Hargaysa 24.Dec 2015 (SDN/QJ):- Siyaasi C.laahi Xaaji Cumar “C.laahi Jawaan” oo Sadex Cisho ka hor Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay La Taliyihiisa arrimaha doorashooyinka ayaa markii kowaad waxa uu maanta ka falceliyey Xilkan loo igmaday.
Cabdilaahi Jawaan Waxaa kale oo uu ka hadlay Waxyaabaha sababta u ah in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ku bataan Mas’uuliyiintii Dawladii uu Hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbigeedii burburay ee Udub.
