Uncategorized

Baaxada Baaritaankii ay FBIda Mareykanku ku sameysay Dhalintii Soomaalida ee Minneapolis ka tagtay oo soo shaac baxday

Minneapolis Oct 10,2012(SDN)-Maxkamada lagu dhegeysanayay maalmihii u danbeeyay magaalada Minneapolis oo nin Soomaali ah lagu soo oogay danbi ah in uu gacan siiyay dhalintii ka tagtay Mareykanka ayaa sawir ka bixisay baaxada baaritaanka ragaa lagu sameeyay.

Maxkamada oo gashay maalintii afaraad ayaa waxa lagu soo bandhigay xog ay FBIdu mudo dheer ururimeysay.

Sidoo kale waxa la soo bandhigay tiro kooban oo la sheegay in ay qeyb ka tahay hadalo la duubay oo aad u faro badan.

Tusaale ahaan waxa la soo bandhigay hadalo ay isweydaarsadeen eedeysanaha Maxamuud Siciid Cumar oo kula hadalaya Cabdifitaax Yusuf Ciise ereyo ay isla garanayaan oo sir ah.

Hadalada la duubay ee eedeysane Maxamuud waxa ka mid ah”Waxba igama gelin ilaahay ayaan talada saaranayaa oo cidii i wareysata wexey doonto ayaan u sheegayaa”.

Baaritaanada ayaa waxa qeyb ka ahaa ogolaasho maxkamadeed oo denbi baareyaashu si qarsoodi ah u qaateen mudadii ay xogta ururinayeen.

Waxaana ay denbi baareyshu adeegsadeen sharci buugaagta ku jira oo la yidhaahdo Foreign Intelligence Surveillance Act.

Denbi baareyaasha qaar ayaa Soomaaliya tegay si ay DNA uga soo qaadaan meydadka qaar ka mid ahaa dhalintii Minneapolis ka tagatay ee dagaalada ku dhintay.

Maxkamada ayaa qudheedu ah mid muhiimad gaara u leh dawlada Mareykanka oo waxa maalin walba ka soo xaadira ilaa laba kalkaaliyeyaal oo uu leeyahay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka iyo sarkaal ka socda FBIda.

Sidoo kale maxkamadu ma bilaabanto ilaa laga baaro walxaha qarxa.

Maxamuud ayaa ahaa nin shaqaale ka ah masjid magaalada Minneapolis ku yaal isla markaana qaata $800 oo dollar ayaa lagu soo eedeeyay in uu gacan siiyay raga dhoofay ee shabaabka ku biiray.

Shabaabka ayaa Mareykanka ka qoran argegixiso taasoo danbiile ka dhigeysa cid walba oo xiriir la yeelata.

SDN-Minneapolis

contact@somalidiasporanews.com