Webmaster

Ururka Alshabaab oo Ku dhawaad Laba Todobaad kadib Sheegtay Mas’uuliyadda qaraxii Diyaaradda DAALLO

Muqdisho 14.February 2016 (SDN/QJ):- Kooxda Al-shabaab, ayaa shaaca ka qaadday Sabtidii maanta inay ka dambeeyeen Qarax ka dhex-dhacay Diyaaradd ay leedahay Shirkadda DAALLO Airlines 02-dii bishaan Feberaayo 2016, taasoo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kuna socotay dalka Jabuuti, isla markaana uu hal qof oo la sheegay inuu Kumpuyuutar kuwa gacana ah oo qarxay siday, kaasoo…

Read More

Gobolka Awdal oo Maanta ay ka Bilaabantay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Loolanka Xisbiyadda Qaranka DAAWO

Boorama 13. February,2016(SDN/QJ):– Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE – Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray  habsami-u-socodka hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Awdal oo ay si rasmi ah uga bilaabantay maanta.   Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo ka tirsan xisbal-xaakimka waxay kormeer ujeeddadiisu ahayd dhiirrigelinta qaadashada…

Read More

Somaliland: Dal Shacbigiisu Ka Quusteen In Dawladoodu Ay Dabaqdo Go’aamada Ay Soo Saarto

Hargaysa 13. February,2016(SDN/QJ):– Rejadii shacbiga  Somaliland ee la xidhiidhay in maceeshadda qaaliga ah wax laga qabanayo, si kor loogu qaado nolosha bulshadda qeybaheeda danyarta ah ayaa ah mid imika  xiisaheedii u sii gudhayo sida xunbada oo kale. Go’aankii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqday 21 Bishii January 2016, ee ku wajahnaa in la quweeyo lacagta shilinka…

Read More

Dagaalkii Maato Doox ee Cali Khaliif ku Dhawaaqay oo Xalay lagu Miray Dad Rayid ah Iyo Gurmadkii Wasiir Saleebaan Xaglo Toosiye DAAWO

Buuhoodle 13. February,2016(SDN/QJ):– Waxaa Habeenkii Xalay Duleedka Magaaladda Buuhoodle Lagu Laayay Dad ka soo Jeeda Bariga Magaaladda Burco Kuwaas oo dhamaantood ahaa Shacab reer miyi ah Kuna soo hayaamay deegaanka Gobolka Buuhoodle,Waxaana Halkaas ku Geeriyooday Hal Ruux halka laba kalena ku dhaawacmeen. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa Gurmad ku…

Read More

“Gudoomiye Cirro Waa Abaal laawe Xisbigiina Wuxuu ka dhigay Waxa uu Leeyahay” Mid ka Mid ah Murashixiinta Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 12. February,2016(SDN/QJ):– Xubin Sheegay inuu ka Mid yahay Raga Hanka Murashixnimo leh ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ku Sheegay inuu Xisbiga ka dhigay Mid uu leeyahay Waxaanu xusay in Gudoomiye Cirro uu yahay abaal laawe. https://www.youtube.com/watch?v=vteTmA16-_8

Read More

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland oo Laba qodob kala dooransiiyey Madaxweyne Siilaanyo Kuwaas oo Xal u Noqonaya Khilaafkii ka Taagnaa Tiyaatarka Magaaladda Hargaysa DAAWO

Hargaysa 12. February,2016(SDN/QJ):– Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Markii Kowaad ka hadlay Khilaafkii ka taagnaa Tiyaatarka Magaaladda Hargaysa ee u dhexeeyay Ganacsade Cumar Caydiid iyo Laba Xubnood oo ka mid ah Madax dhaqameedka Gobolka Maroodijeex. https://www.youtube.com/watch?v=scdvjPjXaHQ&feature=youtu.be https://www.youtube.com/watch?v=5UMcu38d3XU

Read More

Wefti Sare oo Ka Socda Jaamacadda Carabta oo Hargaysa Booqasho ku Yimid Iyo Waxyaabaha uu Safarkoodu Daaran yahay DAAWO

Hargaysa 12. February,2016(SDN/QJ):– Wefti balaadhan oo ka Socda Jaamacadda Carabta isla markaana uu Hogaaminayo Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Safiir Sayid Al Sabaan ayaa Booqasho ku Yimid Caasimadda Somaliland ee Hargaysa Waxaana soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka Tirsan Xukuumadda Somaliland. Weftigan ayaa Waxay Kulamo albaabadu u xidhan yihiin la qaateen Xubno ka…

Read More

Xog cusub oo Daaha ka rogtay Cida Fiisaha Dal ku galka Turkiga u dalabtay Ninkii Qarxiyey Diyaaradda Daallo AKHRI

Muqisho 12. February,2016(SDN/QJ):– Safaarada Soomaaliya Ee Turkiga Oo Fiisaha Dal Ku Galka U Dalabtay Ninkii Laptop-ka Ku Qarxiyay Diyaaradii Daallo. Kiiska dhacdadii qabsatay diyaaraddii Daallo Airlines ee Muqdisho ka duushay lana qarxiyay ayaa waxaa isa soo taraaya wararka xaqiiqooyinka ah ee laga helaayo habkii loo shir qoolay Diyaaradaas iyadoo ay soo baxayaan xogo badan oo ku…

Read More

Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Qaybo ka mid ah Bulshadda Boorama Kulan la qaatay DAAWO

Boorama 12. February,2016(SDN/QJ):– Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Isla markaana ah Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo Hogaaminaya Wefti sare oo ka tirsan Xisbiga Ucid oo Socdaal Shaqo ku Jooga Magaaladda Boorama ayaa Kulan Gaar ah la qaatay qaybo ka mid ah Bulshadda ku dhaqan Magaaladda Boorama….

Read More

Fariinta Aqoon yahanka ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Iyo Aragtida Prof Saleebaan Axmed Guuleed DAAWO

Boorama 12. February,2016(SDN/QJ):– Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo ka hadlay Munaasibada lagu Shaacinayay Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo si rasmi ah Beri oo Sabti ah uga Bilaabmaysa Gobolka Awdal ayaa Bulshadda ku dhaqan Gobolada Awdal Iyo Salal u soo Jeediyey inay Si Xilkasnimo leh uga qayb qaataan Hawsha qaran ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

Read More

“Waxa aan Uu Sheegaya Xisbiyada Aan la Tartami Doono Waxa aan Uu Baranay Orodkii Halka Wareeg ahaa Balse Hada Waa Maratoon..”Siyaasi Cali Gurey DAAWO

Boorama 12. February,2016(SDN/QJ):– Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Gobolka Awdal uu noqonayo kii labaad ee laga hirgaliyo Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha waxaanu Bulshada ku dhaqan Labada Gobol ee Awdal iyo Salal inay Sidii loogu talo galay u qaataan Kaadhka Codbixinta. Gudoomiye…

Read More

 “Ma jiro wax heshiis ah oo aan gaadhnay Beesha Caalamka” Madaxweynaha Puntland C.weli Gaas DHAGAYSO

Garowe 12. February,2016(SDN/QJ):– Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay  in uusan  jirin wax heshiis oo ay la gaareen xubnaha beesha caalamka ee cadaadiska ku saarayay  Puntland in ay ogolaato go’aamadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga hanaanka doorashooyinka 2016-ka. Cabdiweli Gaas  ayaa sheegay in…

Read More

Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay Kulan Guddoomiyaha KULMIYE la yeeshay Odayaasha Gobolka Gabiley & la Xisaabtanka Shacabka looga baahan

Hargaysa 12. February,2016(SDN/QJ):– Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay kulan Guddoomiyaha KULMIYE toddobaadkan la yeeshay Odayaasha Gobolka Gabiley.   Jamaal, ayaa qoraal dheer oo uu arrinkaasi iyo arrimo kale kaga hadlay, waxa uu ku yidhi, “Waxaa aad ii soo jiitay kulan ay odoyaasha Gobolka Gabiley la yeesheen…

Read More

Somalida Ku dhaqan Magaaladda London oo Dibad bax ka dhan ah Ciidamadda Kenya ee Ku Sugan Gudaha Somalia ka hor dhigay Safaaradda Kenya ee London DAAWO

London 12. February,2016(SDN/QJ):– Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ayaa Mudaaharaad ka hor-dhigay Safaaradda ay Kenya ku leedahay magaalada London, iyagoo dalbanaya in ciidamada Kenya ay ka baxaan Soomaaliya. Dibadbaxayaasha oo tiradoodu ay kor u dhaafaysay 250-qof oo Haween iyo ilmo u badnaa ayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya ee Somalia ku sugan ay dhibaato ku hayaan Shacabka…

Read More

 “Degmada Xariirad Way Ka Arradan-tahay Adeegyada Bulshada,Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Reer Xariiirad Way kuu soo Ducaynayaan” Nimco Cali Gurey

Xariirad, 12. February,2016(SDN/QJ):– Wefti ay hogaaminaysay Marwo Nimco Cali Amarkaak (Nimco Cali-Guray) oo madax ka ah samafalayaal is abaabulay ayaa waxay xadhiga ka jareen Kayd Biyood laga dhisay magaaladda Xariirad. Sidoo kalena waxay dib-u-habeyn ku sameeyeen Dugsiga Sare Ee Aadan Bille Secondary School, oo ay Jiingada ka qaaday Dabeylo xoogan. Deeqdan oo kala ahayd Kay-biyoodka…

Read More

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Booyado Biyo ah ugu Deeqay Dadka Abaarahu Sameeyeen Ee Gobalka Gabiley

Gabiley 12. February,2016(SDN/QJ):– Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in deegaanada abaarahu ay saameeyeen ee gobalka Gabiley ay ugu deeqeen 10-Booyaddood oo biyo ah, ka dib markii uu Shalay la Kulmay dadweynaha ku dhaqan Magaaladaasi Xili uu ku sii…

Read More