Dadkii Dalka – Korneyl Qalinle W/Qoray Maxamed Cali Bile
wuxu ahaa sarkaal yar oo an u maleynayo inu laba xiddigle ahaa ama Kabtan. Waxa uu watay urur ka qeybqaatey dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee qarxey sannadkii 1977kii. Bilowgii 1978kii ayuu Qalinle ku dhaawacmey dagaalkii oo loo soo qaadey Muqdisho. Muddo markii la daweynayey ayaa dhakhtaradii yidhaahdeen lafaha ayaa xoog u burburey oo ma kabmayo….
