Webmaster

    Somalia iyo Alshabaab oo Magac isku Mid ah Midba si Gooni ah u adeegsanayo iyo amar la siiyay Warbaahinta

    Muqdisho 04.May 2015 (SDN/QJ)- Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Warbaahinta kala duwan ee ka hawlgala waddanka Soomaaliya ku amartay inay magac cusub oo ay u bixisay ugu yeedhaan waxa ay ka baahinayaan Malleeshiyada Al-Shabaab laga bilaabo taariikhda maanta ee 4-ta bisha May sannadka 2015-ka. Magacan cusub ee ay dawladda Federaalka Soomaaliya ku amartay inay Saxaafaddu ugu…

    Read More

      Maxay ka Wada hadleen Madaxweyne Gaas iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya?

      Nairobi 04.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Oo Maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibbadda dalkaasi Kenya Aamina Maxamuud , Waxaanay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii laysaga kaashan lahaa amniga, Qaxootiga faraha badan ee soomaaliyeed ee kudhaqan dalkaasi Kenya…

      Read More

        “Miyaanay ahayn Shirqool iyadoo laga faa’iidaysanayo xaaladda Liidata ee Madaxweyne Siilaanyo ee Aanu Ognahay inaanu wax muddo kordhin ah doonaynin oo uu waliba 26-ka June….”Muj, Cali Gurey

        Hargeysa:May,04,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (cali gurey), ayaa ka Hadlay muranka cayimaada Xilliga Doorashada ee Guurtidu Guddida u saartay, waxana uu hoosta ka xarriiqay in ujeedadda Golaha Guurtida ee Arrintan ay madaxa ugu qaateen ay tahay inay laaluush iyo lacago qaataan. Mujaahidka oo Maanta la hadlayey Warbaahinta faahfaahin ka bixiyey dariiqii …

        Read More

        Daawo Ururka Horumarinta Ciiyaaraha ee qurbajooga Somaliland ee Uk (Somaliland Diaspora Sports development )oo Markii u horaysay la mataanoobay Kooxda Ee Mk done Milton Keynes

        London 04May15(SDN/QJ) Ururka Horumarinta Ciiyaaraha ee qurbajooga Somaliland ee Uk  (Somaliland Diaspora  Sports development )oo  dhawaan looga dhawqay wadanka Uk Casimadiisa London oo ay ku midoobeen Ciyaaryahanadii reer Somaliland ururkan ayaa guushii u horaysay ka soo hoyay ka dabib markii ay ka heleen casuumad Nadiga  Mk done Milton Keynes  o si heer sare u soo…

        Read More

          Daawo Sawiro iyo Muqaal Xisbiga Waddani UK oo Soo Dhaweeyay Xilibaan Rayte, Isla Markaana Sagootiyay Marwo Faadumo Saciid

          London04May15(SDN/QJ)Xisbiga Waddani UK oo Soo Dhaweeyay Xilibaan Rayte, Isla Markaana Sagootiyay Marwo Faadumo Saciid. Xisbgia Waddani UK ayaa Munaasabad Balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Garabka Haweenka Xisbiga Waddani UK, ayaa Waxa ay ahayd Mid isugu jirta soo dhawayn iyo Sagootin, taas oo lagu kala qaabilay Masuuliyiinta Kala ah Xilibaan Rayte iyo Faadumo Saciid oo labaduba ka…

          Read More

            “Wallaahi Samsam-na Aad baanu iskugu wanaagsanahay cid aan ka cadhoodana garan maayo wasaaraddana iyadaa ka madax ah arrintaasiina waa….”Wasiir Waran-cadde

            Hargeysa:May,04,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Ka Hadlay warar soo baxayey dhawaanahan oo sheegayey inuu dalka uga maqnaa cadho uu ka qaaday tallaabo wasaarada Maaliyaddu ku joojisay Lacago ay wasaaraddu hore u qaadan jirtey. Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde oo  saxaafadda la hadlay mar uu shalay kasoo degay Garoonka Cigaal International, ayaa beeniyey…

            Read More

              Texas:Toogasho Lagu Dilay Laba Dhallinyaro ah Oo Weeraray Goob Lagu Abaablmarinayey Kooxaha Sawir-gacmeedyada Ka Sameeya Nebi Muxamed N.N.K.H.

              Texas:May,04,2015(SDN/QJ)-Laba Nin oo ka cadhooday shirar islaamka ka dhan ah oo ka dhacayey Gobolka Texas ee Dalka Maraykanka, ayaa dhintay nin kale oo waardiye ahaana waa la dhaawacay. Shirka Halkaas ka dhacayey ayaa ahaa mid lagaga soo horjeeday islaamka, waxana sooo abaabulay urur la magac baxay  difaaca xorriyaadka, waxana la dhiirrigelinayey dadka sawir-gacmeedka ku muujiya…

              Read More

                Taageero buuxda oo ay soo saareen Jaalliyadda beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) iyo qodobbada madaxdhaqameedka beeshu go,aamiyeen oo ay la la qaateen

                Bismillaahi Arramanirraxeem.  dammaan ummadda reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.   Annaga oo ah jaalliyada beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) waxaanu taageero buuxda la garab taagannay shirka ay isugu yimaadeen maanta 3/5/2015 madaxa dhaqameedka beesha kuna dhamaayeen salaadiin,cuqaal, jiif caaqillo,boqor Raabi…

                Read More

                  Somali Journalists Mark World Press Freedom Day

                  Mogadishu, 03 May, 2015-The National Union of Somali Journalists (NUSOJ), the Somali Ministry of Information, Culture and Tourism, the Relief International and Finish Foundation for Media and Development organized World Press Freedom day event, along with a a Seminar Freedom of Expression and Journalists’ Rights in State-building in Somalia in Mogadishu’s Jazeera hotel. The event,…

                  Read More

                    If a Camel Falls on the ground, knives will be multiplied

                    To the Somaliland community, it is irrational and unacceptable to make further extension for silanyo’s government beyond the time line of the national electoral committee in which all stockholders welcomed as well as the community of Somaliland. Speaker of the house of elders honorable Suleiman Mahmud Aden  retained last week from the United Kingdom, in…

                    Read More

                      Al-shabaab Oo Nolosha Ku Qafaashay Laba Katirsan Ciidamada Somalia Laba Kalena Qudha Ka Jaray

                      Garbahaarray:May,04,2015(SDN/QJ)-Mintidiinta Al-shabaab, ayaa Habeenkii xalay Weerar culus ku qaaday Bar kantarool oo ku taalla Degmada Beled Xaawo, waxana Halkaas ay ka qafaasheen laba kamid ahaa Ciidamadii ku sugnaa oo aan wax dhaawacyo ah qabin. Shabaabka, ayaa weerar kedis ahaa ku qaaday Ciidamada Dowladda ee fadhiisimaha ku leh War-cadey. War-cadey waa waddada ka baxda Degmada Beled…

                      Read More

                        Akhriso Taxanayaasha Dhacdooyinka Taariikh Xumada Reebay Ee Dalka Ka Dhacay Intii Xukuumadda Madaxweyne Xilka Haysay

                        Hargeysa:May,04,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  oo cimrigeedii dharciga ahaa gebogebo ku dhaw yahay, ayaa markale muujinaysa jacaylka iyo hamuunta ay u qabto inay kursiga sii xejisato, waxase shacabka maankooda ka guuxaya Mawjado dhacdooyin lama ilaawaan ah oo qadaf ahaa dhammaantood. Dhegaha dadku waxa ay deris dhaw la noqdeen baaqyo isdaba joog ah oo xukuumaddu ku doonayso in…

                        Read More

                          Marxaladihii Isgaadhsiinta Somaliland iyo Asbaabaha Hor taagan Isku Xidhka Shirkadaha Isgaadhsiinta Barnaamij Gaaar ah oo Qurbejoog idiin Diyaarisay DHAGAYSO

                          Hargaysa 04.May 2015 (SDN/QJ) Isgaadhsiinta Somaliland ayaa soo martay Marxalado Mid kastaaba lahayd Waayaheeda Wakhti ayaa ina soo maray Qofka jooga degel ka mid ah Somaliland hadii uu u baahdo inuu qof ehelkiisa ah oo dibada ku maqan inuu la hadalkiisu ku qaadan Jiray Safar dheer oo uu ku tago dalka Itoobiya amase jabuuti. Somaliland…

                          Read More

                            Somaliland oo Shaacisay Wakhtiga uu qabsoomayo Imtixaankii Shahaadiga ahaa iyo Fariin adag oo Maamulayaasha loo diray

                            Burco 04,May 2015 (SDN/QJ)- -Prof Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa si rasmi ah u shaaciyey xilliga rasmiga ah ee dalka oo dhan laga geli doono Imtixaanaadka Shahaadiga ah iyo kuwa aan Shahaadiga ahayn, waxana uu farriin adag u diray Maamulayaasha Dugsiyada dalka oo dhan gacanta ku haya. Wasiir…

                            Read More

                              Salaadiin Isku Beel ah oo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan Kala hadlay Mudo Kordhinta Xukuumada DAAWO

                              Hargaysa 04.May 2015 (SDN/QJ)- Salaadiinta Bariga Caasimada Hargaysa iyo Galbeedka Burco ayaa Maalintii Shalay Kulan Gaar ah oo Saxaafadu dibada ka Joogtay Waxay Gurigiisa kula Yeesheen Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamud Aadan. Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar ayaa markii Kulankaasi soo dhamaaday Wuxuu Hadal Kooban siiyay Warfidiyeenada,Waxaanu sheegay in Qasdigoodu ahaa Sidii ay…

                              Read More

                                “Somalia Markii ay Ku Fashilantay Wada hadalada Waxay u Wareegtay dhinaca Milateriga iyagoo wada Ciidamo ay rabaan inay Xuduudaha Somaliland soo dhoobaan” Cali Warancade DAAWO

                                Hargaysa 04.May 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa ka hadlay Natiijada Socdaal shaqo oo uu ku soo maray Dalalka Imaaraadka Iyo Itoobiya  . Wasiirka Arrimaha Gudaha Waxa uu ka hadlay Qorshayaal ay Xukuumada Somalia ku abaabulayso Ciidamo ay keenaan Xuduudaha Somaliland kadib markii Sida uu Sheegay ay ku Guul daraysteen…

                                Read More

                                  “Habac-sanaanta Hawl-wadeennada Madaarka Jabuuti oo halis-galiyay Nolosha Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle” Wargayska Washington Post Iyo Jawaabta Jabuut

                                  Washington 04.May 2015 (SDN/QJ)-  Warbixin ay daabacday jariiradda Washington Post, ayaa daboolka ka qaadday habacsanaan ka jirta nidaamka shaqo ee hawl-wadeennada madaarka Jabuuti, gaar ahaan kuwa ku shaqada leh kala-hagista duulimaadyada diyaaradaha isticmaala Garoonka ugu weyn dalkaas ee ku yaala magaalada Jabuuti. Sida lagu sheegay warbixinta, madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa laba sanno…

                                  Read More

                                    Siyaasi Yuusuf Garaad oo dhaliil u soo Jeediyay Cabdi Kariin Xuseen Guuleed kulana taliyay inuu labada xil midkood isugu Lugo duwado

                                    Muqdisho 04.May 2015 (SDN/QJ)- Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar ayaa Naqdiyay Hadal uu Warbaahinta Siiyay Siyaasiga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah Murashax u taagan Xilka Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Gobolada dhexe ee Somalia Yuusuf Garaad ayaa u soo Jeediyay Cabdi Kariin Xuseen Guuleed inuu labada Xil ee Midna uu hayo Midna uu ruclada ugu Jiro uu…

                                    Read More