Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlay Hawlgalada ay ku Sugayaan Amniga Munaasibada Ciida Awgeed DAAWO

Hargaysa 06.July 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa dhanbaal hambalyo oo ku Wajahan Munaasibada Ciidul Fidri Waxa uu u diray Guud ahaan Ciidan Weynaha Booliska Iyo Xaasaskooda Waxaanu Sheegay in Ciidamada Boolisku ay u dabran Yihiin Sugida Nabadgalyada.

Read More

Sannooyin door ah kadib Waxa laga Qaaday Xayiraadii uu Maraykanku Saaray Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale

Washington 06.July 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Maraykanka ayaa si rasmi ah xayiraadii Socdaalka uga qaaday Khamiistii ganacsadaha caanka ah ee Soomaaliyeed Md. Axmed Nuur Jimcaale oo ahaa mulkiilihii shirkaddii xawaaladda ee Barakaad la odhan jiray. Bayaan ka soo baxay hay’adda dawladda Maraykanka u qaabilsan xakamaynta hantidda dibadda (Office Of Foreign Assets Control) ayaa shaacisay 30 June…

Read More

Mas’uuliyiinta Daladda Sonyo oo Shacabka Somaliland ku Hambalyeeyay Munaasibada Ciida

Hargaysa 06.July 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali, Guddoomiye Ku Xigeenka SONYO Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Dhammaan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO, Agaasimaha Fulinta Dalladda SONYO Mudane Siciid Maxamed Axmed, Dhammaan isu-duwayaasha Gobolada Dalka ee SONYO, Dhammaan Shaqaalaha SONYO, Masuuliyiinta Ururada dhallinyarada Somaliland, Dhammaan Ardayda Dugsiyada Iyo Jaamacadaha…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo Magaalada Hargaysa ku Heshiisiisay Laba Ardaa oo Xurgufi Ku dhex Martay Deegaanka Xudun ee Gobolka SOOL

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in heshii kama dambays ah lagu soo afjaray waxyaabooyin ay kala tirsanayeen labo ardaa oo isku beel ah oo wada degan degmada Xuddun ee Gobolka Sool, kuwaas oo kulankii u dambeeyey ee is afgarad loogu qabtay Magaalada Hargaysa   Kulankan oo maalmihii u…

Read More

SAWIRRO: Raysal-wasaaraha Soomaaliya Oo Kulan La Yeeshay Boqorka Dalka Sucuudiga

Riyaadh,5,7,2016 (QJ/SDN) – Waxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay kusugnaa dalka Sacuudiga raisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminaayo. Raisul Wasaare Cumar C/Rashiid iyo wafdigiisa ayaa la kulmay boqorka Sacuudiga iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Sacuudiga. Raisul Wasaare Cumar ayaa ugu baaqay dawlada dalka Sacuudiga sidii ay u dardar…

Read More

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Oo Shacabka DDSI Hambalyo U Diray Munaasibadda Ciidul-fitriga Awgeed

Jigjiga,5,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tahniyada  farxada ciidul Fidriga hambalyo u diray dhamaan muslimiinta caalamka kuwa  itoobiya  gaar ahaan DDSI. Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay muslimiinta in ay farxad ku ciidaan, isaga oo Allaah uga baryay muslimiinta oo dhan  in laga aqbalo dhamaan khayraadkii bisha barakaysan ee Ramadaanka ay cibaadaysanayeen ajri…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shacabka ku Hambalyeeyay Ciida Soonfur una soo Jeediyey Khudbad dhinacyo badan leh DAAWO

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha J.S.L Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa hambalyo U diray Shucuubta Islaamka Gaar ahaana Shacabka Somaliland Munaasibada Ciidal Fidriga Darteed. Khudbada Madaxweynaha ayaa Iyadoo Qoraal ah Waxay u dhignayd Sidan:- Walaalayaal, Milgo iyo maamuus weyn ayey ii tahay inaan munaasibadda ciidal-fidriga awgeed halkan uga jeediyo hambalyo iyo bogaadin balaadhan dhammaan shucuubta…

Read More

‘’Siyaasiyiinta Koonfurtu ma laha Wax Siyaasad ah oo ay ka leeyihiin Midnimada,Markaa Somaliland wax Qorshe ah uma hayaan’’ Wasiirka Warfaafinta Somalia DAAWO

Muqdisho 05.July 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay Wada hadalada Somaliland iyo Somalia Waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta Somalia aanay ilaa hada hayn dariiqii lagu soo celin lahaa Midnimada Somaliland iyo Somalia Isla markaana ay ku Mashquulsan yihiin Siyaasada dhexdooda taala,Waxaanu intaas ku daray inuu aaminsan yahay in Arrinta Somaliland…

Read More

Salaadiinta Iyo Haldoorka Gobolka Saaxil oo Iclaamiyey Shir lagu Qaban doono Deegaanka Baxarasaafka iyo Saska Xukuumadda DAAWO

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Salaadiinta gobalka Saaxil ee beesha Ciise Muuse oo u hormuud u yahay Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh ayaa waxaa uu si rasmi ah u shaaciyey in ay beeshu dabayaaqadan bishan 7 shir ay kaga hadleyso aayaheeda ay ku qaban doonto deeganka Baxara Saaf ee degmada Laas-Geel ee gobalka Saaxil. Shirkan ay ku dhawaaqen…

Read More

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland oo ka Hadlay Qaabka ay Ciidamada Boolisku uga qayb qaadanayaan Sugida Amniga Maalmaha Ciida DAAWO

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa waxaa uu fariin u diray bulshada Somaliland waxaana uu ugu hanbalyey munaasibada ciida ee inagu soo foolka leh Sidoo kale Taliye Cabdilaahi Fadal waxaa uu ka hadley Ilaalinta Amaanka ee maalmaha Ciida isaga oo hanbalyo gaar ah u diray dhamaan…

Read More

Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Guray oo Daadefeeyay Sharci-nimada Xil ka Qaadistii Gudoomiye Faysal ee Marwo Rooda Axmed Yaasiin

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa Sharci daro ku tilmaamay Wareegtadii uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin. Cali Guray ayaa Qoraal uu Xalay soo Saaray Wuxuu u dhignaa Sidan:-…

Read More

Gudoomiye Cirro oo Ciidanka Boolisku ka hor istaageen inuu ka qayb galo Xidhitaanka Tartan Ciyaareed ka socday Garoonka Xawaadle & Falcelinta Dhallinyarada DAAWO

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Hogaamiyaha Aqalka Golaha Wakiiladda ayaa Ciidamadda boolisku ka hor Joogsadeen inuu ka qaybgalo Tartan Ciyaareed bisha ramadaan oo ka Socday Garoonka Xawaadle ee Magaalada Hargaysa.

Read More

“Ina Afdiinle Shaqo Kuma Laha Diyaaradda Qaadka Kenya Geysa Laascaanood.” Ganacsatada Qaadka ee Laascaanood DAAWO

Laascaanood 05.July 2016 (SDN/QJ):-Ganacsatada Qaadka ee Magaalada Laascaanood, ayaa beeniyey eedaymo uu Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo ka mid ah Dadka Qaadka geeya Laascaanood ku sheegay in Shirkadda 571 Qaadka Kenya Diyaarad ku geyso Laascaanood, si uu u kala dilo Mulkiilaha Shirkadda 571 Maxamed Ismaaciil Tarabbi (Ina Afdiinle) iyo Itoobiya oo uu Dhalasho ahaan ka soo…

Read More