Webmaster

    “Punt land waxaan u sheegayaa inaanay Somaliland ogolaan doonin inaad qas ka samaysaan Gudaha Somaliland” Wasiir Xaglotoosiye DAAWO

    Burco 01.Aug 2015 (SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa fariin digniin ah u diray Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land oo faragelin ku soo sameeyay Maanta Deegaanka Buuhoodle ee Somaliland Waxaanu Wasiirku sheegay inaan Somaliland u dulqaadan doonin talaabo kasta oo xadgudub ku ah dhulkeeda.

    Read More

      Magaalada Buuhoodle oo Shacabka ku nooli diideen Xuska 17 Guurada aasaaska Punt land iyo Rabshad ka dhashay DAAWO

      Garoowe,1-Aug-2015(QJ/SDN)-Rabshado Dhaawac ka dhashay ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Buuhoodle kadib markii ay Xaflad lagu maamuusayay Sannad Guurada 17aad ee aasaaska Punt land lagu qabtay Magaalada Buuhoodle . Hasa yeeshee Qaybaha Bulshada ee Magaalada Buuhoodle ayaa Gebi ahaanba la wareegay Goobtii xafladu ka socotay. Waxaa kale oo dadkaas Cadhaysani dab qabadsiiyeen Calanka Maamul Goboleedka Puntland

      Read More

        “Safarkii Madaxweynuhu Waxa Uu Isku Bedelay Olole” Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI

        Hargaysa 01.Aug 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiye xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in safarkii madaxweyne Siilaanyo ee barigu uu isku bedelay Olole dadka cod iyo taageero lagu waydiisayo. Waxa uu sheegay inaanu habboonayn safarkaasi maadaama dalka muran siyaasadeed oo ku aadan muddo xileedka madaxweynaha ee dhammaaday ka jiray. “Safarkii Madaxweynahu, waxaa uu isu bedelay olale,…

        Read More

          Dagaalkii Maayarka Ceerigaabo iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Iyo Dareenkii Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

          Ceerigaabo 01.Aug 2015 (SDN/QJ)- Fadeexado is biirsaday oo waji-gabax ah ayaa maalin kaliya Khamiistii wada qabsaday badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay, ka dib markii lagaga oriyay meel fagaare ah oo Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii ay kula hadlayeen boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo. Dagaalkii Maayarka Iyo Badhasaabka Fadeexadda koowaad…

          Read More

            “Xaalad abaareed oo dalka ka Jirta awgeed ayuu Madaxweynuhu Iclaamiyay Biyo Dhaamis” Wasiir Cukuse DAAWO

            Burco 01.Aug 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse oo uu wehelinaayo Wasiirudawlaha Maaliyada Cadaani ayaa burco kaga dhawaaqay Biyo dhaamis degdeg ah oo uu madaxweynuhu iclaamiyey maanta 01.08.2015 in guud ahaan goobaha ay ka jirto biyo la’aantu la gaadhsiyo booyadaha biyaha dhaamiya loona gurmado shacbiga iyo xoolaha ooman.

            Read More

              Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Oo Sheegay Haddii Jaamacadda Jiritaankeeda La Doonayo In La Dhaafiyo Prof. Cadaad Oo Uu Dhibaato Ku Eedeeyay

              Guddomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Cabdi Xuseen Gaas,ayaa iska difaacay eedo loo jeediyay kuna tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin iyo gef shaqsi ah oo laga galay. Waxaa kale oo uu ka hadlay sababta dhibaatada Jaamacaddu u soo noq-noqotay oo uu ku eedeeyay in uu masuul ka yahay Madaxa Kulliyadda Sayniska ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Axmed…

              Read More

                Xildhibaano ka Tirsan Guurtida Iyo Wakiiladda Somaliland oo Xukuumadda iyo Hay’adaha Caalamiga ah Baaq Qaylo dhaan abaareed ah u diray

                Hargaysa 01.Aug 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland oo ka soo jeeda Gobolada galbeedka Somaliland, ayaa sheegay inay xaalad adag oo abeereed ku habsatay dad iyo duunyaba bulshada ku dhaqan Goboladaas, isla markaana waxay ku baaqeen haddii gurmad degdeg ah lala soo gaadhin ay adag tahay siday noqonayso noloshoodu oo ay marayso meel…

                Read More

                  “57-wasiir, wasiiru-dawle iyo wasiir-ku-xigeeenno dalkani uma baahna, Rayaalena waxa uu qaadanayey $36171-Dollar Bishii, Halka madaxweynaha Maraykanku ka qaato…..”

                  Hargeysa:Aug,01,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey xil-gudasho la’aan, waxana uu meesha ka saaray duruudaha lagu sababeeyey muddo-kordhinta xukuumaddu ku fadhido. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo u warramay Star tv, ayaa waxa uu sheegay in baahi weyn loo qabay in xukuumadda sharciga lagu qaado, maadaama ay…

                  Read More

                    Daryeel La’aantii Ugu Xumayd Oo Soo Foodsaartay Cisbitaalka Hargeysa Iyo Bukaanno Korkooda Dirxi Lagu Arkay

                    Hargeysa:Aug,01,2015(SDN/QJ)-Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, ayaa wax aka taagan xaalad daryeel la’aaneed oo Baahsan, waxana soo baxayso Qaylo-dhaan la xidhiidha in Bukaannada Halkaas jiifa qaarkood jidhkooda cayayaanno ku dhasheen markii ay daryeel waayeen. Dadweyne Daryeel la’aanta Cisbitaalka Hargeysa ka cadhaysan ayaa Telefishanka Somaliland Space Channel kula kulmay Gudaha Cisbitaalka, waxana ay ka warrameen Dhacooyin murugo…

                    Read More

                      Ugu 6000, Oo Ethiopian ah Oo Ku Noolaa Waddamo Qalalaase Siyaasadeed Ka Jireen Oo Dalkooda Hooyo Kusoo Laabtay

                      Addis Ababa:Aug,01,2015(SDJ/QJ)-Sida lagu sheegay war ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Ethiopia, Waxa dalkaas kusoo laabtay ugu yaraan 6000, oo qof, kuwaas  oo muwaadiniin ah, kuwaas oo kasoo laabtay dalal qalalaase siyaasadeed ka jiro oo ay hore ugu noolaayeen. Afhayeenka wasarada arrimaha dibada ee Itoobiya, Tewolde Mulegeta, ayaa todobaadkan soo dhaweeyey labaatameeyo muwadaniin ah…

                      Read More

                        Xoogagga Al-shabaab Oo Salaatu Janaaza Maqnaanshiiyo ah Ku Tukatay Hoggaamiyihii Daalibaan Ee Mullah Cumar

                        Baardheere:Aug,01,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Al-shabaab, ayaa la arkay iyagoo salaatu jinaaza maqnaasho ah u tukanaya Hoggaamiyihii Ururka Daalibaan oo dhawaan geeridiisa la shaaciyey. Shalay oo Jimce ahayd, ayaa Masaajiddo ku yaalla Gobolka Shabeelaha hoose waxa Boqolaal Ururkaas kamid ah  oo saraakiil sare ku jiraan ay salaadaas u tukadeen HOggaamiyahaas geeriyooday oo ay isku afkaar ahaayeen. Gudoomiyaha Al-Shabaab ee…

                        Read More

                          Xisbiga Waddani Oo Xilalkii Ka Qaaday Xubno Lagu Eedeeyey Inay Madaxtooyada Shuraako Kula ahaayeen Burburinta Xisbiga

                          Hargeysa:Aug,01,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa Maalintii shalay xilkii ka qaaday Laba xubnood oo xilal sare xisbiga ka hayey, kuwaas oo lagu eedeeyey inay khiyaamo kula socdeen Xisbiga, isla-markaana ay madaxtooyada shuraako la  ahaayeen. Warqadda xilka qaadista labadaas xubnood oo kala ah Guddoomiyihii Heer qaran ee Xisbigaas iyo ku-xigeenka Xoghayaha Garabka haweenka Heer qaran, ayaa…

                          Read More

                            “Sasabasho way jirtey oo dhawr qof waan ka sasabay, dhawr waxna waan ka maslaxay.Laakiin Mar haddii aad odaygaaga ku kalsoon tahay ixtiraam baa meesha jira.”Drs Edna Aadan

                            Hargeysa:Jully,31,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland ee xilligii xukuumaddii Rayaale Marwo Adan Aadan Ismaaciil, ayaa ka Hadashay doorkii talo-bixineed ee ay ku lahayd xukuumaddii uu ra’isal wasaaraha ka ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ay ooridiisa ahayd. Marwo Adna oo marti ku ahayd dhawaan Barnaamijka Milicsiga siyaasiga ee TV-ga Universal ka baxa, ayaa sidoo…

                            Read More

                              Reer Gar-adag Oo Madaxweyne Siilaanyo Hadyad uga Dhigay Geenyo Lammaan Iyo Dareenkii Uu Ku Qaabilay

                              Gar-adag:Jully,31,2015(SDN/QJ):Madaxweyne Siilaanyo iyo waftiga u hoggaaminayo ee Socdaalka ku jooga Gobollada Bari ee dalka, ayaa soo dhaweynno soo jiidasho mudan kala kulmaya deegaanada ay marayaan, waxana Shacabweynaha Reer Gar-adag oo kamid ah Goobaha waftigaasi sii mareen Madaxweynaha ku maamuuseen hadyad aad u qaali ah oo madaxweynaha si weyn u farxadgelisay. Reer Gar-adag oo xiiso gaar…

                              Read More

                                Khasaare Dhan $250-Milyan Oo Soo Gaadhay Shirkadda Diyaaradaha Ee Kenyan Airways

                                Nairobi:Jully,31,2015(SDN/QJ)-Shirkadda Diyaaradaha ee Kenyan Airways, ayaa haatan waxa soo gaadhay khasaarihii ugu sarreeyey ee Abid ay wajahdo, iyadoo xisaab-xidhkii sanadkani noqday midkii ugu khasaaraha badnaa. Dhibaatooyin dhaqaale ayaa lasoo darsay shirkada Kenyan Airways ,waxaana markii la canshuuray shirkada uu khasaaraheedu gaadhay lacag dhan 250- Milyan oo Dollar sanad xisaabeedka 2014 iyo 2015. Qasaaraha dhaqaale ee…

                                Read More

                                  Dawladda Masar Oo Dhiggeeda Maraykanka Ka Heshay Diyaaradaha F-16, Si Loogu Weeraro Islaamiyiinta Gadoodsan

                                  Cairo:Jully,31,2015(SDN/QJ)-War ay soo saartay safaaradda Maraykanku  ku leeyahay Dalka Masar, ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Maraykanka ku wareejinayso 8-diyaaradaha dagaalka ee F-16 Block 52 labada maalmood ee soo socota. Warkan ka soo baxay safaarada Maraykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in afar kale oo diyaaradaha F-16 ah la geynayo Masar deyrta soo socota. Inkastoo dowlada…

                                  Read More