Uncategorized

Burco:Ciidanka RRU-da Oo Xalay Jiifka U diiday Shacabka, Guddoomiye-ku-xigeenkii Hore Gobolka Togdheerna Gurigiisa Kala Baxay

Burco:03-Janu-2014 (SDN)-Wararka Naga Soo Gaadhaya Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Xalay ay ciidamada Sida Gaarka ah u tababar ee RRU-du dadka Shacabka ah Jiifkii u diideen, isla-markaana ay Gelelefeen Guryo badan oo halkaas ku yaalla.

RRRRRCiidanka ayaa la sheegay inay Xalay Habeen-badhkii Gurigiisa kala Baxeen Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo xukuumaddu il gaar ah ku eegaysay tan iyo intii ay Burco ka dhaceen Mudaharaadadii dadku ku dhinteen.

Ciidanka ayaa xidhay Guuleed Daahir, waxana la sheegayaa in la geeyey Saldhigga Dhexe ee Magaalada, isla-markaana halkaas Su’aalo kala duwan lagu weydiinayo.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee xukuumaddu  u xidhay Guuleed Daahir oo haatan ka mid ah  shacabka Reer Buco, waxase jira Warar kala duwan ee sheegaya in looga shakiyey inuu lug ku lahaa Mudaharaad shalay ka dhacay Oodweyne oo Wasiir Xirsi lagaga soo horjeeday.

Xukuumadda iyo Ciidanka Booliska midkoodna wali kama uu hadlin xadhiga Guuleed Daahir, waxana haatan jira kacsanaan dhinaca dareenka shacabka ah, iyadoo ciidanka Magaalada Burco ku sugan  heegan sare la Geliyey maadaama laga cabsi qabo in mudaharaadka cusubi halkaas ka Bilaabmo.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com