Ciidamada Itoobiya oo Dad Shacab ah ku Laayay Deegaanka Awdiinle oo ka tirsan Gobolka Bay

Muqdisho,19,7,2016 (QJ/SDN) – Ugu yaraan 14-ruux oo Shacab ah ayaa la dilay, Saddex kalena way dhaawacmeen, kaddib iska-hor-imaad oo dulleedka Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Bay oo Qiyaastii 30-km galbeed kaga beegan Degmada Baydhabo ku Dhex-maray ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya ee AMISOM iyo Xoogag ka tirsan Al-shabaab. Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Bay ayaa dilkan ku eedeeyay…

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Mawqif Cad Ka Istaagtay Nile Academy, Kana Leexatay Go’aankii Dawlada Somaliya

Hareysa, 19,7,2016 (QJ/SDN) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay dalka ka saari doonin hay’adda Nile Academy oo dugsi waxbarasho ku leh magaalada Hargeysa, taas oo ay dawladda Somaliya amartay in dalkeeda laga saaro, ka dib markii ay sheegtay in Mr. Gulen oo lagu eedeeyay inqilaabkii Turkigu uu madax u yahay hay’addan. Wasiirka arrimaha dibada Somaliland…

Read More

Madaxweynaha Kililka Shanaad Iyo Odayaasha Gaashaamo Oo Kulan Muhiim Ah Yeeshay

Jigjga ,19,7,2016(QJ/SDN) – Waxa magaalada Jigjiga markii u horaysay kulan muhiim ah ku yeeshay madaxweynaha dawladda deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda degmada Gaashaamo, gaar ahaan degaanka  Jaamac Dubad oo ay dhawaan ciidamada Liyuu Boolisku dad badan ku laayeen Kulanka oo Axadii doraad ku qabsoomay xafiiska madaxweynaha dawlad deegaanka…

Read More

Safarka Madaxweyne Axmed Siilaanyo Kadib, Qorshaha Isku Shaandhaynta Ee Soo Laabashadiisa Iyo Mas’uuliyiinta Safka Hore Ku Jira Ee Wadnaha Farta Ku Haya

Ankara 19.July 2016 (SDN/QJ):- Iyadoo Uu Madaxweyne Siilaanyo Safar Nasasho ah uu Saddexdii cisho ee u dambeeyay ugu maqnaa dalalka Turkiga iyo Itoobiya ayaa waxa la hadal hayaa inuu dalka kula soo laabanayo Qorshe uu shaqada kaga eryayo Masuuliyiin badan oo ka tirsan Golaha Wasiiradda,Qaarna isku shaandhaynayo,kuwaasi oo qaarkood durba laga dareemayo dhaq dhaqaaqooda,inkasta oo…

Read More

Wasiirka Madaxtooyadda oo Gaadhay Degmada Gar adag ee Gobolka Sanaag,Dareenka Soo Dhaweyneed ee Lagu Qaabilay Iyo Khudbad Baane ah oo uu Madal loo dhamaa ka Jeediyey DAAWO/SAWIRO

Gar adag 19.July 2016 (SDN/QJ):- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Gar-adag ee ka tirsan Gobolka Sanaag. Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo socdaal shaqo ku maraya Gobolka Sanaag ayaa sheegay…

Read More

Waraysi Xiiso Badan oo Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Ku Iftiimiyay Mustaqbalkiisa Siyaasadeed,Dariiqa Somaliland u Marayso Citiraafka,Xisbiga uu ku Biiriyo & Qodobo Xasaasi ah DHAGAYSO

Hargaysa 19.July 2016 (SDN/QJ):- Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland ee hore u aaminsanaa Mabda’a Soomaali-weyn isla-markaana Xilal ka soo qabtay Dalka Soomaaliya, balse Cafis loo Fidiyey Sannadkii hore ku yimid Somaliland, ayaa sheegay in Ictiraafka Somaliland raadinaysaa uu dhex yaallo Dadka Soomaaliyeed. Ismaaciil Hurre Buubaa, waxa uu sheegay in ictiraafka…

Read More

Xaalada Deegaanada Dhumay iyo Dharkeyn Geeyo Iyo Wararkii u danbeeyay ee Nolosha Bulshada DAAWO

Laascaanood 19.July 2016 (SDN/QJ):- Deegaanada Dhumay iyo Dharkeyn Geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool oo Horaantii Bishii Ramadaan uu ka dhacay Dagaal Sababay Dhimashada 60 Qof oo Ka Soo kala Jeeda Laba Beelood oo Walaalo ah oo Deegaankaasi wada dega ayaa hada Caadi ku soo Noqonaysa Xili ay Deegaankaasi ku Sugan yihiin Cutubyo ka Tirsan Ciidamada…

Read More

Mujaahid Xasan Guure oo Weji Kale u Yeelay Shir ay yeesheen Beelaha Galbeedka Burco Iyo Konfurta Hargaysa oo Muran siyaasadeed ka Abuuray Somaliland DAAWO

