Webmaster

    Harraad iyo Gaajo Ka Taagan Gobolada Galbeedka Somaliland Oo Keentay Dhimashada Dad Xoolo dhaqato ahaa

    Hargeysa:Au,04,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan lix qof ayaa harraad iyo gaajo ugu dhintay Deegaannno katirsan Gobollada Awdal iyo Salal, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Salal Cabdiraas waaberi rooble. Dhimashada dadkan ayaa waxa sababay harraad iyo gaajo daran oo lasoo gudboonaatay, iyadoo sidoo kale xooluhuna ay si joogto ah u dhimanayaan. Guddoomiyaha Salal Mudane Waaberi waxa uu sheegay inay…

    Read More

      Surmi Hurdada u Diiday Reer Hargeysa Iyo Meehanowga Maatida iyo Carruurta Oo Xukuumaddu Aamusnaan Ku Daawanayso

      Hargeysa:Aug,03,2015(SDN/QJ)-Biyo la’aan baahsan ayaa gebi ahaanba ka jirta Magaalada Hargeysa, waxana shacabka ku nool oo tiradoodu maalinba maalinta ka dambaysa soo foodsaartay xaalad  harraad oo heerkeedu sii kordhayo. Biyo la’aantan oo ah mid aan hore loo arag, ayaa bilaabantay dhammaadkii bishii barakaysnayd ee ramadaanta, waxana maalinba maalinta ka dambaysa sii yaraanaya biyaha Caasimadda lagu cabbo,…

      Read More

        Madaxweyne Siilaanyo Oo Noqday Qofkii Ugu Horreeyey Ee Shuruucda Waddo-marista Magaalada Hargeysa Ku Tunta Iyo Caddibaad Sharci-darro Ka Dhalatay Oo Shalay Caasimaddu La Deristay

        Hargeysa:Aug,03,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigii uu hoggaaminayey ee Kasoo guryo noqday Gobollada Bari ee Dalka, ayaa maalintii shalay Magaalada Hargeysa geliyey khalkhal dhinaca isu socodka waddooyinka ah, waxana gebi ahaanba istaagay Habsami-u-socodkii Waddooyinka Waaweyn ee Magaalada. Soo guryo noqoshada madaxweynaha, ayaa ahayd mid gebi ahaanba burburisay Hannaankii waddo-mariseed iyo shuruucdii Gaadiidka Caasimaddu u isticmaali jireen Waddooyinka…

        Read More

          Tuhumo Ka Dhashay Fadhi-doceedyo Mustaqbalka Xisbiga Kulmiye Ku Saabsan Oo Madaxweyne Siilaanyo Burco Kula Yeeshay Waxgaradka Beeshiisa

          Burco:Aug,03,2015(SDN/QJ)-Waxa isa soo taraya shakiga iyo tuhunka laga muujinayo fadhiyo qarsoodi ahaa oo uu madaxweyne Siilaanyo Magaalada Burco kula qaatay waxgaradka beeshiisa, iyadoo kulankaasina ahaa mid si weyn loogu lafo guray mustaqbalka dambe ee xisbiga Kulmiye oo laga yaabo in cid cusub loo mulki wareejin doono. Shir Doceedkan oo la sheegay in dhanka madaxweynaha ay…

          Read More

            Fannaan Nimcaan Hillaac Oo Madaarka Hargeysa Lagu Xidhay Iyo Sababaha Loo Nisbaynayo Xadhigiisa

            Hargeysa:Aug,03,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, ayaa waxa ay sheegayaan in fannaan Nimcaan Cabdi Xasan(nimcaan Hillaac) oo katirsan kooxda Xiddigaha Geeska halkaas lagu xidhay, kadib markii uu safar shaqo ku tegay Magaalada Muqdisho. Fannaanka ayaa ciddii Bishii Ramadaan bandhig-fanneed ku qabtay Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu markii ugu…

            Read More

              Madaxweynaha Maraykanka Oo Shaaciyey Go’aamo Ka Nixiyey Ganacsatada Waddankiisa Oo Deegaanka Ku Saabsan

              Washington:Aug,03,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Obama, ayaa shaaciyey qorsheyaal wax lagaga qabanayo cimilada Dalkiisa, taas oo aan farxad gelinin ganacsatada, isla-markaana horseedaysa in la joojiyo waxyaabo badan oo ay lacago ka helaan. Obama ayaa sheegay in saacadaha dhow Madaxtooyada ay shaaca ka qaadi doonto waxa uu ugu yeedhay talaabadii ugu wayneyd uguna muhiimsaneyd ee lagu xalinayo isbadalka cimilada. Waxa…

              Read More

                Gudoomiyaha Kulmiye oo Su’aal geliyay Sababta Burco u heli weyday Horumar la taaban karo DAAWO

                Burco 02.Aug 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Maanta la hadlayay Shacabka Gobolka Togdheer ka hor intii aanu ka soo ambo bixin Weftigii uu hogaaminayay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo labadii cisho ee u danbeeyay ku sugnaa Gobolka Togdheer ayaa ka hadlay sababta Magaalada Burco oo ah Xuduntii lagaga dhawaaqay…

                Read More

                  Safaro Hal Xidhaale Siyaasadeed Xukuumadda ku Noqday oo Samaale iyo Abiib Timo-cad dalka dibadiisa ugu baxeen

                  Hargaysa 02.Aug 2015 (SDN/QJ)- Labada siyaasi ee iska casilay xilkii wasiirnimo ee xukuumadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur (Timacad), ayaa mar kale safar ugu baxay wadamada dibadda. Abiib iyo Samaale, ayaa dhawaan safar aan la ogayn ujeedadiisa rasmiga ah ugu baxay wadamo ka tirsan Bariga Afrika, gaar ahaan Kenya iyo Tansaaniya, waxaana…

                  Read More

                    “Xukuumadda waxa aan ugu baaqaya inay sidan isku dhaanto, sidani si Madaxweyne iyo Xukuumaddiisu ku shaqayn karaan maaha” Xildhibaan Aareeye

                    Hargaysa 02.Aug 2015 (SDN/QJ)-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumadda taladda dalka haysa ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Siillaanyo, ay ololo ku jirto, haddana aanay Doorasho diyaar aanay u ahayn. Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo wareysi gaar ah…

                    Read More

                      Gabadh la Sheegay inay Walaalo Yihiin Ninkii Todobaad ka Hor Huteel Jasiira isku Qarxiyay oo Hargaysa lagu Xidhay Iyo Sheekh Boorama Caan ka ah oo si adag uga Hadlay DAAWO

                      Boorama 02.Aug 2015 (SDN/QJ):- Sheekh Xasan Diheeye oo ka mid ah Culimada Reer Somaliland, ayaa Muxaadiro ama Khudbad Diini ah oo uu ka jeediyey Masjid ku yaalla magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa qayb ka mid ah khudbaddiisa kaga warramay arrimo kala duwan oo xasaasi ah oo la xidhiidha dad reer Boorama ah oo…

                      Read More

                        Wasiirka Warfaafinta oo wax laga xumaado ku tilmaamay tiro Wariyeyaal u xidhan Ahlusuna.Waljameeca

                        Muqdisho 02.Aug 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la xidho wariyeyaal gudanaya waajibaadkooda shaqo , isagoo baaq u diray Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna. Mr Maareeye ayaa ugu baaqay Ahlusuna in Wariyeyaasha u xidhan inay si shuruud la’aan ku sii daayaan, isla markaana aanay habooneyn wariye dadkiisa…

                        Read More

                          Mashaariic kala duwan oo Madaxweyne Siilaanyo Burco ku dhagax dhigay iyo Kuwo uu furay SAWIRO

                          Burco 02.Aug 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey oo maalintii 8aad ku sugan burco ayaa mashaariic tiro badan dhagax dhigay kuwo kalena furay. Madaxweynaha oo saaka u dhaqaaqay hirgelinta iyo fulinta mashaariic aad u tiro badan oon hore uga dhicin magaalada burco xadhiga ka jaray kuwo kalena furay, mashaariicdaas…

                          Read More

                            “Hadii Go’aan distoori ah oo Gole kasoo baxay ay Xisbiyada Mucaaridka ahi saluugaan waxay xaq u leeyihiin inay Maxkamadda Geeyaan oo ka codsadaan inay fasiraad ka bixiso.”Muj. Maxamed Kaahin

                            Hargeysa:Aug,02,2015(SDN/QJ)-Gudoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka falceliyey Go’aamadii ay Axsaabta Mucaaridka Somaliland kasoo saareen shirkii ay Magaalada Hargeysa ku qabteen, waxana uu sheegay inaan qoddobadaasi ku habboonayn xaaladda iyo Milgaha waddanka Somaliland. Mujaahid Maxamed Kaahin oo u warramayey Telefishanka ay Dawladdu maamusho ee Qaranka, ayaa si cad u sheegay inuu…

                            Read More

                              Orodyahan Mo Faarax Oo Hiil Uu u Baahna Ka Helay Guddiga Ciyaaraha Fudud Ee Dalka Britain

                              London:Aug,02,2015(SDN/QJ)-Kadib Toddobaadyo eedo ah oo uu hoy u noqday Oradyahan Mo Faarax, ayey Guddiga Ciyaaraha fudud ee Dalka Britain soo saareen qoraal ay arrimahaas kaga jawaabayaan, waxana ay sheegeen inaanu Orodyahanku isticmaalin  Daawooyinka loo adeegsado Firfircoonida Murqaha,oo horey loogu eedeeyey inuu isticmaalo. Mo Farah oo 32-jir ah waxa uu mar kale xaqiijiyey inuu nadiif ka…

                              Read More

                                Madaxweyne Siilaanyo Oo Hay’addo Xukuumaddiisa Katirsan Amray Inay Gargaar Ka Geysyaan Abaaraha iyo Biyo La’aanta Dalka Ka Taagan

                                Hargeysa:Aug,02,2015(SDN/QJ)-Kadib abaaro dad iyo duunyoba saamayn nololeed ku yeeshay oo ka taagan Gobollo dalka mid ah, ayuu Madaxweyne Siilaanyo arrimahaas jawaab afka ah ka bixiyey, waxana uu Wasaaradaha Maaliyadda iyo Biyaha Amray inay taakulayn ka gaadhsiiyaan Goobaha Abaarahaasi aafeeyeen. Madaxweynaha ayaa amray in 48-ka saacdood ee soo socda wasaaraddahaasi bilaabaan biyo dhaamis degdeg ah oo…

                                Read More

                                  Wiilka Uu Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u Yahay Oo Gucle Ugu Jira Hoggaaminta Xisbul-xaakimka Kulmiye

                                  Hargeysa:Aug,2,2015(SDN/QJ)-Guuxa iyo xam-xamta aqalka madaxtooyada laga maqlayo ee arrimaha xisbiga Kulmiye ku saabsan, ayaa sheegaya in Qoyska madaxtooyadu qorshaynayaan inay Wiilka ay u dhacday gabadha uu madaxweynuhu dhalay ee Baashe Cawil(baashe-morgan) loo abaabulayo in hoggaanka Xisbiga loo gacan geliyo. Xogaha la hayo, ayaa sheegaya in Baashe Moorgan oo xilligan ka mid ah shakhsiyaadka ugu awoodda…

                                  Read More

                                    Baadhitaanno Lagu Hayo Shirkadda Soma Gas and Oil Oo Somalia Shidaal-baadhis Ka Wadda

                                    London:Aug,02,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Britain, ayaa qaadday tallaabooyin baadhitaanno loogu samanaynayo shirkadda Soma Oil oo shidaal baadhis ka wadda Gudaha Somalia, iyadoo Xafiiska  baadhitaannada musuq-maasuqa iyo isdabamarintu ku dhawaaqay inuu bilaabay baadhitaankiisa. Shirkaddan  SOMA GAS and Oil, waxay heshiis la gashay dowladda Soomaaliya 2013, iyadoo meelo dalka Somalia kamid ahna ka wadda arrimo baadhitaan. Shirkaddan waxaa madax u…

                                    Read More

                                      “Aqoonta U Adeegta Nolosha” Xog Waran Aqoon yahan Maxamed Cali Bille DAAWO

                                      Hargaysa 02.Aug 2015 (SDN/QJ)- Aqoon yahan Maxamed Cali Bile oo ka mid ah Aqoon yahanka Somaliland ee Baraha Bulshadu ku Kulanto Talooyin Wax ku ool ah uga soo Gudbiya dhallinta Somaliland ayaa Waraysi uu siiyay Telefishanka Qaranka Somaliland Waxa uu kaga hadlay Taariikh Nololeedkiisa,Waayo aragnimada iyo Khibradiisa Shaqo isagoo haatan ka Mid ah Shaqaalaha Guur…

                                      Read More