Uncategorized

Nimco Jaamac iyo Heestii Bedel ka deg(Ismaciil Cumar Geelle) bilee Boqortooyo ma ahee

Ottawa Oct 10,2012(SDN)-Fanaanada weyn ee reer Jabuuti Nimco Jaamac ayaa soo saartay hees ay si toosa fariin ugu direyso Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Heestan oo la yidhaahdo Bedel Ka deg Bilee Boqortooyo ma ahee ayaa ereyadeeda waxa curiyay isla fanaanada Nimco Jaamac,hooyadii fanka Jabuuti.

“Inaaney Bulshadu Qolxad(bilaawe)kuula bixin ka deg bilee dhaxaltooyo ma ahee,cajiib.

Heesta waxa muuqaalka u sameeyay farshaxankii Amiin Caamir oo isu geeyay muuqaalo hore uu u sameeyay oo sawir ka bixinaya ruuxa heestu ku socoto,Daawasho haboon.