Nuxurka Kulankii Dhex Maray Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wasiirul Dawlaha Ingiriiska ee Africa DAAWO

Hargaysa 20. August 2017 (SDN/QJ):-Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna Madaxweynaha ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Maanta Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyadda Waxa uu ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Wasiirul dawlaha dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqo sooranka Mr. Rory Stewart.

Read More

Buuhoodle: Dhimasho & Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Uu Sababtiisa Leeyahay, Gacan Ku-dhiigle Beeshiisu Diidday In La Qisaaso

Buuhoodle 20. August 2017 (SDN/QJ):-Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Buuhoodle ee Somaliland, waxa Shlay Dagaal ku dhex maray Maleeshiyaad ka kala tirsan Laba Beelood oo Halkaasi wada dega. Dagaalkan oo Magaalada Gudaheeda ka qarxay, ayaa waxa ku dhintay Dad Tiradooda lagu kala sheegay inta u dhaxaysa 3 illaa 10 Qof iyo dhaawac intaa ka badan….

Read More

Dad Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Buuhoodle Iyo Dawladda Somaliland Oo Ka Hadashay DAAWO

Buuhoodle 20. August 2017 (SDN/QJ):-Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Buuhoodle ee Somaliland, waxa Dagaal ku dhex maray Maleeshiyaad ka kala tirsan Laba Beelood oo Halkaa wada dega. Dagaalkan oo Magaalada Gudaheeda ka qarxay, ayaa waxa ku dhintay Dad gaadhaya Toban Qof, waxaana ku dhaawacmay Dad kale oo badan, balse aan Weli Tiradooda la sugin. Illaa…

Read More

‘’Waxaan Ku Faraxsanahay in Buuhoodle Doorashadeena Maanta ay inoo Ridaysay Rash aad u badan oo Qurux Badan’’ Kooxda Khaatumo oo Madaxweyne Ku Xigeen Cusub dooratay DAAWO

Buuhoodle 20. August 2017 (SDN/QJ):- Magaaladda Buuhoodle oo ku Jirta Marxalad colaadeed oo ka dhalatay kadib markii ay isku dhaceen laba beelood oo wada dega deegaankaasi ayaa waxaa dhanka kale ka dhacay doorashada Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo.

Read More

‘’Waar Caruurtaydii Iyo Reerkaygii ayaan ka imid Waxaan ka imid Dhaqaalihii iyo Ganacsigii aan haystay waxaan rabaa inaan umadan Hogaamiyo ee Joojiya Xabada’’ Prof Galaydh DAAWO

Buuhoodle 20. August 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay Xiisada Colaadeed iyo Dagaalo dad ku dhinteen oo ka dhacay Magaaladda Buuhoodle. “Rasaasta aad Maqlaysaan ee Sidda Roobka u dhacaysay ee Cadowga Loogu Tallo Galay inagaa isku Ridayna” Prof Cali Khaliif Galaydh

Read More

Garaadka Guud ee Beesha Dhul bahante Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Ka Hadlay Shaqaaqadda Deegaanka  Buuhoodle Ku Dhex Martay Labada Beelood Ee Walaalaha Ah

Buuhoodle 20. August 2017 (SDN/QJ):- Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Warsaxaafadeed ka soo saaray shaqaaqada Buuhoodle ka dhacday, Garaadka oo war qoraal ah ka soo saaray dhacdadan ayaa  waxaa ay u dhigneyd sidan:—- “Ugu horeyn waxan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ehelkii asxaabtii iyo qarabadii ay ay dhacday Geeridu, inta dhaawaca ahna waxaan Eebe…

Read More

Xukuumada Somaliland Oo 16 Qof U Xidhay Dilkii Laba Askari Oo Lagu Toogtey Laascaanood

Laascaanood 20. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka hadlay tirada dadka loo qaqabtay laba askari oo boolisa oo habeen hore lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, islamarkaana maalinkii aas qaran loogu sameeyay  magaaladaasi. Wasiirku waxaa kale oo uu intaas ku daray in…

Read More

Haweenayda Madiga ku ah Golaha Wakiiladda oo Xogwaran ay Bixisay ku Iftiimisay Hababka Guracan ee Xukuumada Kulmiye Kaga Meel Marsato Golahooda arrimo iyaga dani ugu Jirto

Hargaysa 20. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Baar Siciid X. Faarax Waxay ka Mid tahay Xubnaha golaha Wakiiladda Somaliland ee Ku soo baxay doorashadii Sannadkii 2005-tii Iyadoo Golaha Wakiiladda ee la soo doortay ka soo gashay Gobolka Sanaag. Xildhibaan Baar Siciid X. Faarax Waxay Maanta tahay haweenayda qudha ee Ku Jirta Golaha Wakiiladda inkasta oo Labadii…

Read More

Nuxurka Kulan Dhex Maray Siyaasi Ibraahin Daahir Dubad oo Xisbiga Waddani ka Tirsan Iyo Salaadiinta Gobolka Hawd

Hargaysa 20. August 2017 (SDN/QJ):-Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi iyo Suldaan Cabdilaahi Laydh. Ujeedada kulankan ayaa ku saabsanayd is xog waraysi guud iyo mid gaar ahaaneed oo dhex maray siyaasi Ibraahin Daahir Dubad iyo salaadiinta deegaankiisa. Siyaasi Ibraahin…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada Oo Shaacisay Macalimiin Ardayda Ku  Caawiyey Qishkii Imtixaanaadka oo Markii ay Toobad Keeneen ay Cafiday & Hal Shardi oo laga Rabo AKHRI

Hargaysa 20. August 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa Si Rasmi ah Waxay Shaaca uga qaaday Macalimiin Ka mid ahaa Hormooyin ay hore Saxaafada ugu faafiyeen oo ka qayb qaatay inay ardayda ku caawiyaan Qishka intii lagu Jiray Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Fasalada 4aad ee Dugsiyada Sare iyo Kuwa 8aad ee Dhexe,kuwaas oo garwaaqsaday Khaladkii…

Read More

Madaxweynihii Hirshabeele ee Xilka Laga Qaaday oo Gaadhay Magaaladda Muqdisho Kuna adkaysanaya inuu Isagu Yahay Madaxweyne Iyo eedayn uu u Jeediyey Dawlada Federaalka

Muqdisho 20. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Jowhar kana waday dagaal siyaasadeed. Cali Cosoble oo u muuqda mid rajadiisa ceel dheer ku dhacday ayaa magaalada Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa wakiilo katirsan Beesha Caalamka…

Read More