Komiishanka: Ha Is Dilina, Somaliland-na Ha Isku Dilina Faaqidaadda Muuse Jaambiir

Hargaysa 04. October 2017 (SDN/QJ):- 13 novembar 2017 waa maalin tirsiimadda inaga xigtaa yar tahay. Maalintan waxa Somaliland ka dhacaya doorasho madaxtooyo oo ay hogaaminta dalka ugu beretamayaan saddex Murrashax. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe waa saddexda nin ee ummadda milaygan hor-taagan. Mid kastaaba wuxuu doonayaa inuu Madaxweyne u noqdo…

Read More

Wasiirka Madaxtooyadda JSL Oo Dhagax Dhigay Cisbitaal Weyn Oo Laga Dhisayo Ceel-afweyn Kana Hadlay Sida Ay Uga Go’an Tahay Xukuumad ahaan Fulinta Go’aamadii Nabadda Ee Deegaamadaasi DAAWO

Ceel-afweyn 04. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaamiyey  wefti balaadhan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa magaalada Ceel-afweyn ka dhagax dhigay Cisbitaal weyn. Mashruuca cisbitaalkaasi oo ay maal-galinayso dawladda Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan si rami ah loo bilaabayaa, sida uu shaaciyey Wasiirka oo ka hadlay munaasibad loo qabtay dhagax…

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar Ilkood ‘’ Haweenkii Hore ee Islaamka’’ Kala Soco Qurbejoog.com {DAAWO}

Hargaysa 04. October 2017 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku…

Read More

Waxgaradka Beelaha Haashin Abokor Ee Arab Oo Beeniyay Inay Beeshu Taageertay Xisbiga Kulmiye & Suldanka Beeshaas Oo Arinta Kulmiye Meel Adag Iska Taagay!!

Hargaysa 04. October 2017 (SDN/QJ):- Haldoorka iyo Waxgaradka Beelaha Haashin ayaa ganafka ku dhuftay kulan koox gaar ah maalintii shalay soo abaabushay kaas oo ay ku sheegeen in beeshu ay taageersantahay xisbiga kulmiye haldoorka iyo waxgaradka beelaha haashin waxay sidaas ku sheegaan bayaan ay soo saareen waxaana uu u dhignaa sidan :- ” Nimanka Afka…

Read More

“Maanta Nasiib Weyn Waxaynu U Helnay In Garadag Aynu Ka Dhagax Dhigno Jaamacad Qiimo Weyn Leh, Oo Ay U Baahnayd.” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland DAAWO

Gar-adag 04. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaamiyey  wefti balaadhan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa magaalada Garadag ka dhagax dhigay Jaamacad ay dadweynaha deegaankaasi dhisanayaan. Wasiirka Madaxtooyada ayaa sheegay in Jaamacaasi ay degmada Garadag u baahayd, isla markaana Xukuumad ahaan soo dhawanayaan dhismaheedana ay ka qayb qaadanayaa. Wasiirka…

Read More

Mid ka mid ah Madaxweyne-yaasha Caalamka oo soo Bandhigay Khibradiisa Milateri ee Shakhsiga ah si uu u Baqo geliyo Ururka Daacish!!

Hargaysa 04. October 2017 (SDN/QJ):- Cajalad maqal iyo muuqaal ah ayaa laga daawaday madaxweynaha dalka Turkmenistan Qarbangli Baraadi Maxamedoof oo samayanay dhoollatus shakhsi ah, oo lagu tilmaamay u diyaargarowga dagaalka ururka DAACISH. Fiidyowgan uu Wargayska Geeska Afrika daawaday ayaa talefishanka Aljasiira oo sii daayey waxa uu ku magacaabay, “Fiidyow dacaayad ka dhan ah DAACISH”  Waxa…

Read More

Xukuumadda Ruushka oo Ku Hanjabtay inay Dalkeeda Ka Mamnuuci doonto Face-book Sannadka 2018 & Sababta Dhalisay

Moscow 04. October 2017 (SDN/QJ):- Wakaaladda la socoshada internet ka ee dalka Ruushka ayaa salaasadii ina dhaaftay soo saaray digniin ay ku sheegayaan in sannadka 2018 uu Ruushku xidhi doono burkulanka bulshada ee Facebook, haddii aanay u hoggaansamin shuruucda shuruucda dalkaas ee la xidhiidha kaydinta xogta dadka Ruushka ah. “Sharcigaas ku dhaqankiisu waa ku waajib…

Read More

Tilmaamo Fajiciso ah oo Laga Tabiyey Ninkii Dadka Badan ku Laayay Las Vegas ee Dalka Maraykanka!!!!

Las Vegas 04. October 2017 (SDN/QJ):- Weerarkii  Las Vegas ayaa noqday  kii  ugu xumaa taariikhda casriga ah ka dhaca  Maraykanka, waxaana  lagu dilay 59 qof , halka  500 oo ruuxna  lagu dhaawacay. Weerarkan oo uu geystay  nin caddaan ah oo lagu magacaabo Stephen Paddock, oo 64 jir ahaa oo la weriyay inuu ahaa nin ladan…

Read More

Gobolka Xornimo u Dirirka ah ee Catalonia oo Beesha Caalamka ka Dalbaday Inay Dhex dhexaadin ka sameeyaan Diidmada ay kala Kulmeen Spain

Barcelona 04. October 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya gobolka Catalonia ee dalka Spain ayaa sheegaya in dibad bax balaadhani uu ka qabsoomay gaar ahaan magaalo madaxda Barcelona ee gobolkaasi, iyadoo lagaga cabanayo xadgudubyo la sheegay in ay geysteen ciidamada amaanku, markii ay carqalad ku noqdeen aftida ay codkooda ku dhiibanayeen dadku. Dibad baxan oo si…

