Webmaster

    Madaxweyne Siilaanyo Hogaamiye Gacan Yare yaashiisu ay Shahaado Qiimayn ah Ku Maamuusaan Iyo Dhaawaca ay ku keentay Milgaha Dawladnimo

    Hargaysa 02.Jan  2016 (SDN/QJ):- Muddooyinkii u dambeeyey waxaa saaxadda siyaasadeed ee Somaliland ku soo kordhay shahaado sharaf qiimeyn ah oo  ay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo guddoonsiinayaan qaar ka mid ah golihiisa xukuumaddu. Shahaado sharafyadaas waxa u dambaysay mid Madaxweynaha qaranka Axmed Maxamed Siilaanyo lagu guddoonsiiyay furitaankii dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha loo dhisay oo lagu sheegay inay…

    Read More

      Aragtida Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire ee Mucaaridnimo Iyo Walaalkii oo Muxaafid fog ah Ahna Wasiirka Arrimaha Dibada

      Hargaysa 02.Jan  2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada kana tirsan xisbiga Waddani ee mucaaradka, ayaa ka hadlay Misaaniyada,waxaanu sheegay inay Golaha Wakiiladu xaq u leeyihiin inay wax ka badal ku sameeyaan Misaaniyadda, waxaanu Wasaaradda Maaliyadda ugu baaqay inay sameeyso maamul daadajin, si Goboladu Misaaniyadda ay xaqa u leeyihiin u helaan….

      Read More

        “Waan Ka Tanaasulay Musharaxnimadii Xisbiga Waddani, Xisbigana Waxaa Musharax U Ah Cabdiraxmaan Cirro” Prof C.salaan Yaasiin DAAWO

        Hargaysa 02.Jan 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiga Pro .Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay hankiisii murashaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, isla markaana wuxuu sheegay inuu tanaasulkiisu salka ku hayo midnimadda xisbiga, oo loo baahan yahay in xisbiga guda iyo dibad baa la dhiso. Pro : Cabdisalaan Yaasiin, wuxuu sidaa ku…

        Read More

          Shir dhex maray Xukuumada iyo Beesha Koonfurta Gobolka Sool iyo Nuxurka Go’aamo ka soo baxay

          Hargaysa 02.Jan  2016 (SDN/QJ):-  Shir ay isugu yimaadeen wafti ka socda xukuumadda somaliland iyo  beesha bahararsame ee degta koonfurta gobolka sool oo laba cisho uga socda magaalada caynabo ayaa lasoo gabagabeeyey waxaana laga soo saaray qodabo muhiima. Shirkan u dhaxeeyey xukuumadda somaliland iyo beesha bahararsame ayaa ka koobnaa  wafti xukuumada ka socda oo uu hogaaminayo…

          Read More

            Musharraxa Madaxweyne ee Ucid Jamaal Cali Xuseen Oo Kulan la Qaatay Halgamayaashii Dhalintii UFO

            Hargaysa 02.Jan  2016 (SDN/QJ):-Musharraxa  Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta Kulan ballaadhan oo qado ah la qaatay qaar kamid ah, halgamayaashii Dhalinyaraddi dhagax tuur ee UFO, kuwaaasoo uu Musharrax Jamaal Cali Xuseen kamid ahaa, dhalinyaradii xilligaas sameysay dhagax tuur, isagoo dhiganayey waqtigaa Iskuulka Faarax Omar magaaladda Hargeysa. Musharraxa Madaxweyne ee Ucid Jamaal iyo…

            Read More

              Sirdoonka Somalia Oo Sheegay Inay Ka Hortageen Weeraro Al-Shabaab Ku Qaadi Lahayd Xalane

              Muqdisho,  02.Jan 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed, Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa shaaca ka qaaday in ay fashiliyeen Weerar qorsheysnaa oo la doonayay in lagu qaado Xarunta Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Janaraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Al Shabaab oo watay Gaari ay doonayeen in madaafiic ay ku weeraraan…

              Read More

                Guddoomiye Cirro Oo Caasimada Dalka UK Ee London Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey DAAWO

                London 02.Jan 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo safar shaqo ugu baxay qaar kamid ah wadamada ku yaala Qaarada Yurub, ayaa waxa sii diiran loogu soo dhaweeyey Magaalo Madaxda Dalka UK ee London ,halkaas oo uu guddoomiye  Cirro markii uu soo gaadhay garoonka…

                Read More

                  Taliyihii Ciidanka Ilaalada Xeebaha Saylac Oo Ku Gacan Saydhay Amar Uu Ku Bedelay Jananka Ciidanka Ilaalada Xeebaha Admiral Xiirane Iyo Faro Galin Kaga Timaday Xaga Xukuumada Dhexe

                  Saylac 02.Jan 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha somaliland ayaa, markii ugu horeysay ku fashilmay inuu fulo amar uu ku bedelay Taliyihii Ciidanka ilaalada Xeerbaha Gobolka Saylac Haaruun Siciid Ka dib markii uu ku gacan sayidhay taliyihii Saldhiga Saylac Oday Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka mid ah dadka deeganka Saylac oo khadka Telphoonkan noogu waramay waxaa…

                  Read More

                    Sababta Cali Gurey Jabuuti fadhiisisay xili UCID xaalkeedu aanu wanaagsanyn

                    Jabuti Jan 01,2016(SDN/QJ)-Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID Md Cali Maxamed Yusuf Cali Gurey ayaa todobaadyadii u danbeeyay fadhiyay dalka Jamhuuriyada Jabuuti xili xisbiga UCID uu dhex muquuranayay mawjado siyaasadeed o ku saleysan cida ku tartamaysa musharaxa madaxweyne iyo ku xigeenkiisa doorashooyinka ina soo haya. Guddoomiye Cali Gurey Ayaan shaacin safarkiisa iyo…

                    Read More

                      Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Weftigii uu Hogaaminayay oo Maanta la filayo inay Wada hadal la bilaabaan Saraakiisha Kooxda Khaatumo DAAWO

                      Caynaba 01.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Gaadhay Magaalada Caynabo ee Xarunta u ah Gobolka Saraar Halkaas oo ay Wada hadalo kula leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Kooxda Khaatumo ee uu hogaamiyo Prof Cali Khaliif Galaydh.

                      Read More

                        Dawladda Jabuuti oo Xidhay Wasiirkii hore ee Diinta & Awqaafta oo dhaawac ah 32 qof oo kale {DHAGAYSO}

                        Jabuuti 01.Jan 2016 (SDN/QJ):-Dowladda Djibouti ayaa Xabsiga dhigtay Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan oo dhawaan ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay degmada Belbela ee duleedka Caasimadda Djibouti. Afhayeenka dallada Mucaaradka ah ee USN Daahir Axmed Faarax, ayaa VOA u sheegay in Xaamud ay ciidammadu ka kaxeysteen albaabka hore ee Cisbitaalka Shalay markii…

                        Read More

                          “Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Warar Xun Oo Laga Hayo Waxaad Moodaa Inay Horseedayso Inay U Kala Qaybiso Dalka Somaliland Faderaal.” DAAWO

                          Hargaysa 01.Jan 2016 (SDN/QJ):- Mas’uuliyiin ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo bandhigay Qorshayaal ay Sheegeen In Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ku hawlan tahay Kuwaas oo ay ku Kala qaybinayso Shacabka Iyagoo intaas ku dray in Xukuumada talada haysaa ay hoosta ku wadato Nidaamka Federaalka Somalia.

                          Read More

                            Sheekh Dirir Iyo Sheekh Maxamed Cali Gadhle oo Xaaraan ku Tilmaamay Dabaal Dega Curashadda Sannadka Cusub ee Miilaadiga DAAWO

                            Hargaysa 01.Jan 2016 (SDN/QJ):- Laba ka Mid ah Culimadda Somaliland ayaa ka hadlay halka ay diinta Islaamku ka taagan tahay Dabaal degyada loo sameeyo Curashada Sannadka Milaadiga ah ee Maanta inoo Kowsaday. Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir iyo Sheekh Maxamed Cali Gadhle ayaa ka waramay dabaal degyada ay bulshadu samayso bilashada sannadka Miilaadiga ah.

                            Read More

                              “Magaalada Hargaysa Badhtamaha Sannadkan Cusub waxay heli doontaa Biyo Ku Filan” Wasiirka Qorshaynta Qaranka DAAWO

                              Hargaysa 01.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Xuseen Ismaaciil “Cali Shoonbe” ayaa Sheegay in Badhtamaha Sannadkan Cusub ee Maanta Bilaabmay Magaalada Hargaysa ay wada heli doonto Biyo Ku filan,Waxaa Kale oo Wasiirku ka hadlay in Beesha uu dhalasho ahaan ka soo Jeedo ay ku biirtay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. https://www.youtube.com/watch?v=PmNWrbbaeig

                              Read More

                                Golaha Wakiiladda oo ay Weli hor taalo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka,Sannadkii ay dhaqan geli lahayd oo Bilaabmay Iyo Sharciyada dalku Waxay ka tidhi

                                Hargaysa 01.Jan 2016 (SDN/QJ):- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku guuldaraystaan ansixinta odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2016 oo Xaruntooda taalla Bishii u dambeysay iyo illaa Maanta oo ah oo uu Bilaabmay Sannadka Cusub ee 2016ka. Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo 5tii bishii December u soo gudbisay Golaha Wakiillada Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2016, ayaa…

                                Read More

                                  “Haddii Reer Burco oo dhami isku tagtaan laaluush ii sheegan maysaan..” Maayarka Magaalada Burco DAAWO

                                  Burco 01.Jan 2016 (SDN/QJ):-Maayarka Magaalada Burco Maxamed Muuse Muraad, ayaa beeniyey Warar la xidhiidha inuu sameeyay Musuqmaasuq isla-markaana Laaluush ka qaatay Cid gaar ah. Maayarka oo  ka hadlayey Munaasibad Komiishanka Maamul-Wanaagga iyo La dagaalanka Musuqmaasuqu ku qabteen Burco, ayaa yidhi, “Haddii Reer Burco oo dhami isku tagtaan laaluush ii sheegan maysaan, odhan maysaan Maxamed Muraad…

                                  Read More

                                    “Markaad Maqasho waxa la Iibinayaa Saldhiggii, Maktabaddii & Birjeex, Waxaad is weydiinaysaa Xoriyad la soo noqoshadii Somaliland ma waxay ahayd…” Cabdkariin Axmed Mooge

                                    Hargaysa 01.Jan 2016 (SDN/QJ):-Wasiir ku-xigeenkkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Cabdkariin Axmed Mooge, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in la iibinayo Xarumo ay ka mid yihiin Saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa iyo Xerada Ciidammada Qaranka ee Birjeex iyo maktabadda Gaandi. Cabdikariin oo Qoraal kooban soo dhigay bogga uu ku leeyahay Face-book-ga ayaa yidhi, “Markaad…

                                    Read More

                                      Madaxweynaha JSL Mudane Siilaanyo oo Shacabka Somaliland Ku Hambalyeeyay Curashada Caawa ee Sannadka Cusub 2016-ka

                                      Hargaysa 31. Decembar 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Hambalyo iyo Salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee 2016-ka u dirayaa dhammaanba Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibeddaba. Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed, Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo iyo Salaanba u dirayaa dhammaanba Shaqaalaha kala…

                                      Read More

                                        Gudoomiyaha Gobolka Gebiley oo Xisbiga Waddani Marti uga ah inay Gobolnimada Gebilay Aqoonsadaan DAAWO

                                        Hargaysa 31. Decembar 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa sheegay in aan ilaa hada Gobolka uu Xilkiisa hayo ee Gebilay aanu lahayn Aqoonsi Sharci oo ka soo Fulay Golayaasha Sharci dejinta Somaliland. Gudoomiye Mustafe Shiine Waxa uu Sheegay in Gobolkan lagu dhawaaqay Xiligii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Hogaaminta dalka…

                                        Read More