Wararkii ugu dambeeyay ee af-gembigii dhicisoobay ee Turkiga

Ankara,16,72016 (QJ/SDN) – Inqilaabkii ay saraakiil ka tirsan Mileteriga dalka Turkiga ay sammeeyeen ayaa fashilmay, waxaana dalka gacanta ku haya dowladda dalkaasi ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan. Inqilaabka ayaa fashilmay kaddib markii ay shacabka dalka Turkiga  u hoggaansameen farriintii madaxweyne Erdogan ee ahayd in ay isu soo baxaan, isla markaana ka…

Read More

Madaxtooyada Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Madaxweyne SIILAANYO Wax Dhibaato Ahi Kasoo Gaadhin Dalka Turkiga

Hargeysa,16,7,2016 (QJ/SDN) – Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye ayaa sheegay inaanay wax dhibaato ahi soo gaadhin Madaxweynaha Somaliland Md. Axnmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku sugan dalka Turkiga oo Ciidamada dalkaasi isku-dayeen inay inqilaab xukunka dalka. Sida aynu la wada socono waxa Dalka Turkiga caawa ka dhacay Inqilaab ay ciidamada dalku fuliyeen sida…

Read More

War Deg Deg Ah: Millateriga wadanka Turkiga Oo Shaaciyey inay la Wareegeen taladii Dalkaasi

Ankara,16,7,2016 (QJ/SDN) – Askar ka tirsan milateriga Turkiga ayaa sheegay in ay la wareegeen awoodda dalkaasi, ka dib markii la arkay diyaarado dagaal oo joog hoose ku dulmaraya caasimadda Ankara. Ciidanka ayaa xidhay buundooyinka Bosphorus iyo Fatih Sultan Mehmet ee ku yaalla magaalada Istanbul. Telefishinka CNN iyo wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya in madaxweyne…

Read More

Gobolka Sanaag oo Barri ay ka billaaban doonto Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Somaliland

Ceerigaabo,15,7,2016 (QJ/SDN) – Diiwaan-gelintii Cod-bixiyeyaasha ayaa Sabtida berri ah ka billaaban doonta Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu balaadhan Gobollada Somaliland. Gudoomiyeyaashii xisbiyada, guddida doorashooyinkii, xukuumaddii oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland – Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici iyo Taliyeyaashii Ciidanka kala duwan ee Somaliland ayaa iskugu wada tegay xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Munaasibadii…

Read More

Guddida SAHAN-BARWAAQO Oo Madaxweyne Siilaanyo Uga Mahadnaqday Magacaabista Degmada Balli-Mataan

Hargeysa,15,7,2016 (QJ/SDN) – Guddida guud ee beelwaynta Ciidagale Sahan-barwaaqo ayaa madaxweyne Siilaanyo uga mahad-naqday magacaabista degmada Balli-Mataan oo maanta uu madaxweyne Siilaanyo u dallacsiiyay Degmo. Haddaba War-murtiyeed mahad-naq ah oo ay Sahan-Barwaaqo soo saartay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Qurbejoog.Com ayaa u dhignaa sidan;  “Anigoo ku hadlaya afka  Guddida guud ee Sahan Barwaaqo oo…

Read More

ETHIOPIA: Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim Oo Xabsiga La Sii Daayay

Jigjiga,15,7,2016 (QJ/SDN) – Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ku dhawaad muddo bil ah u xidhnaa maamulka dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa la sheegay in lasii daayay maalinkii shalay, sida lagu daabacay shabakadda wararka ee maamulkaasi [Cakaaranews]. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ah wefti wasiiro ah oo ku sugan magaalada jigjiga…

Read More

“Xilligu Waa Goor Wax Saar, Golaa Lagu Dheelayaa Garsoore Ka Yahay Shacbigu..” Maansada Gurmad Iyo Dardaarankii AHN Abwaan Gaarriye DAAWO

Hargaysa, 15 July, 2016-(SDN/QJ):– Waxaanu Halkan Idiinku soo gudbinaynaa Maansada GURMAD ee AHN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Maansada Gurmad oo ka Mid ah Dhaxal Suugaaneedka uu inooga Tegay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa Markaad Daawato amase Akhrido Qaybta aanu ka qornay Waxay Kuu Muujinaysaa in Waxyaabaha uu Abwaanku alle ha u Naxariistee ka…

Read More

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Ku Dhawaaqay inuu yahay Murashaxa Madaxweyne ee XISBIGA Ucid DAAWO

Ceerigaabo, 15 July, 2016-(SDN/QJ):– Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Ku Sugan Magaalada Ceerigaabo ayaa Mar uu Maalintii Shalay Kala hadlayay Fagaaraha Daalo ee Magaaladaasi Wuxuu Carabka ku dhuftay inuu Mar kale u Sharaxan Yahay Kursiga Hogaaminta Somaliland. “Reer Ceerigaabo Labadii Jeer ee hore Cod imaydaan Siin lakin Markan Sadexaad I Doorta oo…

Read More

Sanaag: Gobolkii Shanaad oo ay si rasmi ah ay Beri uga Bilaabmi doonto Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha DAAWO

Ceerigaabo, 15 July, 2016-(SDN/QJ):– Waxa magaalada ceerigaabo lagaga dhawaaqay bilowga diiwaangalinta codbixiyaasha ee Gobolka Sanaag oo bilaamaysa maalinta Sabtida ee inagu soo fool leh. Munaasibada ku dhawaaqista waxa goob jog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka JSL, masuuliyiinta xisbiyada qaranka, wasiiro, xubno ka tirsan goleyaasha qaranka, maamulka Gobolka iyo masuuliyiinta kominshinka qaranka kuwaasi oo dhamaantoodba dadweynaha…

Read More

Weriyeyaal Uu Guddoomiyaha WADDANI U Kaxeystay Ceerigaabo Oo Baahiyey Muuqaalka Dhallinyaro DHAGAR-QABE Ku Sheegaya Muuse Biixi & Xasaasiyadda Arrintaasi Ka Dhex Abuuri Karto Beelaha

Ceerigaabo, 15 July, 2016-(SDN/QJ):–  Dhallinyaro sita Calanka Xisbiga WADDANI, ayaa Magaalada Ceerigaabo lagaga duubay Muuqaallo khilaafsan Hab-dhaqanka Xisbiyada badan iyo tartanka ka dhexeeya Bulshooyinka kala taageersan Xisbiyada ee ku kala nool deegaannada kala duwan ee dalka.   Muuqaalladan oo ay Baraha xidhiidhka Bulshada ku baahiyeen Weriyeyaasha uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI u kaxeystay Magaalada Ceerigaabo, isla-markaana…

Read More

Madaxa Waaxda Maamulka iyo Wax-soo-saarka ee DP World oo Kulamo La Qaadatay Qeybaha Bulshada Ee Berbera

Berbera 15.July 2016 (SDN/QJ):-Mas’uuliyiinta Golaha deegaanka ee degmada Berbera ayaa magaallada Berbera ku soo dhaweeyey Haweennay ka socota Shirkadda Imaaraatiga ah ee Xukuumadda Somaliland heshiiska maalgelinta Dekedda Berbera la saxeexatay ee DP World. Haweennaydan oo Magaceeda la yidhaahdo Marwo Hibo Maxamed Cabdillaahi  oo dhawrkii maalmood ee u dembeeyey ku sugnay magaallada Berbera ayaa shirkadda Dubai…

Read More

Wasiirka Khayraadka Biyaha oo Muxaadiro kaga waramay ahmiyada Diiwaangelinta Codbixiyaha DAAWO

Ceerigaabo, 15 July, 2016-(SDN/QJ):–  Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Mudane Baashe Cali Jaamac ayaa Dadweynaha ku Dhaqan Gobolka Sanaag oo uu haatan ku Sugan yahay Magaalada Ceerigaabo Wuxuu u Jeediyey Khudbad uu ku sharaxayo Faa’iidada diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Beri Sida rasmiga Gobolka Sanaag uga bilaabmi doonta.  

Read More

Dawladda Jabuuti Oo Lagu Eedeeyay Inay Ciidammada Itoobiya  U Oggolaatay Iinay  Dhulkeeda Ka Galaan Waddanka Ereteriya 

Jabuuti 15 , July , 2016 – (SDN/QJ): – Dawladda Jabuuti, ayaa Dawladda Itoobiya u fasaxday in Ciidammadeedu dhex maraan isla-markaana Weerarro kaga qaadaan Dalka Eratariya oo Xuduud la leh Itoobiya iyo Jabuutiba, sida uu sheegay Guddoomiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee USN Cumar Cilmi Khayre, ayaa sheegay in dawladaha Jabuuti iyo…

Read More

‘’Sadexdii Bilood ee la soo Dhaafay Lix dil ayaa ka dhacay Berbera Iyo Kiis Xannuun Badan oo Sadex Nin ku Kufsadeen Gabadh 7 Jir ah’’ Taliyaha Qaybta Booliska Saaxil

Berbera 15.July 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil, Gaashaanle dhexe Mursal Xaaji Ciise, ayaa ka waramay fal dambiyeedkii  ka dhacay Magaalo xeebeedka Berbera ee  gobolka Saaxil saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.   Mursal Xaaji Ciise, waxa uu sheegay inay qabteen nin Isniintii rasaaseeyay ilaalada badhasaabka Gobolka Saaxil, waxaanu yidhi  “Waxaa maanta dhacday in…

Read More