Dacwad Uu Xisbiga KULMIYE Gudbiyey Oo Guddiga Anshaxa Doorashooyinku Kaga Jawaabeen Ganaax Ay WADDANI Dul-dhigeen
Hargaysa 05. October 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Ilaalinta Anshaxa Doorashooyinka ee Komiishanka Qaranka, ayaa Ganaax lacageed dul-dhigay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, kaasi oo lagu eedeeyay inuu olole Sharci-darro ah ka sameeyay Magaalada Balligubadle. Guddiga Ilaalinta Anshaxa ayaa War-saxaafadeed ku taariikhaysan 2-dii bishan Oktoobar, waxay ku sheegeen in Xisbiga WADDANI uu sameeyay Xeerka Anshaxa Doorashada, iyada oo…
