“Author Archive”
Stories written by akguled

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi oo soo bandhigay xidhiidhka ka dhexeeya ciyaartoyga iyo askariga DAAWO

Hargaysa 07.November 2016 (SDN/QJ):- Mudane Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Xisbigaas ee Jagada Madaxweyne ayaa soo bandhigay Xidhiidhka ay wadaagaan Ciyaartoyga iyo Askarigu mar uu ka hadlayay Casho Madaxweyne Siilaanyo u Sameeyay Xulalka Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland uga socda Caasimada Hargaysa.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Nuxurka Kullan Xalay Magaalada Addis Ababa Ku Dhexmaray Musharax Madaxweyne Ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro Iyo Hogaaminaha Kooxda Khaatumo Prof Galaydh SAWIRO

Addis Ababa 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):-Kullan-kan ay wadda yeesheen  guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro iyo Madaxweynaha maamulka khaatumo Cali khaliif Galaydh,ayaa  habeenkii xalay ahaa ka qabsoomay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya,kaasi oo ku soo dhammaaday jawi is afgarad. Musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Somaliland :Jab’had Hubeysan Oo Lagaga Dhawaaqay Gudaha Gobolka Sool Iyo Xaalada Magaalada Laascaanood Oo Kacsan DAAWO

Laascaanood 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Deegaan ka Tirsan Gobolka Sool oo la Yidhaa Boocame ayaa lagaga Dhawaaqay Jab’had Hubaysan dhawaqaas oo Xaalad Kacsanaan ah ka abuuray Magaalada Laascaanood. Waxaana Madasha jab’hada Looga dhowaaqay Ka hadlay Qaar kamid ah Hogaanka Jabhada oo kamida Ahaayen Faysal Maxamed Xasan Falaalug oo loo dooratay Gudoomiye kumeel gaadhka ah, Horeyna […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Waa Sidee Dhaawaca Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ka Soo Gaadhay Lugta Bidix? DAAWO

Hargaysa 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ayaa ku Booqday Gurigiisa Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo Dhaawac Fududi ka soo Gaadhay Misigta Lugta Bidix Kadib Markii uu la Siibtay Marmarka Gurigiisa.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

5 Gool ee Ugu Quruxda Badnaa Mudadii uu Socday Wareega Rubuc Dhamaadka Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Halkan Ka DAAWO

Hargaysa 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee Ka Socda Magaalada Hargaysa ayaa Maraya Meel Xasaasi ah Iyadoo Sadex Xul ay Iska Xaadiriyeen Wareega Simi Finalka amase Wareega afar dhamaadka Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee Ka Socda Garoonka Hargaysa Stadium. Hadaba Halkan ka Daawo 5-tii Gool ee ugu qurxda badnaa koobka gobolada Somaliland. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Somaliland: Qaliinkii 1aad ee Caruurta Wadnuhu Daloolo oo la bilaabay & Kormeerka M.weyne Siilaanyo DAAWO

Hargaysa 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Kormeer ku Tegay Cisbitaalka Caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh ee Magaalada Hargaysa Kaas oo laga Bilaabay Markii Kowaad Qaliinka Caruurta Wadnuhu daloolo.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Doorkii uu ka soo qaatay Horumarka Ciyaaraha Iyo Talooyinka uu Maantana Xasan Waraabe Cade u Jeedinayo Xukuumada iyo Xisbiyada Siyaasada 

Hargaysa 07.November 2016 (SDN/QJ):- Xasan Maxamed Cabdulle (Xasan Waraabe Cade) Waxa uu ka Mid yahay Shakhsiyaadka Doorka fiican ka qaatay Horumarinta Ciyaaraha Somaliland Wuxuu degan yahay Dalka Norway Hasa yeeshee Si Joogto ah ayuu u Yimaadaa Somaliland Isagoo aqoontiisa uga faa’iideeya dhallinta ku hawlan Ciyaaraha,Waxaa kale oo uu Xasan Xilal ka soo qabtay Xidhiidhka Ciyaaraha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiir Xaglo Toosiye oo 2 Gaadhi Gudoonsiiyey Gobolka Sool,Soona Kormeeray Mashaariic Dhinaca Caafimaadka ah DAAWO

Laascaanood 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) oo Socdaal Shaqo ku Tegay Magaalada Laascaanood ayaa soo Kormeeray Mashaariic dhinaca Caafimaadka ah oo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ka wado Magaalada Laascaanood Isagoo dhanka kalena Gudoonsiiyey Maamulka Caafimaadka ee Gobolkaas Gaadhi Ambalaas ah iyo Gaadhi u Gaar Maamulka Caafimaadka Gobolka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dunnida Horumartay Sida ay Ula Xisaabtamaan Hogaankooda & Haweenay Raysal Wasaare ah oo la Weydiiyey Sababta Mas’uuliyadeedii Qaran ay Kaga Mashquushay? Bal nala Eeg DAAWO

Hargaysa 07.November 2016 (SDN/QJ):- Gabadha Raysalwasaaraha ka ah dalka Norwey ayaa ku mashquushay oo iska ciyaartay ciyaarta game-ka ah ee loo yaqaano Pok’emon xilli ay ka qaybgashay fadhi degdeg ah oo uu yeeshay baarlamaanka wadankeeda lagagana hadlayey xaalad muhiim ahayd.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Abaarta Baahsan,Tawsta, Tabaalaha Iyo Tamar Darida Dadka Iyo Duunyada & Warbixin Murugo Leh DAAWO

Hargaysa 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Gobolada bari ee dalka Ka Taagan Xaalad abaareed oo heerkii ugu sareeyay Maraysa taas oo saamayn ku yeelatay Nolosha dadka iyo Duunyada.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »