|

Golaha Guurtida oo Warbixin ka dhagaystay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland

Hargaysa 30.Sep 2013 (SDN)- Golaha guurtida ee j s l ayaa fadhigoodii  maanta warbixin kaga dhagaysatay wasiirka wasaaradda arimaha dibada md maxamed biixi yoonis

Gudida Joogtada ah ee GuurtidaFadhigan oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida j s l mudane siciid jaamac cali ayaa wasiirka wasaarada arimaha dibadu warbixin ka siiyay wasaaradiisa iyo waxyaabaha ay qaranka u qabato  waxaanu intaa raaciyay in wasaarada arimaha dibadu in ay tahay muraayadda dalka oo gabi ahaan xaalada dalka laga dheehan karo hadba sida ay u shaqayso, waxaanu tilmaamay in rukumada ay ku shaqayso in ay ugu horeyso nabadu.

Wasiirku waxa uu sheegay in hadafka koowaad ee wasaaradani uu yahay sidii beesha caalamka ay uga keeni lahayd aqoonsi buuxa oo dalkani helo taasoo ay ilaa hada dad aal adag ugu jirto, wasiirku mar uu ka hadlayay wadahadaladii inooka dhaxeeyay Somaliland iyo somaliya waxa uu cadeeyay in si fiican ay u  socdaan islmarkaa wasiirku waxa uu ka warbixiyay waxyaabihii kasoo qabsoomay safardii ugu danbeeyay ee uu dibada ugu baxay.

Gabagabadii wasiirku waxa uu sheegay in hayadaha qaramada midoobay in uu ka codsaday in wixii macaawino ah ee ay Somaliland siinayaan in si toos ay usoo gaadhsiyaan iyadoo cidna aan loo soo marinayan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed