|

Boqor Raabi oo ka degay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, maxay tahay ujeedada socdaalkiisu?

Muqdisho 29, August 2012 (SDN)- Boqor Raabi Yuusuf Cabdullaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka degay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan Boqorku ka soosaaray socdaalkiisa, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, Boqorku waxa uu magaalada Muqdisho gaadhay Axaddii doraad.

Todobaadkii hore, waxa la dhamaystiray doorashada xubnaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo qayb ka ah dedaalada caalamka ee la xidhiidha sidii dawlad dhexe loogu samayn lahaa Soomaaliya, loogana saari lahaa nidaamka kumeel-gaadhnimada.

Boqor Raabi waxa hore loogu xidhay shirar dib-u-heshiisiinta Soomaaliya qayb ka ahaa, gaar ahaan kii 2007 lagu qabtay Muqdisho, iyadoo markii uu ka soo laabtay ciidanka amaanka Somaliland ku qabteen Madaarka magaalada Berbera.

Ilaa hadda ma cadda ujeedada socdaalkiisa uu xilligan ku tegay Muqdisho, iyadoo xubno kale oo Madax-dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale isugu jiraa dhowaan Muqdisho u tageen sidii ay uga qaybgali lahaayeen dawladda cusub ee hadda loo samaynayo dalka Soomaaliya.

Shalay waxa la doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaarey, inkastoo weli muran ka taagan yahay dhamaystirka xubnaha Baarlamaankaas cusub. Laakiin, ilaa hadda lama muddaynin waqtiga la dooran doono Madaxweynaha cusub oo ay u sharaxan yihiin ku dhawaad 20 xubnood, ka dib markii ay dib uga dhacday 20-ka bishan August oo hore loogu qorsheeyay.

Qurbejoog.com, Muqdisho

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed