Webmaster

    Shirguddoonka Golaha Guurtida Oo Beeniyey Warqad Muddo Kordhin Loogu Samaynayo Xukuumadda Siilaanyo Oo La Sheegay Inay Kasoo Gaadhay Dhinaca Madaxtooayda

    Hargeysa:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa iska Fogeeyey Waraaq muddo-kordhin loogu samaynayo oo  uga timi dhinaca Aqalka Madaxtooyada, taas oo oo jiritaankeeda ay hore u baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta Somaliland. Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali oo saaka warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inaanay jirin wax waraaq muddo kordhin ah  oo kasoo gaadhay…

    Read More

      2-Haween Oo Markale Isku Qarxiyey Dad Shacab ah Oo Ku Noolaa Gudaha Dalka Nigeria Iyo Cabsida Oo Sii Badanaysa

      Potskum:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Maalin kadib markii ay Haweenay Da’yari isku qarxisay Goob dad shacab ahi ku sugnaayeen Gudaha Nigeria, ayaa xalayna waxa markii labaad qarax fuliyey laba Haween ah Gudaha  magaalada Potiskum ee waqooyi bari Nigeria. Ugu yaraan afar qof oo kale ayaa ku dhintay weerarkaasi, waxaana ku dhaawacmay in ka badan afartan qof. Qof goobjooge ah oo…

      Read More

        “Mushkilada Awdal ka taagan iyo Suldaankan la sheegay inuu Buuro fuulayna meesha may qabanayn oo haddii reer Awdal ay wax tabteen sida salaadiintii kaleba u sugayaan”Siciid Sulub.

        Hargeysa:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud iyo Guryeynta Xukuumaddi Dahir Rayaale, ayaa ka Hadlay Arrimo Badan oo  ka jira Gudaha Somaliland oo ay kamid yihiin Maamulka Khaatumo iyo Xiisadda ka Taagan Meelo kamid ah Gobolka Awdal. Siciid Sulub oo u warramay TV-ga Universal, ayaa ugu horrayn ka Hadlay arrinta Maamulka Khaatumo oo dhawaan sheegtay inuu ka…

        Read More

          Wariyayaal Dhac Loogu Geystay Aaska Wiilkii Madaxweynaha Kenya Dhalay Oo Soo Tebinayeen

          Bondo:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Koox Wariyayaal ah oo ku Hawllanayd Tebinta Aaska Wiil uu dhalay Madaxweynaha Kenya oo dhawaan Geeriyooday, ayaa loo geystay dhac iyo bililiqo xoogan, kadib markii ay kooxo budhcad ahi ka heleen Goobo ay degenaayeen. Xubnahan ayaa dhibaatadani waxa ay ka heshay Magaalada Bondo, waxana laga qaatay agab qaali ah oo la sheegay inay Kumanaan dollar…

          Read More

            Nuxurka Qoraallo Lagu Laalay Kiiskii Wargeyska Hubaal Loo Haystay, Xayiraaddiina Lagaga Qaaday

            Hargeysa:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Maxakamadda Gobolka Hargeysa, ayaa markii Labaad xorriyadiisii dib ugu soo celisay Wargeyska Madaxa Bannaan ee Hubaal oo muddo sanad iyo Bil ah ka hor la xayiray, kadib dacwad ay kusoo oogeen xubno xukuumadda ka tirsani. Sidoo kale waxay ay Maxkamaddu gebi ahaanba Meesha ka saartay oo Baabi’isay Kiiskaas Wargeyska Hubaal Maxkamadda ka yaallay oo ahaa…

            Read More

              Madaxweynaha Somaliland Oo Degreeto Ku Dhaqangeliyey Xeerka Komishanka AIDS-ka Oo Baahi Weyn Loo Qabay

              Hargeysa:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xalay Xeer Madaxweyne kusoo saaray Xeerka Komishanka AIDS-ka ooh ore ay Golaha Wakiilladu u ansixiyeen, kaas oo baahidiisu taagan tahay. War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa lagu sheegay inuu  madaxweynuhu Xeerkaan Meelmariyey, waxana uu War-saxaafadeedkaasi u qornaa sidatan soo socota: WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed…

              Read More

                Akhri Magacyada Golaha Wasiirrada Cusub ee Dawladda Federal-ka Oo Xalay La Shaaciyey Iyo Wasiirro Badan Oo Xilalkoodii Dib u Helay

                Mudisho:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Ra’isal Wasaare Cumar Cabdirshiid Cali Sharma’arke, aya ugu dambayntii ku dhawaaqay liiska Golihiisa Wasiirrada kadib tashi badan oo uu muddo ku maqnaa. Munaasibad Kooban oo xalay saacadihii dambe lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada, ayaa lagu shaaciyey magacyada Wasiirrada, ku-xigeennada iyo Wasiiru dawlayaasha, waxana Halkaas ku soo afjarantay magacyada iyo tirada Golaha Wasiirrada oo muddo dheer la…

                Read More

                  Daawo:Waxanu U Sheegaynaa Xukuumada Hantida Umade Sidaa Loogu Takri Falayo Inaanu Sidaa Kaga Hadhayne Aanu Maxkamad La Tiigsan Doono “Boqor Raabi Yuusuf C/laahi

                  Hargeisa 11/1/2015(SDN/QJ)Boqor Raabi Yuusyf c/laahi jiilaal ayaa maanta ka hadlay warshadii korontaa ee ay xukuumadu maalintii shalay ahayd ka iibisayqaar ka mida ganacsatada  somaliland isagoo boqorku  xukumad ku dhaliilay hantidan umadee lagu takri falayo Hargeisa SDN/QJ Concat@Somalidiasporanews.com

                  Read More

                    Daawo:Wasiirka Dibada Somaliland Oo maanta Ka Hadlay Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Urur Gobaleedkii Igad Oo Uu Sheegay inaa Wax Saamayna Ku Yeelan Qadiyada Somaliland

                    Hargeisa 11/1/2015(SDN/QJ)wasiirka arimaha dibada somaliland maxamed biixi yoonis ayaa maanta ka hadlay qodobadii maalinti shalay ahayd a soo baxay urur gobaleedkiin lagu soo gabgebaey xarunta muqdisho ee somalia https://www.youtube.com/watch?v=t74pa1-isSA Hargeisa SDN/QJ Concat@Somalidiasporanews.com

                    Read More

                      40-Hoggaamiye Oo Ka Qayb Qaadanaya Dibad Bax Faransiiska Ka Dhici Doono Oo Lagaga Soo Horjeedo Weerarkii Paris Laga Fuliyey

                      Paris:Jan,11,2015(SDN/QJ)-Isku soo Bax weyn oo ay ka qaybgelayaan Hoggaamiyayaal tiro badan oo caalamka  ka tirsani, ayaa laga qaban qaabinayaa Badhtamaha Magaalada Paris, si loo muujiyo Murugada Dadkii dhawaan Halkaas lagu laayey. Dibadbaxa ayaa lagu muujinayaa sida looga xun yahay weerar ay 17 qof ku dhinteen oo lagu qaaday xarunta Wareys Aflageeyay Nabi Muxamad NNKH, waxana…

                      Read More

                        Wasiir-ku-xigeenkii Hore Ee Amniga Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Goor dhaweyd Xorriyadiisii Loo Celiyey

                        Hargeysa:Jan,11,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Goor dhaweyd Xorriyadiisii dib ugu celisay Wasiir-ku-xigeenkii hroe ee Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan oo muddo dheer u xidhnaa Cadho Madaxtooyadu ka qaaday Hadallo uu Warbaahinta Siiyey. Warkan oo ay  noo xaqiijiyeeen Ehelka Cabdilaahi Abokor, ayaa waxa si adag uga Hawlgalay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Odayaal saaxiib dhaw la…

                        Read More

                          Hambalyo Aroos: Boqor Aadan C/rxmn C/hi iyo boqoradiisa Fadumo Faarax Cumar

                          Waxa dhamaan dadka hoosta magacyadoodu ku taxan yihiin ay habalyo aroos hawada u marinayaan Boqor Aadan C/raxmaan iyo Boqorada uu calmaday Faadumo Faarax Fadhiyare oo arooskoodu ka dhacay dalka Sucuudiga.   hoyo Fadumo Tarabi Faarax Maxmed C/raxmn C/ahi Fa’isa  C/raxmn C/ahi Fardus C/raxmn C/ahi Layla C/raxmn C/ahi Xildhiban. Khadar Aadan Xuseen iyo xaskisa Muna C/raxmn…

                          Read More

                            East Africa’s bloc vows to stabilize Somalia

                            MOGADISHU, Jan. 10 (Xinhua) — An east African bloc on Saturday held a regional conference in Somalia and pledged to mobilize resources to enhance political stability in the Horn of Africa nation. Foreign ministers from the regional bloc, Inter-Governmental Authority on Development (IGAD), pledged to boost reconciliation efforts by uniting the warring factions in Somalia….

                            Read More

                              Khasaaraha Weerar Xalay Laga Fuliyey Saldhig Boolis Oo Ku Yaalla Gudaha Magaalada Boosaaso

                              Bosaso:Jan,11,2015(SDN/QJ)-Magaalo xeebeedda Boosaaso ee Deegaanka Puntland, waxa habeenkii xalay ka dhacay qaraxyo lagu qaaday xarun Boolis, waxana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan. Inta la Ogyahay weerarkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa Saddex ruux, waxaana la sheegayaa in halkaasi lagu weeraray laba Bam. Qaraxyada oo ahaa bambooyin laga tuuray gacanta ayaa waxaa kamid ahaa dadka…

                              Read More

                                Xisbiga Ucid Oo Xukuumadda Siilaanyo Ugu Baaqay In Xidhiidhka Loo Jaro Dawladda Xasan Sheekh Oo Ku Xad Gudubtay Jiritaanka Qaranimada Somaliland

                                Hargeysa:Jan,11,2015(SDN/QJ)-Kadib markii  ay wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Urur-goboleedka ay  Muqdisho kasoo saareen War-murtiyeed qoddobo kamid ahi hoos u dhigeen Qaranimada Somaliland, ayaa Xisbiga Ucid uu Arrintaas kasoo saaray warsaxaafadeed ay ku dhaliilayaan tallaabada IGAD ku dhawaaqaday, waxana ay soo jeediyeen in la qaado jawaab  loo dhan yahay. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdilaahi waxa…

                                Read More