|

Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale oo muddo kooban xilkaa hayay, maxaase lagu qoonsaday?

Hargeysa August 29, 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilka ka qaaday wasiirkii Warfaafinta Mr. Boobe Yuusuf Ducaale oo muddo kooban xilkaa hayay.

Inkastoo aan la sheegin sababta xil-ka-qaadista keentay, haddana sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu duhurkii maanta soosaaray afhayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday wasiirkii Warfaafinta Cabdi Yuusud Ducaale (Boobe) oo la magacaabay dabayaaqadii bishii March 2012.

Qoraalka xil-ka-qaadista ee Madaxweynuhu shaqada kaga caydhiyay wasiirkiisii Warfaafinta, waxa uu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012         xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.

Madaxweynuhu:-

Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-

UJEEDO:      XIL-KA QAADIS

Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) wasiirkii wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta

MUDANE,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay, si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.”

Inkastoo uu Madaxweynuhu xil-ka-qaadistan ku macneeyay mid salka ku haysa sunnaha in xilka qaranka loo dhiibo marba cidii hanan karta, haddana caydhinta Mr. Boobe waxay ku soo beegantay maalin uun ka dib markii uu shaqada ka eryay Agaasimihii Telefishanka dawladda ee SLNTV Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Agaasimihii wargeyska afka xukuumadda ku hadla ee Dawan Mr. Maxamed Cusmaan Mire (Sayid) oo labadooduba ka tirsan madaxdii idaacaddii Radio Horyaal ee xisbiga Kulmiye adeegsan jiray markii uu mucaaradka ahaa.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed