Uncategorized

Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Maanta Laga Filayo Inay Gudo Gasho Dhegaysiga Eedaha Loo Haysto MasuuliyiintaWargeyska Haatuf

Hargeysa:May,10, 2014(SDN/QJ)-Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex ayaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa inay Gudo gasho dhegaysiga Dacwadaha loo haysto Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf oo muddo u xanniban xukuumadda Madaxweyne Siilaayo.

haadMaxkamadda ayaa hore ugu qabatay in 10-ka bishan may oo maanta ku eg ay qaadi doonto dacwadda masuuliyiinta Haatuf loo Haysto, taas oo keentay in Gebi ahaanba la xidho xaruntii wargeyskaasi ku lahaa Magaalada Hargeysa.

Dacwadaha lagu soo Oogay  Masuuliyiinta wargeyska Haatuf, ayaa ah kuwo aad u culus,waxana dhibane looga dhigay Qaranka Somaliland, iyadoo meesha laga saaray Shakhsiyaadkii hore uga cawday Wargeyska ama lagu eedanaynayey inay wargeyska Xadhigiisa ka dambeeyeen.

Maanta lama filayo in natiijo laga soo saaro dacwadda, balse waxa la doonayaa in eedaysanayaasha kiiskan wax laga weydiiyo, waxana la filayaa inay tajiijada dacwaddani ay muddo badan qaadan doonto.

Wargeyska Haatuf oo ka mid ahaa wargeysyada ugu faca weyn Warbaahinta Somaliland, ayaa haatan xidhan, waxana loo haystaa qoraalo uu ka qoray shakhsiyaad awood badan xukuumadda madaxweyne Silaanyo, kuwaas oo markii dambe sababay in wargeyska La Xidho, xaruntiisiina ay ciidamo la wareegaan.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurebjoog.com

Contact@somalidiasporanews.com