sheegay in laga helay deegankeeda haweenay u dhimatay haraad, isla markaasna uu cunay Waraabe, oo lafihii, madaxii iyo dharkeedii oo kaliya laga helay goobta. Dadkii meesha u gurmaday ee indhahooda ku soo arkay maydka haweenayda uu waraabuhu cunay ayaa sheegay in sababta ay ugu malaynayaan…

Read More

Ninkii Kooxda Alshabaab u Qaabilsanaa Dilalka Suxufiyiinta oo laga Diiday Rafcaan inuu ka qaato Xukun Dil Toogasho oo lagu Xukumay

Muqdisho 27,March,2016(SDN/QJ):- Maxkamadda sare ee ciidamada  Soomaaliya ayaa tuurtay racfaan uu horkeenay Xasan Xanafi Xaaji oo hore loogu xukumay xukun dil ah. Xasan Xanafi Xaaji waxaa loo haystay in uu ku lug lahaa dilal hore loogu gaystay weriyayaal dhawra iyo in uu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab. Maxkamadda sare ee ciidmada  Somaliya ayaa xukunkan gaadhtay kadib…

Read More

Waa Imisa Qadarka Lacageed Ee Shacbiga Awdal u Ururiyeen Dadweynaha Abaaruhu Hayaan?

Boorama 27.March 2016 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud  Cali Saleebaan  (Ramaax) ayaa  sheegay in ay hayaan qaadhaan   ay ka soo ururiyeen ganacsatadda iyo dadweynaha gobolka Awdal. Waxaanu gudoomiyaha gobolka Awdal sheegay inuu gacanta ku hayo lacag dhan laba iyo sodonkun iyo shan boqol oo dollar iyo kun iyo konton kiish oo raashina si dhakhso ahna…

Read More

Xukuumadda Federaalka Itoobiya oo Gollaha Dhaqanka ee Oromada u balanqaaday inay Mag-dhaw ka siinayso dadkii ay ka Dishay

Addis Ababa 27.March 2016 (SDN/QJ):- Xeer ilaalinta Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Hailemaraim, ayaa kulan xasaasi ah la qaatay xubno ka socda gollaha dhaqanka ee Oromada oo loo yaqaano Abba Gadas. Shirkan ayaa lagaga xaajooday rabshadahii dhawaan ka dhacay gobolka Oromada iyo guud ahaan xaalada siyaasadeed ee dalku marayo. Kaaliyaha gaarka ee ra’isulwasaaraha, Ewnetu Bilata, ayaa colka wararka…

Read More

Safiirka Somaliland u fadhiya Imaraadka Carabta oo ka hadlay  mashaariicda dawlada AUE ka wado Somaliland iyo Arrimo kale

Hargeysa, 27,March,2016(SDN/QJ):- Md. Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin qorshe wadanka Imaaraadka Carabtu ku doonayo bedelka mashaariicaha taageerada uu Somaliland ka fuliyo, balse yihiin dedaalo ku yimi siyaasada xukuumada Madaxweyne Axmed Siilanyo hogaaminayo, anniguna fuliyaheedii ugu ahay. Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil oo mudadii uu xilka hayey…

Read More

Axmed Madoobe “Gogosha Kismaayo uma Furna Jubbooyinka kaliya ee Soomaali ayey u furantahay” DHAGAYSO

Kismaayo 27.March 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed madoobe ayaa soo xiray shirkii ka socday degmada Kisamaayo kaas oo ahaa shirka dib u heshiisiinta beelaha wadda dega gobolada Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in qoddobada lagu heshiiyey intii shirku uu socday aanu cid gaar ah xuquuq siin doonin ee uu dan u…

Read More

Interfaxenergy oo Shaki ka Muujisay Hirgalinta Mashruuca Gaas-ta Dabiiciga ee Kililka shanaad

Addis Ababa 27.March 2016 (SDN/QJ):-  Maraeegta wararka ee Interfaxenergy oo si gaar ah uga hadasha arrimaha shidaalka ayaa warbixin ka diyaarisay heshiis dhawaan dhaxmaray Itoobiya, Jabuuti iyo shirkad Shiine ah oo ruqsad loo siiyey in ay horumariso shidaalka jeexdin iyo Elaale ee ismaamulka Soomaalida. Shabakada ayaa tilmaantay in mashruucu u muuqdo mid socda kadib markii…

Read More

Xukuumadda Somalia Oo Masaarida U Ogolaatay Inay Ka Kaluumaystaan Badda Somaliland

Muqdisho 27.March 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somalia iyo  dawladda Masar ayaa Magaalada Xamar ku kala saxeexday heshiis maraakiibta Masaarida u ogolaanaya inay ka kaluumaystaan biyahaa badda Cas ee Somaliland. Heshiiskan oo u dhigan sidii oo ay Somalia xukunto badda Cas ee Somaliland ayaa waxa dhinaca Masaarida u saxeexay Maxamad Fatxi Cismaan oo  wasiirka Beeraha ee Masar…

Read More

Mas’uuliyiinta Al-shabab oo Gacan ka hadal ku dhex marayi Shir ay ku lahaayen Jilib

Jilib 27.March 2016 (SDN/QJ):- Wararka laga helayo Magaalada Jilib ee gobalka Jubada dhexe  ee waddanka Somaliya ayaa sheegaya in  horjoogayaasha  Al-shabab ay isku fahmi waayeen shir Sadaxdii maalmood ee la soo dhaafay ay ku lahaayeen Magaaladaasi. Gacan ka hadalka ayaa ka dhashay kadib markii uu isfahmi waa soo kala dhex galay horjoogaha dhinaca Maaliyadda u…

Read More

Suldaan dhawaan Xukuumadda Iyo Hogaanka Kulmiye u Cumaamadeen Saldanada Guud ee Beesha Subeer Awal oo Sheegay inuu is Casilay.

Hargaysa 27.March 2016 (SDN/QJ):- Warar Xog,ogaal ah oo soo gaadhaya xafiiska Qurbejoog  ayaa  sheegaya in ninkii loo cumaamaday sii hayaha saldanada beelaha Subeer Awal iyo inti ku xeernayd ay ka tanaasuleen hawshii lagu Maqaarsaaray. Is casilaada Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxman  ayaa waxa ay ka danbaysay kadib markii qorshahii loo waday ay si ba,an ugu jawaab…

Read More

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Digniin U Dirtay Ganacsato Dawooyin Dhacay Ku Qubatay Magaaladda

Hargaysa 27.March 2016 (SDN/QJ):-Xoghayaha dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa Axmed Maxamed C/laahi (Derajo), ayaa digniin adag u diray ganacsatadda iyo farmsiiyadda magaaladda Hargaysa oo uu sheegay in ay daawooyin dhacay ku daadiyeen meel magaaladda dhexdeeda  ah.   Axmed Derejo, waxa uu sheegay in daawooyinkaasi dhacay lagu daadiyay xaafadda Masalaha galbeed ee  magaaladda magaaladda Hargaysa, taasi…

Read More