Read More

“Yaa Idinku Yidhi Muuse Biixi Ayaa Guulaysanaya,Muuse Iyo Cirro Jar ayay Idinka Tuurayaan” Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargaysa 03. October 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa soo bandhigay Buuga Barnaamij Siyaasadeedka uu ku Gelayo Doorashadda Madaxtooyadda ee ku astaysan 13-ka bisha November ee Sannadkan. Nuxurka Khudbaadii Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe Ka Jeediyey Munasbadii Lagu Soo Bandhigayay Buug Siyaasdeedka Xisbiga. https://www.youtube.com/watch?v=Rg-RUMBMxPE

Read More

”Xisbiga Kulmiye Wuxuu Sheegay in 288 Ceel iyo Harooyin ah laga qoday Somaliland Gobolka Hawd Midh Kuma Laha” Gudoomiye Cirro DAAWO

Baligubadle 03. October 2017 (SDN/QJ):-Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo lagu soo dhaweynayey Siyaasiyiin, haldoorka gobolka Hawd iyo guddida horumarinta beelaha Arab oo taageero buuxda u muujiyey xisbiga Waddani.   Munaasibada soo dhaweynta ah oo ay hadalo ka soo jeediyeen Gudoomiyaha xisbiga Waddani, Siyaasiyiin iyo…

Read More

Xisbiga Mucaaridka ee Waddani oo Iska fogeeyay eedaymo uu Xisbiga Kulmiye Maanta u Jeediyey lana hadlay Somalia DAAWO

Hargaysa 03. October 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maxamed C.laahi Uurcade ayaa waxba kama Jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay mas’uul ka tirsan xisbiga Kulmiye oo Sheegay in Xisbiga Waddani uu u Diiday ardayda wax ka barata Jaamacadda Timcade ee gebilay inay qayb ka noqdaan Shaqaalaha uu Komiishanku u…

Read More

Xukuumada Somaliland wakhtigeedu dhamaaday oo guclo oraad ugu jirta lunsiga hantida umaada Oo Iibisay Iskuulka Riis DAAWO

Hargaysa 03. October 2017 (SDN/QJ):- Dadweyne Gadoodsan ayaa maanta isugu soo baxay Iskuulka Hoose Dhexe ee Sheekh Cali Cismaan (Ex Riis) ee Magaaladda Hargaysa Iyagoo ka cadhaysan qaybo ka mid ah dhulka Dugsiga oo Shakhsiyaad gaar ah lagu wareejiyey isla markaana ay soo dhigeen Jiingado. Ciidanka Booliska ayaa markii danbe gaadhay halkaasi iyagoo rasaasta nool…

Read More

Xisbiga Kulmiye oo Ku eedeeyay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ku eedeeyay Sharci Jebin & Dulucda Dacwad ay u Gudbiyeen Komiishanka Doorashooyinka DAAWO

Hargaysa 03. October 2017 (SDN/QJ):- Wakiilka Xisbiga Kulmiye u qaabilsan Komiishanka Doorashooyinka Muxumed Aw Cabdi ayaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ku eedeeyey in uu jabiyey xeerka anshaxa doorashooyinka ee ay kala saxeexdeen  seddexda xisbi qaran iyo komishanka Doorashooyinka.

Read More

‘’Shacabka Waxaan Odhan lahaa Xisbi Kasta oo inaga Mid ahi Cod ayay Idinku Leeyihiin Balse Dhiigiina inaad Daadisaan Idinkuma laha’’ Dardaaran Taariikhda Somaliland galay oo Daahir Rayaale Kaahin Ku Sagootiyey Shacabka DAAWO

Hargaysa 03. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku suntan inuu ahaa Hogaamiyihii afar doorasho dalka ka qabtay isla markaana aanay Wax dhiig ahi ku daadan. Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Fariintan Waxa uu Shacabka Somaliland u Jeediyey ka hor Ololihii Doorashadii Madaxtooyadda ee qabsoontay 26-kii Bishii June 2010-kii,Waxaanu…

Read More

“Badhasaabka Sanaag Wuxuu Wadaa Kaanbayn, Hadii Ololaha La Joojin Waayana Waa Cidii Iga Badisa” Maayarka Magaalada Ceerigaabo DAAWO

Ceerigaabo 03. October 2017 (SDN/QJ):- Maayarka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay uu ka wado Gobolkaasi Olole Siyaasadeed Waxaanu ku hanjabay in hadii Gudoomiyuhu Joojin waayo Ololahan aanay isaga Cidi ka badinayn. Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Waxaanu ka hadlay…

Read More

Xildhibaan Nac-nac oo Waxba kama jiraan ku Tilmaamay inuu ka Baxayo Xisbiga Kulmiye DAAWO

Hargaysa 03. October 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda kana tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay hadal hayn ku Saabsan inuu ka baxayo Xisbiga Kulmiye Isla markaana ku biirayo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Xildhibaan Nac-nac wuxuu sheegay inaanu Xisbigiisa KULMIYE ka baxayn, weligiina aanu gelayn Xisbi…

Read More

Siyaasi Maxamed Cali Bille oo Is barbar dhig ku sameeyay Barnaamij Siyaasadeedyada Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Waddani DAAWO

Hargaysa 03. October 2017 (SDN/QJ):- Aqoon yahan Maxamed Cali Bille oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Kulmiye ayaa Isbarbardhig ku sameeyay Labada Barnaamij Siyaasadeed ee Xisbiyadda Kulmiye iyo Waddani & Waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin. Maxamed Cali Bile ayaa sheegay in Barnaamijka Kulmiye Todobada tiir ee uu Ku taagan yahay ay ka turjumayaan baahida…

Read More