|

Xeer Ilaaliyaha Somaliland oo Hargeysa ka furay Shir looga hadlayo shuruucda Quseeya Haweenka iyo Caruurta

Hargeysa April 29,2012(SDN)-Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Xasan Aadan ayaa maanta furay shir socon doona mudo laba cisho ah oo ku saabsan sidii loo sixi lahaa bilowga dacwadaha gaar ahaan caruurta sharciga khilaafta iyo haweenka.

Shirkan oo ka qabsoomay huteelka Imperial ee Caasimada Hargaysa waxaa ka qayb qaadanaya Garsoorayaal,Saraakiil ka tirsan hay’ada Undp,Madax ka socday Ciidanka Booliska iyo hawl wadeenada xarunta Xeer ilaalinta ee gobolada dalka .

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Xasan Aadan oo madashii furitaanka shirkan ka hadlay ayaa sheegay in mudada labada cisho ah ee kulankani socdo lagaga hadli doono qaadista iyo  ka garnaqista bilowga dacwadaha gaar ahaan caruurta iyo haweenka,iyadoo loo eegayo ayuu yidhi sifaha ay dacwadu ku soo bilaabanto si loo ogaado inay u dhamaystiran tahay dariiqada sharci ee ay soo maraan.

Xeer ilaaliyaha Guud waxa uu xusay in aan weli lahayn xabsiyadii lagu xidhi lahaa caruurta sharciga khilaafta balse ay xal u arkaan inay xukunkooda ku sii qaataan qaar ka mid ah Xabsiyada Wadanka isagoo intaas ku daray inay bilaha soo socda u gudbi doonaan gobolada awdal iyo Togdheer ay ka bilaabi doonaan hawl gal arrintan la xidhiidha isla markaana ay ka shaqayn doonaan ardaydii Jaamacadaha wadanka ka baxday ee loo qaatay ku xigeenada xeer ilaaliyaha guud iyo dacwad oogayaal,waxaanu gabo gabadii u soo jeediyay ka qayb galayaashii kulankan ku baraarujiyay in duruusta ay qaataan ay ku dabaqaan hawlahooda shaqo.

Waxaa kale halkaas ka hadlay sarkaal ka socday hay’ada Undp. 

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed