Webmaster

    Madaxtooyadda Somaliland oo Ku Margatay inay Cadayso Hal Xil oo Laba Mas’uul Madaxweynuhu u Wada Magacaabay

    Hargaysa 24.Dec 2015 (SDN/QJ):-  Madaxtooyada Somaliland ayaa Jawaab aan Cadayn ka Bixisay Laba Mas’uul oo Xil qudha uu Madaxweyne Siilaanyo u wada magacaabay. Sida lagu sheegay Qoraal uu ku Saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige “Xuseen Dayr” Wuxuu Meesha ka saaray inaanu Madaxweynuhu Hal Xil oo isku Mid ah u wada Magacaabin laba…

    Read More

      Cabdilaahi Jawaan oo ka dareen celiyay Xilka la Taliyaha Arrimaha Doorashooyinka ee Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay iyo aragtidiisa Xilalka lagu taxay Madaxdii Udub DAAWO

      Hargaysa 24.Dec 2015 (SDN/QJ):- Siyaasi C.laahi Xaaji Cumar “C.laahi Jawaan” oo Sadex Cisho ka hor Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay La Taliyihiisa arrimaha doorashooyinka ayaa markii kowaad waxa uu maanta ka falceliyey Xilkan loo igmaday. Cabdilaahi Jawaan Waxaa kale oo uu ka hadlay Waxyaabaha sababta u ah in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ku bataan Mas’uuliyiintii Dawladii…

      Read More

        Wasiir Cali Mareexaan oo Lacag loogu deeqay dhismaha Jidka Ceerigaabo ka Gudoomay Jaaliyada Somaliland ee Maraykanka DAAWO

        Hargaysa 24.Dec 2015 (SDN/QJ):-  Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka Iyo Guryaynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” oo dhawaan Wasaaradiisa Madaxweyne Siilaanyo Mar kale Wareegto ku hoos geeyay Maamulka Wadooyinka ayaa Maanta Waxa uu Deeq lacageed ka Gudoomay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka taas oo ay kaga qayb qaadanayaan Dhismaha Mashruuca Jidka Ceerigaabo…

        Read More

          Xaaska Madaxweyne Robert Mugabe oo Si Dadban ula Wareegtay Hogaaminta dalkaasi iyo Dhawaqa Mucaaridka

          Zimbabwe 24.Dec 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo ah 91 jir, ayaa u muuqda in si aan toos ahayn ay xaaskiisu ula wareegtay taladii dalkaas. Waxa sidaas ku dooday mucaaradka wadankaas. Hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas MorganTsvangirai, ayaa sheegay in hoggaamiyahan dalkooda ee 91 jirka ah ay xaaskiisu si aan toos ahayn ugala wareegtay taladii, taas oo…

          Read More

            Yuusuf Garaad oo Miisaanka Saaray Nidaam Qabiileedka 4.5 ee Jaangoynta Xilalka Somalia

            Muqdisho 24.Dec 2015 (SDN/QJ):-Siyaasi Yuusuf Garaad ayaa Sharaxaad ka Bixiyey Nidaam Qabiileedka Somalia ay Hogaaminta Golayaasheeda kala duwan ku qaybsato,Waxa uu Sheegay in Habka 4.5 lagu soo Caano maalay isla markaana lagaga soo Gudbay Marxalado adag,Waxaa kale oo uu Xusay in Nidaamkani uu kor u qaaday faafitaanka Qabyaalada. Qoraalkan ayaa Isagoo dhamaystiran Wuxuu u dhignaa…

            Read More

              Dawlada Mareykanka oo canbaareysay xasuuqii dhawaanta Bebela ka geysatay dawlada Jabuuti

              Washington Dec 24,2015(SDN/QJ)-War ay soo saartay dawlada Mareykanka ayaa si weyn loogu canbaareeyay dhacdadii ciidamada Jabuuti ay shicibka ku xasuuqeen magaalada Belbela ee dalka Jabuuti. Hadalkan oo ahaa kii u adkaa ee ay dawlada Mareykanku ku dhaliisho falalka lidiga ku ah mucaaridka Jabuuti ee ay xukuumada Ismaaciil Cumar Geelle caadeysatay ayaa sida u dhignaa: Dawlada Mareykanku waca…

              Read More

                Shirkadaha Isgaarsiinta ee Telesom iyo Somcable iyo doorka ay ku leeyihiin khilaafka madaxda xisbiga UCID

                Hargeysa Dec 23,2015(SDN/QJ)-Shirkadaha Isgaarsiinta Somaliland ee Telesom iyo Somcable oo xurguftan ganacsi uu ka dhexeeyo ayaa loolankoodu ka soo dhexmuuqday xurgufta siyaasadeed ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID. Shirkadahan oo ku loolamaya isgaarsiinta ayaa danahooda ganacsi ka dhex ka arkay cida u hari doonta xisbiga UCID khilaafka dabadii. Mulkiileyaasha shirkadaha Telesom iyo Somcable Ayaa kolba…

                Read More

                  Safiirka isbaheysiga mucaaridka Jabuuti (USN) ee dalka Canada oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay shaqaaqadii Belbela

                  Ottawa Dec 23,2015(SDN/QJ)-Safiirka dalalda mucaaridka Jaabuuti (USN) ee dalka Canada Md Xuseen Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole ayaa mar aanu la xiriirnay waxa uu ka waramay dhacdadii ay 19ka ruux ku dhinteen isla markaana ay ku dhawaad boqolka ku dhaawacmeen ee ka dhacday magaalada Belbela. “Waxaan marka hore halkan tacsi u dirayaa dhamaan ehelka, qaraabada iyo shacab ka Jabuuti dadkii inooga…

                  Read More

                    Abaanduulihii Hore ee Ciidamada Qaranka Somaliland oo Hargaysa Lagu Aasay Galabta,Taariikh Nololeedkiisa Iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaal u diray DAAWO

                    Hargeysa, 23 December, 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ku waxa uu tacsi u  dirayaa Guud ahaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Abbaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Marxuum Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable) oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti Galabtana lagu aasay Magaalada Hargaysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku…

                    Read More

                      Hogaanka Dhaqanka ee Gobolada Sool Iyo Buuhoodle oo Baaq Nabadeed ah u Diray Laba Beelood oo Dagaal ku Dhex Maray Deegaanka Balli Xasan ee Degmada Gaashaamo Kana Dalbaday inay Xabada Joojiyaan DAAWO

                      Laascaanood, 23 December, 2015 (SDN/QJ):-Garaadada Gobolada Sool, iyo Buuhoodle ayaa maanta baaq nabadeed u diray labadii beelood ee dhowaan dhibku ku dhexmaray Deegaanka Balli-Xasan ee Degmada gaashaamood ee Dawlad deegaanka soomaalida itoobiya. Isku dhaca dhex maray Labadaas ardaa oo ka soo kala Jeeda Beelaha Dhulbahante iyo Habar yoonis ayaa sababay Khasaare isugu Jira Dhimasho Iyo…

                      Read More

                        Mustafe Maxamed Qodax Maareeye Ku Xigeenka Cusub ee SLNTV Shalay Sidan ayuu u Hadlay, Maxaa Berri laga Filan Karaa? DAAWO.

                        Hargeysa, 23 December, 2015 (SDN/QJ):-Magacaabiso uu Madaxweyne Siilaanyo Habeenkii Xalay soo saaray ayaa Wuxuu Xil Cusub oo ah Maareeye ku Xigeenka Telefishanka Qaranka Somaliland u Magacaabay Mustafe Maxamed Qodax oo dhawr Bilood ka hor Shaaciyey inuu iska Casiley Xoghayihii arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Mustafe Qodax wuxuu Mudo ku siman Afar Sannadood…

                        Read More

                          Dhaqan Haybada Qaranimo dhaawac ku ah,Askar ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo Galay Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa, hanjabaado ay ku kaceen, Cabasho Madaxda Ethiopia iyo Jawaabta Somaliland

                          Hargeysa, 23 December, 2015 (SDN/QJ):- Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland, ayaa la sheegay inay sifo sharci-darro ah u galeen gudaha Safaaradda dawladda Itoobiya ee magaalada Hargeysa, isla markaana hadallo hanjabaado ah u jeediyeen Madaxdii joogtay Xafiiska, xilli ay u doonayeen Fiise qof xanuunsanayey sida ay Masuuliyiinta markaa shaqada ku jirtay u sheegeen. Falkan…

                          Read More

                            Wasiirka Ganacsiga oo Shaaca ka qaaday in Sicir-bararka Somaliland ka jiraa dhaafay mid ay wax ka qaban karto Wasaaraddiisu

                            Hargeysa, 23 December, 2015-(SDN/QJ):- Wasiirka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim Yuusuf, ayaa shaaca ka qaaday in Sicir-bararka dalka ka jiraa gaadhay heer aanay Wasaaradda Ganacsigu xakamayn karayn, isla markaana waxa uu sheegay inay loo baahan yahay in si heer Qaran ah loo waajaho, taasina ay haddo socoto oo uu…

                            Read More

                              Xukuumadda Somaliland oo Magacawday Gudi ka Soo Talo Bixisa Isu Socodka Somaliland Iyo Somalia Iyo Maxsuulka Kulankoodii Kowaad.

                              Hargeysa, 23 December, 2015 (SDN/QJ):-Gudi uu dhawaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo) u Magcaabay, isu socodka labada Wadan ee Somaliya iyo Somaliland, ayaa Shalay kulankoodii u horeeyay ka dhacay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani). Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Wasaaradaha, Arimaha Gudaha, Dib u Dajinta,…

                              Read More

                                Xusuusta Kor-dahab iyo Sida ay Maankiisa u Miratay Kadib Habeen Niqaamku ka Duulay “Barnaamij Suugaaneedka Qurbejoog.com idiin diyaarisay {DHAGAYSO}

                                Hargeysa, 23.Dec 2015 (SDN/QJ):— Kordahab waa dhabeel Qurux iyo Qiimiba lagu Majeertay, arageedaa Naadir ah,hasa yeeshee Habeen Niqaamku ka duulay Iftiinkii ka baxay wejigeedu dunnida ayuu maasheeyay oo Sidii Hilaac roob noolaha Ashqaraar iyo indho daraandar ku riday dadkuna Mooday Gudgude roob oo arliga Miray, Hadii Tartanka quruxda dharaar uun loo balami lahaa oo dayaxa,Xidigaha…

                                Read More

                                  Taxanihii Qisaska Nolosha iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar Ilkood Kala Soco Qurbejoog.com {DHAGAYSO}

                                  Hargeysa, 23.Dec 2015 (SDN/QJ):— Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku soo…

                                  Read More

                                    Ciidamadda Booliska Somaliland oo Feejignaantii u Saraysay la Geliyey Iyo Taliyaha Booliska oo ka hadlay Xaaladan Cusub DAAWO

                                    Hargeysa, 22.Dec 2015 (SDN/QJ): —Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan oo Saraakiisha Ciidanka Booliska Maanta kula hadlayay Xarunta Birmadka ee Ciidanka Booliska ayaa ku booriyey Xoojinta Ilaalinta Amaanka,Waxaa kale oo uu Sheegay in Guud ahaan Dalka Ciidanka Booliska Somaliland ay ku Jiraan Heegan Culus.

                                    Read More

                                      Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukun Ku Riday Makhraati Beenaalayaal Markii Kowaad DAAWO

                                      Hargeysa, 22.Dec 2015 (SDN/QJ): — Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta xukun ku riday eedeysanayaal lagu eedeyay Makhraati Beenaale, Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Md Axmed Dalmar Ismaaciil iyo Garsoore Khaalid Cabdi Shiil ayaa saxaafada u soo bandhigay.labada Makhraati Beenaale iyo Xukunka lagu riday. https://www.youtube.com/watch?v=HVIG0oAY9hI&feature=youtu.be

                                      Read More