|

Burcad Badeeda Soomaalida oo sanadkii ina dhaafay u gacan gashay $150 million

Nairobi April 30,2012(SDN)-Burcad Badeeda Soomaalida ayaa sanadkii ina dhaafay madax furasho ku helay Aduun Dhan $150 million oo dollar,sida uu shaaciyay madaxa hawgalada ciidamada reer Yurub ee ka hawlgala xeebaha Soomaalida.

Rear Adm. Duncun Potts ayaa sidoo kale shegay in hoos u dhac ku yimi weeraradii burcada ay ku qaadi jireen maraakiibta.

“Hoos u dhaca waxa u sabab ah ilaalada la socota maraakiibta haatan iyo hawlgalada lagula dagaalamayo Burcada iyo weliba dadka degaanka oo ka hor yimi Burcada”ayuu yidhi madaxa ciidamada reer Yurub mar uu u waramayay ergeyga reer Yurub ee Qaramada Midoobey.

Sanadkan waxa ilaa iyo haatan gacanta u galay uun sadex markab burcada Soomaalida halka sanadkii hore xiligan oo kale ay heysteen tiro intaa aad uga badan.

Guud ahaana sanadkii hore waxa Burcadu qabsatay 24 markab oo ay la socdeen ilaa 500 oo shaqaale,iminkana waxa ay heystaan uuntodobo markab iyo 200 oo shaqaale ayaa lagu yidhi warbixinta Mr Duncun.

Burcad badeeda Soomaalida ayaan maraba la joojin karin inta ka horeysa xalinta mashaakilaadka beriga Soomaaliya.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed