Hargaysa oo uu Galabta Ku Geeriyooday Fanaankii Shay Mire Dacar Iyo Aaskiisa oo Beri Qabsoomaya

Hargaysa 17.July 2016 (SDN/QJ):- Allaha U  naxariistee waxaa maanta galinkii Dambe ku geeriyooday Gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa fanaankii caanka ahaa ee Shay Mire Dacar. Geeridda Fanaanka waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Walaalkii Caabi Mire Dacar oo isna ka mid ah fanaaniinta Soomaalida.Caabi Mire Dacar waxaa uu sheegay in muddooyinkii dambe uu Shay Mire Dacar…

Read More

Maraykanka: Turkigu Yaanu Nagu Eedayn Af-gembiga

Washington,17,7,2016 (QJ/SDN) – Maraykanka ayaa uga digay dawladda Turkiga in afgambigii dhicisoobay ay ku eedeeyaan hay’addaha dawladda Maraykanka, wuxuu sheegay in sheegashadaasi ay tahay “been cad oo dhaawici karta” calaaqaadkooda”. Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka John Kerry ayaa hadalkaasi jeediyay kaddib markii wasiirka shaqaalaha ee dalka Turkigu uu tilmaamay in Maraykanku ay ka dambeeyeen…

Read More

CAYDIID: “Talo La’aan Buu Maanta Dalku Ku Sugan Yahay, Waxa La Is Weydiinaya Ciddii Taladda Dalka Loo Dhiibtay Meeday”

Hargeysa,17,7,2016 (QJ/SDN) – Afhayeenka Isbahaysiga Xuseen Axmed Caydiid, ayaa si adag uga hadlay aragtidiisa ku waajahan muddo kordhinta Xukuumadda ee la hadal hayo, qabsoomida Doorashooyinka iyo saami qaybsiga, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddu waajibkeedii iyo doorkii ay ku lahayd saami qaybsiga ay gabtay. Afhayeenka Isbahaysiga Xuseen Axmed Caydiid oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika…

Read More

Dowladda Soomaaliya Oo Dalkeeda Ka Saaraysa Hay’adda Turkish Nile Academy

Muqdisho,17,7,2016 (QJ/SDN) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo isugu yimid shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa ay si xoogleh u canbaareeyeen Afganbigii dhicisoobay ee la rabay in lagu kala dhantaalo Horumarka iyo Dumaquraadiyadda ay gaadheen dalka iyo dadka Turkiya. Dawladda Federaalka Soomaaliya…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Saylici Maxaa ka qabsaday Magaalada Ceerigaabo DAAWO

Ceerigaabo 17.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Wefti uu Hogaaminayo oo haatan ku Sugan Magaalada Ceerigaabo ayaa mar uu la hadlayay Bulshada Magaaladaasi Waxa Khudbadiisa hakad geliyay Weedho ka soo baxay oo Qaar ka mid ah Bulshadu ay dhibsadeen. https://www.youtube.com/watch?v=NolwvScDcyg

Read More

Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid oo Ka hadlay Khilaafkoodii Halka uu Marayo DAAWO

Hargaysa 17.July 2016 (SDN/QJ):- Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Ucud Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta ugu waramayey xafiiskiisa ayaa shacabweynaha ku dhaqan gobolka Sanaag ku bogaadiyey in ay qaataan kaadhka diiwaangalinta codbixiyaasha,Waxaa kale oo uu ka hadlay Khilaafka Xisbiga Ucid halka uu marayo. https://www.youtube.com/watch?v=SzDBBQ7GbAw

Read More

Dooddii Madaxweyne Cabdi Cumar, Dabuubtii Wasiir Warancadde, Duurxulkii Isgarabsiga Dhacdada, Dalabkii Weftiga Iyo Sii Dayntii Weriyaha DAAWO

JigJiga 17.July 2016 (SDN/QJ):- Wefti wasiiro iyo xubno kaleba lahaa oo xukuumadda ka socday oo wadahadal u tegay xarunta ismaamulka soomaalida Itoobiya ee Jigjigga ayaa shalay ku soo laabtay dalka kadib markay soo dhamaysteen qasdigii ay halkaa u tageen, isla markaana waxa weftigaa soo laabashadoodii wehelinayay weriye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka shaqeeya HCTV oo…

Read More

“Suuro-gal Noqon Mayso In qofka Been Abuur Saxaafadda Mariyey Uu Shaqo U Sii Qabto Qaranka’’ Wasiir Xigeenka Wasaarada Waxbarashad Somaliland DAAWO

Hargaysa 17.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa ka hadlay warar sheegaya in wasaaraddoodu ay gunnadii ka jartay qaar kamid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dawliga ah ee dalka, kuwaas oo eedo u soo jeediyey wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare. Wasiir ku xigeenka…

Read More

Gudiga Anshaxa Doorashooyinka Oo Digniin U Diray Xisbiyadda Siyaasada

Ceerigaabo 17.July 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee guddi anshaxa doorashooyinka Somaliland Maxamuud Cabdilaahi Cabdi (Gaagaab), ayaa digniin u diray saddexda xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo Ucid, islamarkaanna wuxuu sheegay in xisbiggii lagu arko calaamadaha iyo wax muujinaya astaanta xisbiga laga qaadi doonno talaabo cad xilliga diiwaangelinta. Xoghayuhu wuxuu sidaa ka sheegay shirjaraaid oo ku qabtay…

Read More

“Waxaynu U Baahanahay Xukuumad Dadku Ku Noollaado Ee Aanay Madaxduun Ku Noollaan” Suldaan Daakir iyo suldaan Nadiif

Ceerigaabo 17.July 2016 (SDN/QJ):- Suldaan Daakir iyo suldaan Nadiif S. Jibriil, ayaa siyaabo iska soo horjeedda uga hadlay xaallada, isla markaana wuxuu mid ka mid ahi ku baaqay in la taageero xisbiga Waddani, halka kalena ka jawaabay ee ka taageeray Kulmiye. Suldaan Daakir khudbad uu ka jeediyey goob ay isugu yimaadeen taageerayaal ka tirsan xisbiga…

Read More

Maamulka Gobolka Selal  Oo Ka Hadlay Dad Loo Xidhay Qudbiga Sheekh Ibraahim Saylici Oo La Qotay

Saylac 17.July 2016 (SDN/QJ):- Qudbiga   iyo xabaasha Alle ha u naxariistee Sheekh Ibraahim Saylici oo ku yaalla magaalada Saylac oo  ka mid ahaa aasaasayaashii  iyo culimadii waawaynayd ee magaalada Saylac,ayay booliska degmada Saylac ee gobolka Selal gacanta ku dhigeen nin qotay xabaalaha  qadiimiga ah ee qudbiga oo ay ku jirto xabaasha Sheekh Ibraahim Saylici. Guddoomiyaha…

Read More