|

Baydhaba oo uu ka socdo Shir Maamul hoosaad loogu samaynayo Gobolada Konfur galbeed ee Somalia

Baydhaba 30.Sep 2013 (SDN)- Qabanqaabada shirka maamul u sameynta gobollada koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa si xoog leh uga socota magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo qabanqaabada ay wadaan odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo.

Baydhabo3-300x225Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiiino oo ka mid ah malaaqyada wada qabanqaabada ayaa sheegay in qaar ka mid ah ergooyinka gobollada maamulka loo sameynayo ay soo gaareen magaalada Baydhabo.

Malaaq Cali waxa uu sheegay inay sameeyeen guddi odayaal dhaqameed ah oo loo xil saaray qabanqaabada qabsoomidda shirka.

Dhowaan ayaa shir Baydhabo ka dhacay oo uu ka qeyb-galay afhayeenka baarlamaanka federaalka, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaa lagu go’aamiyay in maamul goboleed loo sameeyo gobollada Baay, Bakool, Gedo, Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Baydhaba SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed