Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Oo Noqonaya Qofkii Ugu Horreeyay Ee Soomaali Ah Oo Qaaata Baasaboorka Qaaradda Afrika

Kigali (QJ/SDN) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Dalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa waxa uu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah kaasi oo qaata baasaboorka qaaradda Afrika ay ku midowday ee African Passport. Kaasi oo dhawaan bixintiisa laga bilaabay dalka ruwaanda caasimaddiisa Kigali. Wasiir Hadliye oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay…

Read More

Shirkii Gogosha Nabada ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyey Gobolada Bari oo Go’aamo Dhaxal Gal ah Galabta laga soo Saaray DAAWO

Awr Boogays  20.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Degmada Awr Boogays Galabta lagu soo Gabo Gabeeyay Shirkii Gogosha Nabada ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u fidiyey Beelaha Gobolada Bari ee Somaliland oo loogu Magac daray Shirka Samo talis Kaas oo ay ka qayb galeen Wefti Sare oo ka Tirsan Xukuumada Somaliland.

Read More

SAWIRRO: Suldaankii Ugu Da’da Yaraa Somaliland Oo Maanta La Caleemo Saaray

Hargeysa,20,7,2 016(QJ/SDN) – Magaalada Qoton-dabo ee koonfurta gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland waxa maanta lagu Caleemo saaray Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi [Galaal] oo noqonaya Suldaanka ugu da’da yar salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guud ahaan Salaadiinta Soomaaliyeedna waxa uu noqonayaa Suldaanka labaad ee ugu da’da yar – waxaana isaga ka da’yar Suldaan Maxamed Suldaan Suldaan Axmed…

Read More

Ergayga QM u Qaabilsan Carruurta iyo Wasiirka Difaaca Somalia oo Maanta ku kulmay Muqdisho

Muqdisho,20,7,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa wafdi ka socda Qaramada Midoobay, kaasoo ay Hoggaaminaysay  u qayb-sanaha Xog-hayaha guud ee QM ee Arrimaha Caruurta ku dhex nool waddamada colaaddu ka jiraan, Ms Leila Zerrougui. Kulankaan, ayaa looga hadlay sidii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar kale…

Read More

Wejiga Labaad Ee Wada Hadaladii Xisbiga Waddani Iyo Isbahaysiga Oo Dib U Furmaya, Iyo Cirro & Xirsi Oo Hargeysa Ku Soo Noqday

Hargeysa (QJ/SDN) – Wada hadaladii u dhexeeyay ee muddo u socday xisbiga Waddani iyo siyaasiyiinta isbahaysiga KULMIYE, ayaa la filayaa inay dib u bilaabmaan. Wada hadaladan oo muddo soo socday, ayaa la sheegay inay hadda ku dhow yihiin gunaanad, waxaana laga yaabaa inay dhawaan labada dhinac wada jir ugu dhawaaqaan in wada hadaladii dhammaadeen islamarkaana…

Read More

Arday Somaliland Ah Oo Wacdaro Ka Dhigay Jaamacada Ethiopian Civil Service Oo Ay Ka Qalinjebiyeen

Addis-ababa,20,7,2016 (QJ/SDN) – Maalmo ka hor waxa jaamacadda dawladda Itoobiya ee Ethiopian Civil service university ka qalin jebiyay 1500 oo arday oo ka kala socday dalalka gobalka Geeska Afrika oo ay Somaliland ku jirto. Ardayda qalin jebisay oo waxbarashadoodu ahayd deeq waxbarasho oo ay Itoobiya siisay ayaa waxa ay ka kala socdeen wadamada Somaliland, Itoobiya,…

Read More

Muuse Biixi Oo Meesha Ka Saaray In Muddo Kordhin Madaxweyne Jirto

Hargeysa,20,7,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha  iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa meesha ka saaray in muddo kordhin loo samayn doono Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay inay madaxweynaha iyo KULMIYE diyaar ka tahay doorashada madaxweynuhu. Muuse Biixi, oo shalay hadal ka jeediyay madal baabuur iskaragooyin ah loogu dirayay jidka Ceerigaabo, ayaa wuxuu sheegay in gudoomiyaha…

Read More

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Qalliin Caafimaad Dalka Hindiya Loogu Sameeyay

Cadaado,20,7,2016 (QJ/SDN) – War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed uu safar caafimaad uu aaday dalka Hindiya todobaadkii tagey. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Ka hor intuusan Hindiya aadin, Madaxweynuhu wuxuu kulamo kala duwan kula lahaa Nairobi beesha caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Deegaanka…

Read More

Somaliland: Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland oo Ka Hadashay Suxufiyiin Hargeysa Lagu Maxkamadaynayo

War-saxaafadeed Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa Xeer-ilaaliyaha Guud inuu ka noqdo eeda uu ku soo oogay suxufi Ibraahim Cismaan Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland wuxuu dacwad ciqaab ah ku soo oogay Ibraahim Cismaan Axmed oo ah tafa-tiraha Hangoolnews. Ibraahim waxa lagu eedeeyey inuu “daabacay war been abuur ah iyo af-lagaado.” Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay dacwadda…

Read More

DAAWO: Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Dagaalkii Shalay Dhex Maray Ciidanka Somaliland iyo Puntland

Hargeysa (QJ/SDN) – Axmed Muumin Seed, guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhex maray deegaanka Boodda-cadde oo ka tirsan gobolka Sanaag, isagoo guddoomiyuhu sheegay in Puntland ay daandaansi waddo isla markaana ay ka xisbi ahaan garab taaganyihiin ciidanka qalabka sida…

Read More

DAAWO: Xaaska Donald Trump oo isticmaashay khudbaddii Micheal Obama ee 2008

Washington,20,7,2016 (QJ/SDN) – Xaaska musharaxa madaxweynenimada dalka Mareykanka ee Xisbiga  Jamhuuriga ninka lagu magacaabo Donald Trump ayaa xaaskiisa Melania Trump oo dabcan iyadu  noqoneysa marwada koowaad ee dalka Mareykanka  haddii odaygeeda doorashada  ku guuleysto ayaa fagaare ku ceebowday kaddib markii ay jeedisay khudbad ay horay u jeedisay  marwada koowaad ee Mareykanka Mechelle Obama. Melania ayaa…

Read More

SAWIRRO: Dowladda Masar Oo Soomaaliya Ugu Deeqday Hub iyo Gaadiid dagaal

Muqdisho,20,7,2016 (QJ/SDN) – Dowladda Masar ayaa maanta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ku wareejisay Gaadiid iyo Sahnad Ciidan oo loogu talagalay in ay ku howlgalaan Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Danab. Danjiraha dowladda Masar u fidhiya Soomaaliya Waliid Maxamed Ismaaciil ayaa munaasabadda ka sheegay in saanadda Ciidan ay isugu jirto Gaadiid Ciidan, Gaadiidka Gurmadka degdegga…

Read More

Weriye Xidhiidh Dhow la Lahaa Qasriga Madaxtooyada oo Maanta Ciidamada Boolisku Xidheen

Hargeysa 19.July 2016 (SDN/QJ):-  Guddoomiyihii Warbaahinta Somaliland Today Media Group Muniir Axmed Cigaal ayaa Ciidamadda Booliska waxa ay sifo sharcidaro ah ugu taxaabeen mid kamida Saldhigyadda Booliska ee ku yaala Magaaladda Hargeysa. Suxufiga ayaa Ciidamadu waxa ay ka qabteen mid kamida huteeladda Magaaladda isaga oo xiligaasi aanay jirin wax fal danbiyeeda oo uu faraha kula…

Read More

SAWIRRO: Nolosha Qaxootiga Yemeniyiinta ah Ee Kunool Somaliland

Hargeysa,19,7,2016 (QJ/SDN) – Kadib dagaalkii dhex maray xulufada Sacuudiga iyo fallaagada Yemen ee Xuutiyiinta qaxooti badan oo reer Yemen ah ayaa usoo cararay dalka Soomaaliya iyo jamhuuriyada Somaliland. Qaxooti badan oo Soomaaliyeed oo kasoo laabtay Yemen dirirtaa awgeed ayay qaxootigaa Yemeniyiinta ahi la yimaadeen gaar ahaan Bossaso iyo Berbera. In badan ayaa usoo gudbay Xamar…

Read More

Xaasaska Madaxweyneyaasha Dalalka Afrika oo Wacad Kumaray inay Waxka Qaban Doonaan AIDS-ka

Kigali,19,7,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo uu haatan ka socdo shir caalami ah magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika kaasoo looga hadlaayo sidii wax looga qaban lahaa cudurka AIDS ayaa xaasaska madaxweyneyaasha dalalka Afrika waxay wacad ku mareen inay wax ka qabtaan cudurkaa dilaaga ah. Cudurka AIDS-ka ayaa waxaa dhaliya dullinka HIV kaasoo ah feyras aan daawo…

Read More

Xisbiga Jamhuriga ee Mareykanka oo Shaaciyay in Trump uu yahay Murashaxooda Doorashada

Washington,19,7,2016 (QJ/SDN) – Munaasabad ballaaran oo wufuud kala duwan ay ka qayb-galeen oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Cleveland ee Gobolka OHIO ee dalka Mareykanka ayaa lagu Caleemo-saaray Donald Trump. Xisbiga Jamhuuriga ee Waddanka Mareykanka ayaa kulanka ku caleemmo-saaray Donald Trump inuu noqdo Murashaxooda ku meteleyo Doorashada Madaxweynaha ee Dalka Mareykanka ka dhici doonta Bisha November…

Read More

HARGEYSA: Qiimaha Raashinka Dalka oo Kor u kacay iyo Isticmaalkiisa soo kordhay

Hargeysa,19,7,2016 (QJ/SDN) – Raashinka Wadaniga loo yaqaan ee ka soo baxa Beeraha Waddanka gudihiisa, ayaa isticmaalkoodu muddooyinkan dambe sare u kacay,isla markaana Habeenkii inta badan dadku cashadda ka dhigtaan cunto wadani. Suuqyadda lagu iibiyo Raashin wadaniga ee Beeraheenna laga soo saaro, ayaa kor uga kacay qiimaha awal hora la kala siisan jiray, iyadoo ay saameyn…

Read More