Hargaysa 19.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Caasimada dalka ee Hargaysa ka Socday Shir ay Qabanqaabadiisa dabada ka riixayaan Siyaasiyiin Miisaan Culus ku Leh Saaxada Siyaasada Somaliland oo ka soo Kala Jeeda Beelaha Walaalaha ah ee Dega Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargaysa. Siyaasiyiinta Shirkan wada waxaa ka mid ah Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa, Coranayl…

Read More

Turkiga: Nolosha Oo Caadi Ku Soo Noqotay, Xabsiyada Oo La Ciir-ciiraya Ciidankii Inqilaabka Iyo Wararkii U Dambeeyay

Istanbul, 19.July 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Turkiga ayaa weerartay xerooyin Ciidan qeybo kala duwan oo dalka Turkiga ah kadib markii uu fashilmay afgambi qaar ka tirsan ciidamada dalkaasi ay isku dayeen.   Ilaa 6000 oo Ciidamada qalabka sida ah ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu tuhmay inay qeyb ka ahaayeen Askartii afgambiga ka qeyb qaatay….

Read More

“Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay Xeer-ilaaliyaha Guud u soo jeedinaysaa inuu ka noqdo eedaha uu ku soo oogay suxufiyiinta”

Hargaysa 19.July 2016 (SDN/QJ):- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland wuxuu dacwad ciqaab ah ku soo oogay Ibraahim Cismaan Axmed oo ah tafa-tiraha Hangoolnews. Ibraahim waxa lagu eedeeyey inuu “daabacay war been abuur ah iyo af-lagaado.” Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay dacwadda dhegaysatay 17kii July 2016. Sida ku cad xaashida eedda, tafatiraha waxa lagu haystaa war laga qoray…

Read More

Fatxullah gülen: waa kuma sheekha lagu eedeeyey in uu gilgilay carshiga erdogan? Waa Saaxiibo Isa Seegay

Ankara 19.July 2016 (SDN/QJ):- Intiinii Warbaahinta la socotay waxa aad ka war haysaan eedihii Madaxweynaha Waddanka Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu u jeediyey Ninka Caanka ah ee Fatxulla Gulen oo uu ku eedeeyey in uu ka dambeeyey Afgembigii dhicisoobay ee dalkaasi Turkiga ka dhacay habeenimadii Sabtidu soo galaysay.   Waa Kuma Fatxullah Gulen?, Waxa aan…

Read More

Wasaarada Maaliyadda Dawlada Federaalka Somalia  ayaa ku qabatay magaalada Nairobi kulan looga hadlayo midaynta dakhliga dalka

Nairobi, 19, July, 2016 (SDN/QJ):- Wasaarada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi isugu keentay khubaro ka socota maamul goboleedyada dalka iyadoo ujeedka kulanku uu yahay in laysla meel dhigo sidii dowladda dhexe iyo maamulada goboladu uga wada shaqayn lahaayeen midaynta canshuuraha iyo kor u qaadida dakhliga ka soo xarooda furdooyinka iyo canshuuraha bariga….

Read More

Masuul Ka Tirsan Xukuumadda Oo Lacag Ku Kharash Gareeyay Odayaal Reer Saaxil Ah Oo Xukuumadda Ugu Goodiyay In Dagaal Beeleed Ka Dhici Doono Haddii Diiwaangalin La Geeyo Lix Goob Oo Woqooyiga Hargeysa Kuyaala

Hargaysa 19.July 2016 (SDN/QJ):- Odayaal uu soo ururiyay Masuul Xukuumadda ka tirsani ayaa ka soo horjeestay Qorshe bisil oo ay Xukuumaddu u diyaarisay in Xuquuqdooda Qofnimo ay u celiso dadka degan Lix Goobood oo Woqooyiga Hargeysa kuyaal,kuwaasi oo hore u Waayay Diwaangalinta Dalka intiisa kale ka qabsoontay,waxaana ay Odayaashani ku goodiyeen Xukuumadda in haddii Sanaaduuq…

Read More

Taariikhda Af-gembiyada Milatari ee Dalka Turkiga Tan iyo Dhicitaankii Dawladdii Cusmaaniyiinta  Iyo Lafo Gurkii Maxamed M.Yuusuf (Ilka Case)

Ankara 19.July 2016 (SDN/QJ):- Tan iyo Markii ay burburtay dawladdii Islaamiga ahayd ee Cismaaniyiinta ee dalka Turkiga waxa dalkaasi soo maray taariikh ahaan Inqilaabyo xukunka Dawladda lagaga tuuray talisyo dalkaasi soo maray kuwaasi oo ahaa afar inqilaab oo waaweyn marka laga yimaaddo Inqilaabkii habeenkii dhawayd dalkaasi ka fashilmay ee u suurta gali waayay ciidamada qalabka…

Read More

Madaxweyne Xigeenka Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha oo ka Hadlay Laba Marxuun oo Maanta Hargaysa

Hargaysa 18.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, isagoo ku hadlaya magaciisa ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golayaasha qaranka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, gaar ahaan golaha wasiirada Somaliland ee uu…

Read More