Wargeyska The Guardian:Dhallinyaro Somaliland ka Bilaabay Olole Lagu Cidhibtirayo Gudniinka Fircooniga ah

Hargaysa 31. March 2017 (SDN/QJ):-Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa Ingiriiska ee Theguardian ayaa daabacay warbixin tilmaantay in haweeenka Somaliland ku dhaqan ay 98% soo mareen hab ama nooc ka mid ah gudniinka fircooniga ah. Warbixinta oo aan soo turjunnay ayaa u qoreyd sidan: “Unicef waxay ku qiyaastay ilaa 98% hablaha iyo marwooyinka da’…

Read More

Shuban Biyood Lixdan Qof Ku Dilay Degmada Daroor ee Ismaamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya

Hargaysa 31. March 2017 (SDN/QJ):-Caaqil Xasan Ibraahim Xuseen ayaa ka dayriyay xaaladda shuban biyood ka dilaacay degmada Daroor ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobaya, waxaanu ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in ay ka feejignaato kana hor tagto si aanu dalka ugu soo gudbin shuban biyoodkaasi oo ay u geeriyoodeen lixdan qof. Caaqil Xasan oo shalay waraysi gaar…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Lacag Dhan 5 Milyan oo Dollar Ku Wareejisay Baanka Dhexe ee Somaliland,Jawaabna Ka Bixisay Jeeg Xadi Lacageed Ku Qornaa oo ay Hore Ugu Wareejisay Komiishanka Doorashooyinka! DAAWO

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Sam Sam Cabdi Aadan ayaa Ku Wareejisay Maamulka Baanka Dhexe ee Somaliland Lacag dhan 5 Milyan oo Dollar Lacagtaas oo ay soo bixisay Shirkadda DPW ee Maamusha Dekeda Magaaladda Berbera. Dhawr Bilood ka hor ayay Shirkada Imaaraadka ee DPW Waxay Somaliland Soo Gaadhsiisay 5 Milyan…

Read More

”Nin Diiday iyo Nin Na Rasaaseeyay Labuduba Maanta Wey Ka Cabayaan” Wasiir Cukuse iyo Badheedhihiisii Sallaxley DAAWO

Sallaxley 30. March 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Sheegay in Xukuumadda uu ka tirsan Yahay ay Dadaal badan gelisay Sidii Biyo looga soo Saari lahaa Banka Qool Caday ee Degmadda Sallaxley. Wasiirka oo ka hadlayay Kulan ka dhacay Magaaladda Sallaxley ayaa Sheegay inay Ku Guulaysteen in Biyo laga…

Read More

“Mashruucan Caqli iyo Hal abuur ayaanu ku galnay Waxa se ka Hor imid Daadad iyo Duufaano ka dhan ah” Wasiirka Madaxtooyada & Khudbadii Sallaxley DAAWO

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi Iyo Mas’uuliyiin Kale oo Wehelisa ayaa Kormeer Ku Soo Maray Riig Biyoodka laga Hirgaliyey Banka Qool Caday iyo Dugsiga Farsamada Gacanta ee Dhismihiisu ka Socdo Degmadda Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargaysa. Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kalena yidhi “ Waxaanu u nimid in ceelkaas…

Read More

Wasiirka Kalluumeysiga Somaliland Oo Qiray In Ay Jiraan Maraakiib Si Sharci Darro Ah Uga Kalluumeysta Xeebaha Dalka DAAWO

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Cali Jaamac Faarax Buureed Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadda badda Somaliland oo qaybo warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magalaada Hargeysa ayaa ka hadlay sababaha dhaliyey in uu kor u kaco qiimaha la siiyo Kalluunku,sidoo kalena waxa uu ka hadlay Maraakiib sifo sharci darro ah uga kalluumaysta xeebaha dalka Somaliland. Cali Jaamac…

Read More

Xukuumadda Iyo Cuqaasha Gobolka Daad Madheedh oo Is Afgarad Ka Gaadhay Hawlgalka Sahaminta Shiidaalka DAAWO

Oodweyne 30. March 2017 (SDN/QJ):- Wefti ka Tirsan Golaha Wasiiradda Somaliland oo uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon oo Socdaal Shaqo ku Jooga Xarunta Gobolka Daad Madheedh ee Oodweyne ayaa soo Gabo Gabeeyay Kulan is Xogwaraysi ah oo ay la qaateen Madaxda Dhaqanka ee Gobolkaasi.

Read More

Madaxtooyada Somaliland oo Sheegtay in Lagu Guuldaraysan karo Shidaal Baadhista DAAWO

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa Socdaal Sadex Caano Maal qaatay ku soo maray Gobolada Saaxil Iyo Togdheer. Ujeedada u weyn ee Safarka Madaxweynaha ayaa ahayd Sidii uu Magaaladdda Burco uga Daahfuri lahaa Hawlgalka baadhista iyo Sahaminta Shiidaalka.

Read More

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo Sheegay in Shakhsiyaad Ujeedooyin Kale lihi ay dhalan rogeen Hadal uu Warbaahinta Siiyay DAAWO

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Mudane Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Cadeeyay in Hadal uu hore warbaahinta u siiyay iyo talooyin uu u soo Jeediyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ku Wajahan Siyaasada Somaliland ee Magaaladda Buuhoodle ay Shakhsiyaad dano kale lihi dhalan rogeen Isla markaana ka dhigeen inuu Madaxweynaha…

Read More

“Ma jiro sharci Muwaadiniinta Somaliland u diidaya inay Xamar tagaan” Garyaqaan Guuleed Dafac

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac oo ah guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in aanu jirin xeer muwaadiniinta Somaliland u diidaya inay magaalada Xamar ee dalka Soomaaliya tagaan iyo inay taageeraan madaxda wadamada kale ee caalamka. “Xeer Somaliland samaysatay oo u gaar ah oo ay leedahay…

Read More

Xukuumadda oo ugu Baaqday Bulshada Somaliland inay ka Faa’iidaystaan Biyaha Xilli-roobaadka

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Boos, ayaa soo jeediyey in laga faa’iidaysto biyaha roobka cirka ee xilligan Gu’ga curtay oo inta badan biyihiisu galaan badda. Wasiir Xuseen Boos waxa uu sheegay inay wadaan mashaariic la doonayo in lagu qabto biyaha si looga faa’iidaysto xilliyada abaarta ee biyo…

Read More

Mudane Reer Buuhoodle ah oo ka Jawaabay Hadal ka soo Yeedhay Xildhibaan Koore

Buuhoodle 30. March 2017 (SDN/QJ):- Mid ka mid ah Xildhibaanada Magaalada Buuhoodle ayaa Jawaab ka bixiyey Hadal uu Warbaahinta Siiyay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Kaas oo Madaxweyne Siilaanyo u soo Jeediyey Sidii Cudud Ciidan iyo Siyaasad badhxan loogu geli lahaa Magaalada Buuhoodle. “Hadalka Saleebaan Koore waxaan u arkaa turxaan beeris…

Read More

Dib u Soo Nolaynta Muhiimadii Berberi Lahaan Jirtey Qarniyo ka Hor & Qoraalka Wargaysa Gulf News oo Halku dheg looga Dhigay “Berbera Tariikhdeeda ayaa sheegeysa Muhiimada ay leedahey.”

Berbera 30. March 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa soo turjumay maqaal dheer oo ka hadlaya istaraatajiyada Berbera iyo marsadeedaba maqaalkaas oo lagu qoray Gulf news. Waxa uu Xildhibaan Kijaandhe Ararta Maqaalkiisa ku Bilaabay ‘’Magaalada Berbera markaan booqasho ku gaadho,waxaan hoos isku weydiin jirey xadaarrada iyo gancasiga qarniyo…

Read More

Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo Walaac Xooggan Ka Muujiyey Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada+ Ganafka Ku Dhuftay Gudi Musdambeed ah oo Madaxweynahu Sheegay in uu u Magacaabayo Doorashada DAAWO

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta xisbigaasi ee magaalada Hargeysa, ayaa si adag u sheegay in ay walaac xoogga ka qabaan qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada oo ay sheegeen in ay Xukuumaddu ku guul-daraysatay in ay bixiso lacagtii qaadhaan ahaan lagu gelaayey doorashaddaasi iyaga oo sida…

Read More

“Haddii Aan Deg-Deg Wax Looga Qaban,Afarta Wasiir Iyo Afarta Caaqil Ee Gobolka Daad-madheedh Hoosta Iska Xidhay Wax Laga Qoomameeyo Ayaa Dhici Doona” DAAWO

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Wax-garadka iyo cuqaasha gobolka Daad-madheedh oo warfidiyeenada la hadlayey ayaa go’aan adag ka qaatay arrinta sahaminta iyo qodista shiidaalka ee deegamadaasi ay xukuumaddu ka wado. Cuqaashan ayaa waxay sheegeen inaanay wax sahim shidaala oo laga sameynayo gobolkooda iyo deeganada ku xeeran aanu jirin. Cuqaasha oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa hadalladoodii…

Read More

Hay’ad Baadha Aataarta Qadiimka Ah Oo Bariga Berbera Ka Heshay Goob Suuq Ahayd 5 Kun Oo Sano Ka Hor

Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Khadar Xaaji Yuusuf, ayaa ka warramay dedaal ay ku baadi-goobayaan Aataar Qadiim ah oo lagu sheegay inay meelo ka mid ah Somaliland ku duuggan yihiin, sida Berbera iyo Bullo-xaar iyo meelo kale. Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Hay’ad Spanish…

Read More

Boqol Booyadood oo Biyo ah oo Lagu Wareejiyey Guddida Taakulaynta Abaaraha ee Gobolka Togdheer & Cida Bixisay DAAWO

Berbera 30. March 2017 (SDN/QJ):- Mas’uuliyiinta Magaaladda Berbera,Kuwa Gobolka Saaxil oo ay Weheliyaan Guddida Taakulaynta Abaaraha ee Gobolkaasi ayaa Deeq Biyo ah oo dhan 100 Booyadood oo Shirkadda DPW Hore ugu Wareejisay Maamulka Gobolka Saaxil Waxay Gudoonsiiyeen Guddida abaaraha ee Gobolka Togdheer.

Read More