|

Baanka Somaliland oo Lacagta Shilling Somaliland Gaadhsiiyay Magaalada Ceerigaabo iyo Maamulka Gobolka oo awaamiir cusub bixiyay

Ceerigaabo 31.Aug 2013 (SDN)-Shir jaraa’id oo ay qabteen Gudoomiyaha Gobolka Sanaag,Maayarka Degmada Ceerigaabo iyo Mas’uuliyiin ka socota Bangiga Somaliland ayaa maanta shaaciyay inay keeneen lacag badan oo shilling Somaliland ah oo lagu badbaadinayo Gobolka isla markaana lagaga hortagayo lacagaha faalsada ah ee Somaliga .

Waxay Madaxdani sheegeen inay u fureen Kaalin lagu bedelayo lacagtaas taas oo qiimaheeduna uu la Mid yahay Sarifka caadiga ahaa ee dollarku uu ka marayo caasimada hargaysa.

Cumar Xog ogaal oo ah Kormeeraha Gobolada Bari ee Baanka Somaliland ayaa sheegay inay lacag badan keeneen Gobolka iyagoo ka jawaabaya qaylo dhaantii uga timid mas’uuliyiinta gobolka kadibna uu amar ku bixiyay Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi .

CeerigaabohGudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Muxumed Geele Dacar ayaa isna amray in dhamaanba hay’adaha laamaha dawladu iyo ciidamaduba Mushaharkooda ku bixiyaan Shilling Somaliland waxaa kale oo uu Sariflayaasha iyo Ganacsatadaba ugu baaqay inay lacagtooda ku bedeshaan Shilling Somaliland isla markaana ay dadka wax kaga iibiyaan Lacagta Somaliland oo ay bulshadu baahi weyn u qabaan isagoo u digay inaanay u soo rarin dhinaca caasimada hargaysa.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag waxa uu si weyn ugu mahadceliyay Shacabka Degmooyinka Gar adag iyo Ceel Afweyn oo uu sheegay inay iska Xakameeyeen lacagta faalsada ah ee Shiling Somaliga .

Duqa Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa dhiniciisa uga mahadceliyay Xukuumada iyo baanka Somaliland sida deg deg ah ee ay uga soo jawaabeen baaqii qaylo dhaanta ahaa ee ay gaadhisiiyeen isagoo sheegay inay wixii cashuuro ah ku qaadi doonaan Shilling Somaliland.

Bangiga Somaliland ayaa Mudooyinkii u danbeeyay ku hawlanaa Sidii uu lacagta faalsada ah ee Somali Shillig uga saari lahaa

Ceerigaabo SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed