Webmaster

    Tobanka habayn ee Ramadan ugu danbeeya waa fursad mudan in laga faa’idaysto

    Ottawa July 08,2015(SDN/QJ)-Waxkasta oo la bilaabaa, dhamaad ayay leeyihiin. Shalay ayay ahayd markii aynu bilownay bisha barkaysan ee Ramadaanta, maantana waxa inoo bilaabmaysa qaybtii ugu danbaysay ee bishan barakaysan ee Ramadaanta. Waa qaybta ugu fadliga badan Ramadaanta. Tobanka habayn ee ugu danbeeya Ramadaan waa tobanka ugu fadliga badan habaynada Ilaahay. Habaynadani waa fursad mudan in…

    Read More

      Komishanka Doorashooyinka oo ku Asqoobay Murankii Siyaasadda Iyo Nuxurka Kulamo ay la qaateen Xisbiyada,Ma Dib ayey u dhacaysaa Diiwaangalintu? DAAWO

      Hargaysa 08.July 2015 (SDN/QJ)- Komishanka oo xisbiyada u bandhigay dibu-dhaca iyo dadweynaha oo laga qarinayo Komishanka Doorashooyinka qaranka ayaa maalmahanba kulamo la lahaa Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka waxaanay kala hadleen qoddobo ay ka mid yihiin Diiwaangalintii cod-bixiyayaasha oo dib uga dhacaysa wakhtigii ay hore ugu qabteen ee 27 bishan July oo ay maalmo koobani inaga…

      Read More

        Laba Mudane oo Isku ah Mucaarid iyo Muxaafid Xag Jir ah oo Dood Wadaag loo sameeyay isku Murruxsaday DAAWO

        Hargaysa 08.July 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Xaamud Iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa dood adag iskaga hor yimid, isla markaana dadweynuhu u arkeen siyaabo kala duwan.  Doodan oo TV-ga HCTV u qabatay saddexdaas Xildhibaan ayay indhuhu qabanayeen labada xildhibaan ee Siciid Cilmi Rooble iyo Cali Mareexaan oo iyagu si gaar…

        Read More

          “Arrinta Laga Soo Weriyay Wikileakas ee Sheegaysa In Wasiirro Xukuumadda Ka Tirsanaa Ay Galeen Heshiisyo Somaliland Ka Dhigaya…” Xasan Ciise Jaamac

          Hargaysa 08.July 2015 (SDN/QJ) :- Madaxweyne Kuxigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Warka sirta ah ee ay baahisay Shabakada Wikileaks ee sheegaya in Somaliland lagu daray Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay haddii ay arrintaasi rumowdo inay tahay Khiyaamo qaran tii ugu weynayd ee waddanka soo marta. Mujaahid…

          Read More

            Xukuumadda oo ay Gilgishay Qoraalkii Mareegta Wikileaks,Jawaabaha oo la Kala Hororsaday iyo dooda Wasiirka Arrimaha Dibada DAAWO

            Hargaysa 08.July 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka arimaha Dibada Mudane Maxamed Bixi Yoonis ayaa ka warbixiyay arintan muranka ee ay dhalisay Mareegta Wikileaks isagoo sheegay in aanay waxba ka jirin arinta kale ee mucaaridku sheegayaan in ay dacwad u gudbiyeen Ingriisku ay u gudbiyeen hadaba isagoo arintaa ka hadlaya wasiirku waa kan. https://youtu.be/bZnZkLSNZVU

            Read More

              Wikileaks Waxay Fashileen Garaadka Siyaasiyiinta Somaliland

              Ohio 08.July 2015 (SDN/QJ)- Soo ifbaxa qoraalka Wikileaks wuxuu inna tusay heerka iyo garaadka ay taagan yihiin siyaasiyiinteennu, waxay inna tustay miisaanka ay leeyihiin madaxda inna xukunta iyo kuwa kursiga doonaya ee uu ugu horreeyo Guddoomiye Cirro oo aan u haysanay Diplomaasi siyaasi ah. Waraaqdani waxay inna tustay sida aynu uga arradanahay Chanels-ka Diplomaasiyadda, sababtoo…

              Read More

                Dawlada Hoose ee Caasimada iyo Gudida Horumarinta oo isla qaatay Bilowga Dhismaha Waddada Madaarka iyo Saldhiga dhexe ee Hargaysa isku Xidha

                Hargaysa 08.July 2015 (SDN/QJ)- Maamulka dawlada hoose ee caasimada Hargeysa iyo guddida horumarinta caasimada ayaa maanta si wada jira u shaaciyey in dib u dhis balaadhan lagu samayn doono wadada ka timaada garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa iyo wadada dhakhtarka weyn kuwaas oo laga hir gelin doono dib u dhis balaadhan. Guddida horu marinta caasimada…

                Read More

                  Dalalka Yurub oo walaac iyo cabsi ka qaba Dagaal yahano Daacish ahi inay ku soo dhex dhuuntaan tahriibayaasha ku qulqulaya qaaraddooda

                  Roma 08.July 2015 (SDN/QJ) :- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ururka Midowga Yurub Ms. Michele Consinsx, ayaa shaacisay inay heshay xogo la xidhiidha in dagaalyahanno badan oo ka mid ah kooxda dawladda Islaamiga ee Suuriya iyo Ciraaq (ISIS) ay ku dhex dhuuntaan tahriibayaasha ku qulqulaya dalalka qaaradda Yurub, taasoo ay ku tilmaantay khatar muuqata oo dhinaca ammaanka…

                  Read More

                    “Xisbiga Waddani Wuxuu u adeegayaa dawlado shisheeye,Waxayna Ujeedadiisu tahay inuu Somaliland ugu yeedho gacmo shisheeye” Xildhibaan Bukhaari

                    Hargaysa 08.July 2015 (SDN/QJ) :- Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaar),  oo ka tirsan  Golaha  Wakiiladda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay  Xoghayaha Arrimaha dibadda  xisbiga mucaaradka  ah ee WADDANI,  oo eedaymo been abuur ah u soo jeediyay xukuumadda. Waxaanu tilmaamay in xisbiga WADDANI ay  ujeedadiisu  tahay in uu Somaliland ugu yeedho gacmo…

                    Read More

                      Maamul Goboleedka Punt land oo Diiday Gudiyada doorashooyinka iyo Xuduudaha Federaalka

                      Garowe 08.July 2015 (SDN/QJ) :- Dowladda Puntland ayaa ka hor timid labada guddi ee doorashooyinka iyo xuduudaha oo shalay Baarlammaanka Dowladda Federaalku cod aqlabiyad leh ku meel mariyey, horayna Golaha Wasiirradu u ansixiyeen. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland oo loo gudbiyey beesha caalamka ayaa lagu sheegay in labadaas guddi  yihiin kuwo lagu soo xulay qaab…

                      Read More

                        ‘Wasiirkii hore ee Khaarijiga anigu waxa aan u arkaa Nin Aqoonyahan Ah Oo Dalkiisa Hawl Wanaagsan U Qabtay,sabab ninkaas loo dur-duro oo aan gardarro iyo maag ahayni ma jirto” Muuse Biixi

                        Hargaysa 08.July 2015 (SDN/QJ) :- Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa difaacay Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland ay eedo u jeediyeen. Shir Sucuudiga iyo wasiirkeennii hore ee khaarajigu ay wada galeen ma jirin, madaxwaynaheenna iyo dowlada Sucuudigu shan shir oo…

                        Read More

                          “Maxaa Qofka Muslimka ah looga baahan yahay Bisha Ramadaan oo Tobankii Cisho ee u danbeeyay lagu Jiro” Sh.Mustafa Xaaji Ismaaciil DAAWO

                          Hargaysa 08.July 2015 (SDN/QJ)- Waxaa inoo Bilaabmay Tobankii Cisho ee u danbeeyay ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan Taas oo Fadaa’il iyo Xasanaad badan wadata isla markaana la rabo in Muslimiintu ay ka faa’iidaystaan Nimcooyinkaas iyagoo badinaya Cibaaddada iyo Digriga eebbe. Sida ay Culimadu Sheegto Waxaa Tobanka danbe ee Ramadaan uu Rabi Cadaabihiisa daran ka xoreeyaa…

                          Read More

                            Guddoomiye Muuse Oo Ka Dhiidhiyey Dhawaaqyo Mucaaridka Somaliland Su’aal Ku Geliyeen Sharcinimada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

                            Hargeysa:Jully,07,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn uga Horyimi dhawaaqyo mucaaridka somaliland kaga soo horjeedaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas salka ku haya inaanay xukuumaddu wax sharciyad ah haysanin wixii ka dambeeya 27-ka bishan Jully oo muddo-xileedka sharciga ah ee Madaxweynuhu ku dhan tahay. Guddoomiyaha oo maalintii shalay ka Hadlayey…

                            Read More

                              Diyaarad Militeriga Kenya Lahaa Oo Burburtay Iyo Khasaare Soo Gaadhay Duuliyayaashii Saarnaa

                              Mandhera:Jully,07,2015(SDN/QJ)-Diyaarad ay laaheeyeen Militeriga Waddanka Kenya, ayaa maalintii shalay ku Burburtay Deegaanka Lamu, waxana ku waxyeeloobay 2-duuliye oo  saarnaa. Diyaaradan oo ah nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helicopter-ka ayaa salka dhulka ku dhufatay iyadoo ka caga dhiganeysay saldhiga ciidamada circa ee Baragoni ee deegaanka Lamu. Diyaaradan oo ahayd mid awood badan oo loo…

                              Read More

                                Ninkii Dunida ugu Da’da Weynaa Oo Geeriyooday Iyo Cimriga uu Ahaa

                                Tokyo:Jully,07,2015(SDN/QJ)-Sakari Momoi oo loo aqoonsanaa inuu ahaa ninka dunida ugu da’da weyn, ayaa Maalintii Axaddii Toddobaadkan ku geeriyooday Goob dadka lagu xannaaneeyo oo ku taalla Dalka Japan. Ninkan oo dunida caan ka ahaa, ayaa hore u galay Buugga lagu keydiyo mucjisooyinka adduunka ee (Guinness World Records) loo yaqaanno, waxana muddo dheerba uu ku sugnaa xaalad…

                                Read More