Webmaster

WAJAALE: Mulkiillaha Dhaam-biyood Guddoomiyaha Degmada Wajaale Aasay Oo Mar Kale Baaq U Diray Xukuumadda

Wajaale, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Muwaadin Abokor Axmed Xuseen Kooshin oo ah mulkiillaha mid ka mid ah Balli-biyoodyada bulshadu ka cabto ee ku yaalla degmada Tog-Wajaale ee Gobolka Gabiley, ayaa mar kale qaylo-dhaan ka muujiyey hawl-gal uu maamulka degmada Wajaalle ku aasay balli-biyoodkaasi, kaasi oo sabab looga dhigay waddo-bannayn, dhaamkaasi oo waqtigan abaaruhu jiraan kamid ahaa…

Read More

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay Abaaraha iyo Mowqifka 4.5 DHAGAYSO

Boosaaso, 31 March, 2016-(SDN/QJ):–  Madaxwayne ku xigeenka dawlada Puntland Mudane C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland iyadoo si wayn loogu soo dhaweyey duleedka degmada. Madaxwayne ku xigeenka ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada boosaaso wuxuuna sheegay in socdaalkiisan uu salka kuhayo labo arimood oo kala ah sidii maamulka…

Read More

Sawir Gacmeed Lagu Faaqiday Khilaafka Qotada Dheer Ee Hoggaanka UCID

Hargeysa, 30 March, 2016-(SDN/QJ): – Khilaafka xisbiga UCID ee u dhaxeeya Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo murrashaxa madaxweynaha xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen, ayaa gaadhay heerkii ugu xumaa, waxaana la filayaa in dawcwadooda hal xidhaalaha ku noqotay Somaliland ay u gudubto Maxkamadda sare ee dastuuriga ah, si ay uga garnaqdo xaajadan murugtay. Haddaba, sawir gacmeed laga…

Read More

Anigu Meel Aan Xaal Iyo Raali-gelin Uga Geeyo Madaxweynaha Ma Muuqato, Waayo? Ninka Meel Ka Dhaca Tirsanayaa Waa Aniga..” Garnaqsiga Wasiirkii Hore ee Caddaaladda

Hargeysa, 30 March, 2016-(SDN/QJ): – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaalada Somaliland, imikana ka mid ah Xubnaha la baxay Isbaheysiga KULMIYE Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in Sababta Rasmiga ah ee uu Xukuumadda iskaga Casilay tahay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay rafiiq ahaayeen illaa wakhtigii Halganku uu kaga baxay Qorshe ay ku taageersanayeen isaga iyo…

Read More

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Sharciyo adag ku Xidhay Hadii la Hakiyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Hargaysa 29.March 2016 (SDN/QJ):- War hada soo dhacay ayaa sheegaya in gudida doorashoyinka Somaliland ay shuurdo adag ku xidheen in la hakiyo Diwaangalinta cod bixiyaasha oo shalay la soo jeediyey . Gudida doorashooyinka ayaa waxaa ay kulan arintaasi kaga hadlayaan oo ka dhacay qasriga madaxtooyada ay fooda isku dareen masulyiinta ugu sareysa xukuumada Somaliland Waxaana…

Read More

Dareenada Dhiilo Sidka leh Iyo Muuqaaladii u danbeeyay ee Abaaraha Gobolada Awdal & Salal Iyo Gurmadka Madaxweyne Ku Xigeenka oo Bulshadu la Yaabeen DAAWO

Hargeysa 29,March,2016 (SDN/QJ):-Waxaa Deegaanada Galbeedka Somaliland Xiligan ka Taagan Abaar Baahsan oo Geyiga Somaliland Saamayn Taban ku Yeelatay,Inkasta oo Gobolada Bari ee Dalku ay yara dhaamaan Kuwa Galbeed isla markaana laga helayo Daaq iyo Biyo Wakhtigan Gabaabsi ku Jira,Hadana wuxuu culayska ugu badani ku dhacayaa Degsiimooyinka Galbeedka Somaliland Siiba Gobolada Awdal iyo Salal. Weftigii uu…

Read More

Mujaahid Cali Gurey oo Khilaafka Xisbiga UCID ku tilmaamay Mid Cid gaar ahi ugu shaqeynayso Xisbiyada Kale,Eedayna u soo Jeediyey Gudoomiye Faysal

Hargeysa 29,March,2016(SDN/QJ):-Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali gurey)ayaa khilaafka Xisbiga Ucid ku tilmaamay in Guddoomiyaha Xisbigaasi uu ugu adeegayo Xisbi kale. Mujaahid Cali Gurey waxaa uu sheegay in khilaafkan soo noqnoqday ee Xisbigaasi ka dhashay dabada ku hayo In dantii Xisbigaasi laga hormariyey Dan Xisbi Kale….

Read More

“Jamaal Cali Xuseen waa laga Gardaranyahay”Cabdikariin Axmed Mooge oo ka Hadlay Khilaafka Xisbiga Ucid

Hargeysa 29,March,2016(SDN/QJ):-Aqoonyahan Cabdirashiid Axmed Mooge, wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada Qorsheynta qaranka ayaa sheegay in guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ka Khaldanyahay Musharaxa Xisbigaasi ee Jamaal Cali Xuseen. Cabdikariin Axmed Mooge waxaa uu ku dooday in Jamaal Cali Xuseen Xaq u leeyahay inuu mar iska sharaxo Xisbiga Ucid maadaama uu xisbigaasi musharax…

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Abaartu Saamaysay 1.5 Milyan Oo Qof, Xoolihiina 80% Meesha Ka Baxeen 

Hargeysa, 29March, 2016  (SDN/QJ):– Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Tirada Dadka ay Saamaysay Abaarta ba’an ee ka taagan geyiga Somaliland, gaar ahaan Gobollada Galbeedka oo Dad u dhinteen Gaajo iyo Harraad ka dhashay Abaarta. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-Shoombe), ayaa sheegay in Abaaraha is-daba joogga ah ee ka jira Somaliland ay sabab…

Read More

Xisbiga Kulmiye Oo Caddeeyay In Guddoomiye ku-xigeennadii 2 & 3-aad Ee Xisbigu Xubinnimadoodii ku waayeen Sharci-jabin

Hargeysa, 29,March,2016(SDN/QJ):- Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa Caddeeyay inay Xisbiga ka baxeen Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee Xisbigaasi, laakiin Muddooyinkii u dambeeyay ka mid ahaa Xubnaha la baxay Isbaheysiga KULMIYE ee ka cadhooday Shirkii Golaha dhexe ee lagu…

Read More

Gudoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Saaxil oo Caasimada Hargaysa Lagu Xidhay Iyo Xukuumada oo lagu dhaliilayo qaabka ay u wado baadhista Dilkii Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil.

Hargeysa, 29 March 2016(SDN/QJ)-Waxa Shalay Galab Magaalada  Hargeysa lagu xidhay Badhasaab ku xigeenkii gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdilaahi . Ma jiro war rasmi ah oo dawladda ka soo baxay oo xadhigan ku  saabsan ,hasayeeshee  ilo xogogaal ah ayaa sababta  Badhisaab ku xigeenka loo qabtay ku tilmaamay mid la xidhiidha falkii lagu dilay taliyihii qaybta bilayska…

Read More

Somaliland: Suxufi loo geystay Jidhdil iyo cagajuglayn, Ururka SOLJA oo Cambaareeyay Falkaasi , fariina u diray Maxkamada

Hargeysa 29,March,2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland iyo ilaaladiisa khaaska ah ayaa jidh-dil iyo caga jugleyn kula kacay wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe oo ka mida  saxaafada madaxa Banaan  ee Somaliland. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa lagu faahfaahiyay qaabka uu wasiir Warancade u weeraray Suxufiga. Sidoo kale ururka Solja waxaa ay cambaareysay…

Read More

Musharraxa Isbaheysiga Mucaaradka Jabuuti Oo Ka Hadlay Xafiis Xisbiga RPP Ka Furtay Hargeysa, Kana Digay In Ismaaciil Cumar Geelle Looga Codeeyo Dalal Somaliland Ku Jirto DAAWO

Jabuuti, 28 March, 2016-(SDN/QJ): – Musharraxa Isbaheysiga Mucaaradka Jabuuti Cumar Cilmi Kheyre, ayaa ka digay in Dad aan Jabuuti u dhalan oo ku dhaqan Magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Xamar ka qayb-qaataan doorashada Madaxtooyada Jabuuti oo dhawaan dhaceysa.   Musharraxa Isbaheysiga Mucaaradku wuxuu sheegay in Magaalada Boorama looga diyaar-garoobayo sidii loogaga codeyn lahaa Ismaaciil Cumar Geelle,…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Muwaadin u dhashay Sweden u Magacaabay Wakiil-sharafeed

Hargeysa, 29,March,2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Wakiil-sharafeed u Magacaabay Muwaadin u dhashay Dalka Sweden oo lagu Magacaabo Mikael Torstensson, kaasi oo Wasiirku sheegay inuu ka mid yahay Saaxiibbada waaweyn ee Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Qaaradda Yurub. Wasiirka oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo uu…

Read More

Cambaarayn caalami ah oo la kulantay Riwaayadda Raadiyaha ee BBC-da kadib Markii ay taageertay Tahriibta

London , 29 March, 2016 (SDNQJ): – Riwaayadda raadiyaha ee ka baxda laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa la kulantay cambaarayn xooggan oo sheegaysa in riwaayaddaasi ay dhiiri galiso tahriibta. Cashuur bixiyeyaasha dalka Ingiriiska ayaa aad uga cadhooday in 90 Malyan oo Euro lagu bixiyo barnaamij dhiiri galinaya in la tahriibo.   Riwaayadan ayaa loogu…

Read More

“Waxaa Gurigayga Soo Weeraray Kulmiye Iyo Xukuumadda Is Xambaarsan” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil

Berbera , 29 March, 2016 (SDNQJ): – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ee gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasin, ayaa ka warantay qaabkii ay dablay hubaysan ugu soo weerareen guri ay deganayd. Isla markaana waxay sheegtay inay dhaawacyo culus qabto inan ay dhashay oo ay dablaydaasi dileen. Marwo Rooda oo arrimaha ka hadlaysa waxay…

Read More

Wasaaradda Deegaanka Oo Hargeysa Ku Qabatey Kulan ku saabsan Maamulidda & Soo Nooleynta Kheyraadka Dabiiciga Ah

Hargeysa, 29,March,2016 (SDN/QJ):- – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa ka furtay kulan ku saabsan Maamulidda iyo Nooleynta Kheyraadka Dabiiciga ah ee Somaliland. Kulankan oo furitaankiisii ay ka qayb-galeen Wasiirrada Wasaaradaha Qorsheynta Cali-Shoombe, Guddoomiyaha Hay’adda NERAD iyo Masuuliyiin ka socday Hay’adaha ka…

Read More

Qaylo dhaan Biyo la’aan oo ka soo Yeedhaysa Dadka Deegaanka Garbahaaray degmada Saaxo DHAGAYSO

Garbahaaray, 29 March, 2016 (SDNQJ): – Waxaa wali Cabashada ugu badan ka soo yeeraysaa deegaanada ay ka jirto abaaraha  dhulka Puntland waxaana qaylo dhaan ay kasoo yeeraysa dadka reer guuraaga ah kuwaas oo xoolihii iyo iyagiiba ay saamayn ku yeelatay. Nabadoon Cali Cabdi Aadan oo kamid ah waxgaradka deegaanka garbahaaray oo 16KM u jira degmada…

Read More