Webmaster

Madaxweynaha Maraykanka oo Dalka Iran u Soo Jeediyey inay Ixtiraamaan Heshiiskii ay la Galeen Quwadaha waaweyn ee dunnida

Washington 08. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in ay Iraan joojiso gardarada oo aanay u hogaasamin heshiiskii Nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha waaweyn.   Trump oo kulan la lahaa madaxda mulitariga maraykanka oo ku sugan guriga cad ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin inay Iraan hesho hubka Nukliyeerka. Trump oo hadalkiisa sii…

Read More

Guddoomiyihii Baarlamaanka Federaalka Itoobiya oo isu Casilay Xaaladda Oromada iyo Soomaalida Dalkaasi oo Meel adag maraysa DAAWO

Addis Ababa 07. October 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyhii Golaha Aqalka Wakiillada ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Abadula Gemeda, ayaa iska casilay xilkaas, ka dib markii uu ka cadhooday sida ay dawladda dhexe ee Itoobiya uga jawaabtay Codaaladdii dhawaan dhex-martay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada Itoobiya markii ay Oromadu dileen 43 Ruux oo Soomaali ah, sida ay Baahiyeen qaar…

Read More

Prof: Axmed I.Samatar oo Sharraxay Qodobbo uu Ku Taageeray Musharrax Muuse Biixi & Shaqsiyaddiisa DAAWO

Hargaysa 07. October 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiga Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa faahfaahin ka bixiyey oo sharraxay Qodobbada uu ku raacay Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay in qodobbada uu ku taageeray ay ka mid yihiin go’aan qaadasho, Samir, Bisayl, Dulqaad, Dawlad-jacayl iyo kuwo kale oo uu tilmaamay in Muuse ku sifoobay. Prof: Axmed Ismaaciil Samatar,…

Read More

Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Reer DILA oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Murrashaxiinta KULMIYE SAWIRO

Dilla 07. October 2017 (SDN/QJ):-Madaxdhaqameedka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta degmada Dila ee Gobolka Awdal, ayaa hadhimo-sharadeed ku maamuusay murrashaxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maalmahan hawlo shaqo ku joogay gobolkaasi. Munaasibadda hadhimo-sharafeedka oo ka dhacday duleedka Bari ee magaalada Dila maanta, ayaa waxa murrashaxiinta KULMIYE…

Read More

Sheekh Aadan-Siiro oo Su’aal-geliyey Waxa Laamaha Amnigu uga Hadli waayeen Gaadiid lagu Gubay gudaha Hargeysa DAAWO

Hargaysa 07. October 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay, isla markaana Afar Gaadiidka Basaska Dadweynaha ah oo Maalmo is-xig-xigay lagu gubay gudaha magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaanu su’aal geliyey sababta ay Hay’adaha Ammaanku illaa hadda uga hadli waayeen arrintaas iyo sababta keentay. Sheekh Aadan-Siiro wuxuu layaab ka muujiyey isla-markaana…

Read More

Mas’uul Sideed Cudur ka Qaaday Xisbiga Kulmiye oo Maanta Shaaciyey Inuu Iska Casilay Kuna Biirayo Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 07. October 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Isla markaana ahaa Aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye Maxamud Cabdilaahi Xarbi ayaa Maanta waxa uu Si rasmi ah u Shaaciyey inuu Guud ahaanba iska Casilay Xilkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye kuna Biirayo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Maxamud C.laahi…

Read More

Wasiirka Duulista Somaliland oo Faahfaahin Ka Bixiyey Kulan Lagaga Wada Hadlaayey Maamulka Hawada Sare oo uu Adisababa Kula Yeeshay Dhigiisa Soomaaliya DAAWO

Hargaysa 07. October 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaarada Duulista hawada iyo  Daadiidka Cirka Somaliland mudane Farxaan Aadan Haybe oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa faahfaahin ka bixiyay safarkii uu ugu maqnaa Dalka Itoobiya, halkaas oo ay wada-hadal ku yeesheen wafti uu hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka  Dawlada  Soomaaliya, wada-hadalkaasi oo salka ku yahay sidii Soomaalidu xal uga gaadhi…

Read More

Madaxweynaha Oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Dab-demiska Caasimada Hargeysa, Tababarna U Soo Xidhay Ciidamo Dhamaystay Xirfadda Deb-deminta Iyo Gargaarka Koowaad SAWIRO

Hargaysa 07. October 2017 (SDN/QJ):-Madxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo loo qabtay Ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu madaxweynuhu halkaasi ka jeediyey khudbad qiimo badan waxaanu yidhi “Dhammaan martisharafta, masuuliyiinta ciidanka dab-damiska, taliyayaasha ciidamada qaranka ee kala duwan asalaamu calaykumwaraxmatulaahi wabarakaatuh. Ugu horayn sharaf weyn ayay ii…

Read More

“Madaxweyne Silaanyo Wuxuu Ka Tagayaa Dal Midaysan, Dal Horumar Iyo Wax-qabad Uu Ka Qabsoomay, Hargeysa Oo Dabka Lala Dagaalamayo Iyo Ciidan Dab-damis Qaran Oo Aynnu Aas-Aasnay.” Wasiirka Madaxtooyada JSL DAAWO

Hargaysa 07. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay dhaxalka Madaxweyne Siilaanyo uu ummadiisa uga tagayo marka uu xilka qaranka ka dago dhammaadka sanadkan. Mudane Xaashi ayaa sheegay in muddo xilkeedka Madaxweyne Siilaanyo oo muddo kooban ka hadhsan tahay marka uu dhamaado uu Madaxweynuhu wareejin doono Somaliland midaysan, oo horumar…

Read More

Guddida Anshaxa Doorashadda oo ka Dalbaday Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawladu inuu anshax Marin ku sameeyo Agaasimaha Maaliyadda ee Komiishanka AIDS-ka oo Ka mid noqday Gudi xulaysa Muraaqibiinta Kulmiye

Hargaysa 09. October 2017 (SDN/QJ):- Guddida anshaxa doorashooyinka ayaa guddoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada Sharmaake Axmed Muxumed Geele ku amray inuu talaabo anshax marineed uu ka qaado Cabdikariin Axmed Maxamed (xinif) oo ah agaasimaha maaliyada ee Komishanka la dagaalanka AIDS-ka oo lagu arkay liiska soo xulayaasha goobjoogayaasha xisbiga Kulmiye. Gudida ayaa amarkan anshax marineed soo saartay…

Read More

Bulsho Ahaan Waxa Aynu U Baahan Nahay Inaynu Si Aamino,Oo Qofka Siyaasiga Ah La Aamino SAWIRO

Hargaysa 07. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo habeenki xalay ahaa ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo ay ku kulmeen dhalinyarada Somaliland iyo Masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka madaxtooyadu kulankan oo ahaa mid loo qabtay Abwaan Laab-salaax ayuu wasiirku ka jeediyey khudbada dheer waxaanu yidhi “Aslaamucalaykum, aad baan ugu faraxsanahay…

Read More

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Magacaabay Guddida Diyaarinta Iyo Maamulka Muraaqibiinta ee Doorashadda Madaxtooyadda ee soo Socota

Hargaysa 07. October 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna musharaxa xisbigaas Muj: Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay guddida diyaarinta muraaqibiinta xisbigaas uga qayb galaya doorashada dhawaan dalka ka qabsoomaysa. Qoraalka Gudoomiye Muuse Biixi ayaa u Dhignaa Sidan;   Xisbiga KULMIYE isaga oo aqoonsan muhiimadda ay Muraaqibiinta Xisbigu u leeyihiin hufnaanta Doorashada Madaxtooyada ee soo socota, waxa…

Read More

“Xisbigayagu Ma Aqoonsana Heshiiska Dekedda Berbera Lagu Wareejiyey, Wixii Aan Sharci Ku Bixina Waalla Soo Celinayaa…” Cabdiqaadir Jirde

Hargaysa 06. October 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay inaanu Xisbiga WADDANI aqoonsanayn Heshiiska Shirkadda Carbeed ee DP World kula wareegtay Maamulka Dekedda Berbera ee Somaliland. Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo hadal ka jeediyey Munaasibad uu Xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyay Taageerayaal ku…

Read More

Mulkiilaha Huteelka ‘’La Cawee Libaaxyada’’ Oo Ka Hadlay Libaax Dhaawac Gaadhsiiyay Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha & Nolosha Libaaxu siday Hargaysa Uga Suurto Gashay DAAWO

Hargaysa 06. October 2017 (SDN/QJ):- Libaaxa lagu xanaaneeyo beerta haatan hudheelka laga dhigay ee Warancade ayaa dhaawacay mid ka mid ah shaqaalaha hudheelkaas oo uu mulkiilaha hudheelku uu sheegay inuu libaaxa ku ciyaaray. Libaaxan ayaa dhaawac fudud oo gacanta soo gaadhsiiyay wiilkan oo uu Mr. Waranacade sheegay inuu ka gudbay xadkii digniinta. Mulkiilaha Beertan Libaaxa…

Read More

Murrashax Muuse Biixi oo soo Bandhigay Shahaadooyinka Siyaasadda ee uu Dheeryahay Murrashaxiinta la Tartamaysa DAAWO

‘’Qallinka siyaasadda waxa ii qabtay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo qardoofooyinka siyaasadeed in laga dabbaasho oo isoo karkariyey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo i siiyey shahaadadii u horraysay ee siyaasadda. Shahaadadii labaad ee Mastertiina waxa i siiyey Prof. Siilaanyo oo i baray sida dalka loo horumariyo’’ Murashax Muuse Biixi Boorama 06. October 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha…

Read More

Siyaasi Ibraahim Xaaji Cabdi oo ka mid ah guddiga ololaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil oo si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera & Aamusida Guddida Anshaxa ee Doorashadda DAAWO

Berbera 06. October 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Magaaladda Berbera si balaadhan loogu soo Dhaweeyay Siyaasi Ibraahin Xaaji Cabdi oo ka mid ah Gudida Ololaha Doorashadda ee Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil. Siyaasigan ayaa lagaga hor tagay deegaanka Xabaalo tumaalo waxaana Gaadiid Tiro badani u Gelbiyeen Magaaladda Berbera. Dhacdadan ayaa loo arkaa Mid Xisbiga Kulmiye ku Mutaysan…

Read More

Berbera oo Lagu Daahfuray Aataar Qadiimi ah oo Cismaaniyiintu ka Tageen & Nin Ka soo Jeeda Cusmaaniyiinta oo ka Hadlay Kutub uu awoowgii Qoray oo uu ka Dhaxlay !!DAAWO

Berbera 06. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka Iyo Dalxiiska Somaliland iyo Mas’uuliyiin Wehelisa ayaa Magaaladda Berbera ku daahfuray taariikh Kala duwan oo Dawladii Cismaaniyiintu ay kaga tagtay Magaaladda Berbera kuwaas oo isugu jiray agabka wax lagu Karsado iyo Kutub ay qoreen Culimadii Cismaaniyiintu.

Read More

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo Guddida anshaxa ugu Baaqay inay Talaabo ka Qaadaan Maayarka Berbera

Hargaysa 06. October 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa sheegay in Maayarka Magaalada Berbera,uu si sharci daro ah ugu ololeynayo hantidii umadda Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Waxaanu Guddida Anshaxa ugu baaqay inay hoos u eegaan oo ay talaabo cad ka qaadan. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa…

Read More

‘’ Doorashadii 2003-dii Waxaa Dalka Badbaadiyey Madaxweyne Siilaanyo Tii 2010-na Waxaa Dalka Badbaadiyey M.weynihii Hore Daahir Rayaale Maantana…’’ Khadar Maxamed Cakule DAAWO

Hargaysa 06. October 2017 (SDN/QJ):- Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Maxamed Cakule ayaa sheegay inaanay Jirin Wax baqdin ah oo Bulshada Somaliland ka qabi karto doorashadda Madaxtooyadda,Maadaama ay Somaliland soo Martay Doorashooyin kala duwan. Khadar Maxamed Cakule ayaa sheegay in Doorashadii Madaxweyne ee Sannadkii 2003-dii dalka ka dhacday uu Somaliland badbaadiyey Madaxweynaha haatan Axmed Siilaanyo oo…

Read More