|

Xukuumadda oo ku koobtay Martiqaadka Qurbaha ee 18 May Xildhibaannada ka agdhaw Madaxtooyada

Hargeysa, 30, April 2012 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa martiqaadkii ka qaybgalka munaasibada 18-ka May ee masuuliyiinta iyo  Xildhibaannada ee ka qayb gali doona Munaasibada Qurbaha loogu qabanayo sanadkan ayaa ku koobtay Wasiiradda iyo Xildhibaanada ka ag-dhaw Qasriga Madaxtooyadda.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Xildhibaan Cali Xasan Maxamud( Mareexaan) iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye ayaa shalay u kicitimay dalka Jabuuti si ay Safaaradda Maraykanka uga doontaan Fiisayaal ay soo direen Jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi ku nool si ay ugala qayb qaataan Xuska Sanadkan.

Hore waxa Dalka Jabuuti uga soo laabtay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade iyo Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), kuwaasoo soo qaatay Fiisayaashii ay ku tagi lahaayeen Maraykanka.

Xildhibaanada iyo Wasiiradda ay Xukuumaddu siisay Fiisayaasha ee ay u dirayso Maalinta Qaran ee 18-ka May ayaa dhamaantood ah kuwo ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye isla markaana ka ag-dhaw Madaxtooyadda, halka laga qadiyay Axsaabtii iyo Ururadii Siyaasadeed ee Qarankan oo aan mid-na lagaga darin iyo waliba Xildhibaanadii Golayaasha Qaranka eek a soo jeeday Axsaabta kale.

Waxaanay qorshaha Xukuumaddu isugu koobtay ka qayb galka Xuska Qaran noqonaysaa mid dheelisan oo aan daciifinaysa Qiimaha ay leedahay maalintani oo ah maalin aan ku koobnayn Xukuumadd iyo Xisbi kaliya.

SDN, Hargeysa

 

Source Waaheen

Comments are closed