Caasha daanyeero waa daanyeer magac weyn ku leh caasimada Hargeysa aadna looga yaqaano. Caasha daanyeero waxa lagu arkaa xaafadaha dhexdooda oo ay had iyo jeer ku shiidayaan ama ku dhagaxtuurayaan ciyaalku.
Hadaba dhawaan ayaa lagu war helay warbaahinta oo qaadaa dhigeysa Caasha daanyeero oo martiqaad ka heshay dalka Ingiriiska uguna kicitintay halkaas safar gaaban oo booqasho ah.
Caasha deenyeero oo ku jeeni qaadhan hidaha iyo dhaqanka lagu yaqaano Soomaalida ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Hithrow ee magaalada London, halkaas oo ay kaga hortageen qaybo ka mid ah jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan carrigaas.
Soo dhaweyn diiran ka dib Caasha Daanyeero waxa loo sameeyay casuumado, hadhimooyin iyo casho sharaf ay ilyartu is qabatay. Kana so qeyb galeen qaybaha kala duwan ee jaaliyada Somaliland ee ku nool Ingiriiska oo isugu jiray dhalinyaro, haween, aqoonyahan iyo duqey. Halkaas oo ay dadweynihii soo dhaweeyay uga warantay xaalada dalku ku sugan yahay iyo horumarka ka socda Somaliland.
Ugu danbeyntiina waxa ay u mahad naqday guud ahaan dadweynihii sida diiran ugu soo dhaweeyay Ingiriiska.
Waxa la filayaa in mudada ay ku sugan tahay halkaas ay kulamadan oo kale la qaadato qeybaha kale ee jaaliyada Ingiriiska isla markaana todobaadyada soo socda si balaadhan loogu soo sagootiyo dalkii.
Sheekadan aan ku soo magac qabsaday Caasha daanyeero ayaan uga gol leeyahay sida dadkeena qurbaha ku nooli ay inoo xiiseeyaan inoona baashiraan marka ay madax dalka ka socotaayi booqasho ugu tagaan.
Iyaga oo aan u kala hadhin ayey qalbi furan ku qaabilaan nooc kasta oo wafti ah oo inooga tagaba. Waxan had iyo goor ku aragnaa warbaahinta kala duwan jaaliyadaha oo si heersare ah ugu xafladeeya dad halkan ka tagay.
Hadaba mararka qaar ayaad arkaysaa dadkii wadanka joogay oo ay ka yaabisay soo dhaweynta iyo dabaaldegyada dheeraadka ah ee ay ku buunbuuninayaan shaqsiyaad aan sidaaba looga aqoon gudaha. Taas ayaana keentay inay dadkii is weydiiyaan kana sheekeystaan sida dadkeena qurbuhu ugu xiiseen dhulkii, cid allaaliyo ciddii ka timaadana ugu damaashaadayaan walow kaana Caasha daanyeero.
By: Sakariye Cabdi Sulub
freelance journalist
mob: 063 441 3932
