Webmaster

Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Somalia Oo Eedo U Jeediyay Kenya,Cadeeyayna inaan Wada hadal lagu dhamayn doonin Muranka Bada ee labada dal u dhexeeeya

Muqdisho 11. February,2016(SDN/QJ):– Xeer-ilaaliyaha ee Somalia Dr. Axmed Cali Dahir, ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay qorshanaysay inay is-hortaagto dacwaddii muranka Badda ee ay u gudbiyeen Maxkamadda cadaaladda adduunka ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands. Axmed Daahir ayaa sheegay in Kenya ay gudbisay cabasho ah in Muranka kala dhaxeeya Somalia ee dhanka badda lagu dhameeyo wadahadal,…

Read More

Xiisad Siyaasadeed oo ka dhex curatay USA iyo Turkiga,xukuumada Ankara oo u yeedhay Safiirkii Turkiga ee Maraykanka

Ankara 11,February,2015(SDN/QJ):-Dawlada Turkida ayaa Salaasadii u yeedhtay Safiirka Maraykanka u fadhiya dalkaasi, kadib markii ay xukuumada Ankara ka cadhootay hadalo kasoo yeedhay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka.     Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in dawlada Maraykanka aanay  urur argagaxiso u aqoonsaneyn kooxda Kurdida ee PYD oo ka dagaalanta…

Read More

Wasiir Cali Mareexaan iyo Xildhibaan Waabeeye Saaxiibo Siyaasaddu kala fogaysay oo Maanta kala taagan laba daraf oo kala fog

Hargeysa 10. February,2016(SDN/QJ):– Dabayaaqadii sannadkii 2005, markii la doortay golaha wakiilada Somaliland waxa ay wasiirka hawlaha guud  Cali Maxamed Xasan Cali Maareexaan iyo xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) golaha wakiilada soo galeen iyagoo gacmaha is haysta, lagana soo wada doortay gobalka Togdheer islamarkaana ay ka soo wada baxeen xisbiga KULMIYE oo wakhtigaas ahaa mucaarad. Ku…

Read More

Su’aalaha aan jawaabaha loo haynin ee diyaaradda la qarxiyay ee Daallo

Muqdisho February 10, 2016 (SDN/QJ):- Dhowaan diyaarad kuwa xamuulka ah, ayaa si dhakhso ah loogu dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka muuqdo duleel wayn oo qof rakaab ahna uu ka maqan yahay. Xoogaa kaddib mas’uuliyiin dowladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in diyaaradda bambo lagu qarxiyay laakiin su’aalo dhowr ah ayaan jawaabo loo…

Read More

Wasiir Xaglo-Toosiye oo ka badbaaday Weerar Dablay Khaatumeysani ku qaaddey Iyo  Ciidammada Qaranka & Maleeshiyaadka Cali Khaliif oo ku dagaalamay Gudaha Buuhoodle

Buuhoodle, 10 February, 2016-(SDN/QJ): – Dagaal aan waxba la iskula hadhin, ayaa Habeen hore gudaha Magaalada Buuhoodle ku dhex maray Ciidamo ka tiran Milletariga Somaliland iyo Maleeshiyaad Kooxda Khaatumo ah.   Dagaalkan oo inta la ogyahay uu ku dhaawacmay Hal qof oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka Kooxda la baxay Khaatumo, ayaa bilaabmay ka dib, markii…

Read More

R/Wasaare Sharmaarke “Soomaaliya iyo Ciraaq waxaa ka dhexeeya Xiriir soo jireen ah” Madaxweyne Ku Xigeenka Ciraaq oo Muqdisho Gaadhay

Muqdisho, February 10, 2016 (SDN/QJ):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, Ra’isul Wasaarihii hore ee Ciraaq hadana ah Madaxweyne ku xigeenka dalkaas Mudane Iyaad Calaawi iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho hal maalin ah ku yimid Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Cumar oo…

Read More

R. Wasaare ku-xigeenka XFS ayaa ka qayb galay Munaasabad loogu dabaal dagayay sanad guuradii 51aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha .

Muqdisho, February 10, 2016 (SDN/QJ):-Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta ka qayb-galay xaflad lagu xusayey sanad guuradii 51aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Badda iyo Difaaca ee XFS, taas oo ay ka soo qayb-galeen Golaha Wasiiradda, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida iyo hoggaanada kala duwan ee Ciidamada dalka. Hadal uu ka…

Read More

( hareeraha ma qabannaa ) waa gabey ka hadlaya soomaalid han yarideeda iyo horumar la’aanteeda

  Waayadan haloosiga murtida hoos umaan dayine Hawlaha kalaa igu badnaa hanashadoodiiye Hayeeshee hiyiga may ka gudhin haybaddii waliye Hirkii mawjadduhu laabta  way ka hanqadhaayaane Hileygaan ujiidee dibnuhu wayku hadayeene Hindisiyo dareen igu dhashaa kiciya howraare Markaassaan maluugtiyo hoggiyo hilin u eegaaye Caawana halkaan  hibanayaan ka holan doonaaye   Been lama hawaystee runtaa lagu hanuunaaye…

Read More

Maxaa laga Yeelayaa Qofkii aan S.land u dhalan ee Sharci qaadan Waaya ka hor 25 Bishan? DAAWO

Hargeysa 10. February,2016(SDN/QJ):– Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf “Ina Canbaro” oo Kulan Saxaafadeed Maanta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay Tiro Gaadiid ah oo Laamaha amaanku ku soo qabqabteen Xili ay rabeen inay Tahriibayaal ka Gudbiyaan Xuduudaha Somaliland. Taliyaha ayaa Waxaa kale oo uu ka hadlay Dadka Sharci daradda ku jooga…

Read More

Kulan Sadex Geesood ah oo Lagu Gorfeeyay Muwaadiniinta Waayay Xuquuqdii ay Wax ku dooran lahaayeen amase lagu dooran lahaa

Hargeysa 10. February,2016(SDN/QJ):– Kulan Saddex geesood ah oo ay isugu yimaadeen Xukuumada, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka ayaa lagu gorfeeyey muwaadiniin mudo  badan waayey xuquuqdoodii Distooriga ahaa ee ay wax ku dooran lahaayeen ama iyagaba  la  dooran lahaa. Kulankan Saddex geesood ah oo ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada ayey kasoo qaybgaleen tiro kamida golaha…

Read More

Guddoomiye Cirro oo Maanta Cisbitalka Hargeysa Ku Booqday Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii , Siyaasi Iskeerse iyo Muriidka Sheekh Isxaaq ee Maydh

Hargeysa 10. February,2016(SDN/QJ):– Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta soo booqday Cali Maxamed Maxamuud oo ah madaxweyne Siilaanyo walaalkii, sheekh Siciid Sheek Cabdiraxmaan Sheekh Maydh oo ah Muriidka Sheekh Isxaaq ee Maydh, iyo siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse oo dhammaantoodba muddooyinkii dambe xaalad caafimaad u jiifay cisbitaalka weyn…

Read More

Sanders Iyo Trump Oo Ku Guuleystay New Hampshire

Washington 10. February,2016(SDN/QJ):– Musharaxa hanti-wadaagga aaminsan ee xisbiga dimoqraadiga iyo maal-qabeenka Jamhuuriga ah ee Domaldo Trump ayaa ku kala guuleystay doorashooyinkii madaxtinimada ee xisbiyada oo xalay ka dhacay gobolka New Hampshire. Sanders ayaa helay 60 boqolkiiba codadka dimoqraadiga, halka Hillary Clinton oo la tartantay ay heshay 38% codadka. Trump ayaa isna guul weyn ka gaaray…

Read More

Suuqyada Asia Oo Weli Hoos Usii Dhacaya iyo Sababaha ugu Wacan

Tokyo 10. February,2016(SDN/QJ):– Suuqa saamiyada Japan ayaa sii waday maalin kale oo khasaarooyin xooggan ah arbacadii, sababo la xiriira walaac ay maal-gashtayaasha ka qabaan fayo qabka dhaqaale ee bankiyada Yurub iyo kulanka madax bankiga dhexe ee Mareykanka ay xubnaha congress-ka uga dhageysanayaan warbixinta. Maalin kadib markii uu lumiyey 918 dhibcood ama 5.40 boqolkiiba qiimahiisa, ayaa suuqa…

Read More

“Halkii aan Ka Imid Iyo Xusuusta Xannuunka Waxbarasho la’aanta Miyiga” Qayb Kooban oo Barnaamij Documentary ah DAAWO

Hargeysa 9. February,2016(SDN/QJ):– Muuqaalkan koobani wuxuu hordhac u yahay isla markaana uu dhadhamo u yahay film documentary oo hal-ku-dhiggiisu yahay “HALKII AAN KA IMI: Xusuusta Iyo Xanuunka Waxbarasho La’aanta Miyiga”. Waxaa soo saaray suxufiga Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare).

Read More

Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Cadaaladda Somaliland Oo Amaan u Soo Jeediyey Dawladda Hoose Ee Hargeysa DAAWO

Hargaysa 9. February,2016(SDN/QJ):– Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Cadaaladda, Sacad Cali Shire iyo Axmed Faarax Caddare, ayaa dawladda Hoose ee Hargeysa ee hoggaaminayo Maayarka Caasimadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ku amaanay waxqabadka iyo dedaalka ay muujiyeen ee ay ku horumarinayaan bilicda Caasimadda.

Read More

“Ammaanka Madaarka Muqdisho Waa Mid Zero Ah Oo Aan Laysku Halayn Karin” Duuliyihii Diyaaradii Hawada Lagu Qarxiyay Ee Sherkada Daallo

Muqdisho 9. February,2016(SDN/QJ):– Duuliyihii dayaaradda Daallo ee dhowaan hawada iyada oo mareysa qaraxu uu ka dhex dhacay, ayaa ku tilmaamay amniga garoonka dayaaradaha ee Muqdisho in uu yahay Eber ama Zero     Shaqaalihii iyo rakaabkiiba waa ay ka badbaadeen qaraxa, marka laga reebo hal qof oo ka soo dhacay dayaaradda, Asaga oo magaalada Belgrade…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo Shir la qaatay Saraakiisha Ciidamadda Isla markaana qalab isgaadhsiineed ku wareejiyey Ciidanka Booliska DAAWO

Boorama 9. February,2016(SDN/QJ):– Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Cali Saleebaan Ramaax ayaa Kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamadda Kala Duwan ee Gobolka Awdal isla markaana ku faray inay Kaalintooda ka qaataan Mudadda ay socoto Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Horaanta Todobaadka soo socda ka bilaabmi doonta Jiidaha Gobolkaasi,Waxaanu Gudoomiyuhu qalab isgaadhsiineed Gudoonsiiyey Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Awdal.

Read More

“Gobolka Gabiley waa gobollada uu ku abtirsado KULMIYE, waxaannu xisbiga u yaqaan gobolka guusha KULMIYE oo waxaaba la yidhaa waa Florida KULMIYE” Murashaxa Kulmiye Iyo Socdaalkiisa Gebilay DAAWO.

Gebiley 9. February,2016(SDN/QJ):– Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Musharaxa madaxwayne ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar indho-indhayna ku tagay magaalada Gabiley. Safarkan uu guddoomiye Muuse Biixi ku tagay gobolka Gabiley ayaa waxaa ay ujeedadiisu tahay sidii ay usoo kormeeri lahaayeen shacabka abaaruhu saameynta ba’an u gaysteen ee ku nool…

Read More

Guddoomiyaha Awdal oo qiray in maamulka gobolka,degmada iyo shirkadaha gobolkaasi ay ku fashilmeen Ilaalinta Nadaafada DAAWO

Boorama 9. February,2016(SDN/QJ):– Guddoomiyaha Gobolka Awdal Md Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax) ayaa cadeeyay in maamulka gobolka iyo ka degmada magaalada Boorama ay ku fashilmeen ilaalinta nadaafada gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama. Mudane Ramaax waxaa carabka ku adkeeyay in shirkadaha gaar ka loo leeyahay ee ka shaqeeya qashinka magaalada Boorama iyo xero dhiigta magaaladaasi ay…

Read More