Ra’isal Wasaaraha Israa’il oo Lugtii Socdaalkiisa ee Qaaradda Africa ku Soo Gabo Gabeeyay Dalka Ethiopia Iyo Arrimaha ay ka wada hadleen

Addis Ababa 07.July 2016 (SDN/QJ):- Ra’iisal wasaareha Isra’iil Mr, Benjamin Netanyahu oo booqasha ku jooga dalka Ethiopia ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal wasaareha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn taas oo lagaga hadlayo xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya labada wadan. Kulankan ayaa waxa kale oo lagaga hadlayaa xidhiidhka ganacsi ee u dhaxeeya labada wadan iyo la dagaalanka…

Read More

Minnesota: Askari Caddaan ah oo Dilay Nin Madawga Maraykanka ka Mid ah Iyo Kacdoonada ka dhalan kara

Minnesota  07.July 2016 (SDN/QJ):- Askari boolis ah ayaa si arxan darro ah u diley nin madow Mareykan ah xilli uu gaadhigiisa ku safrayay gudaha gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.   Gabadh la Socotay ninka la dilay iyo qoyska dhibbanaha, ayaa warbaahinta gudaha Maraykanka u sheegay in Philando Castile, uu ahaa 32 jir, ahaana shaqaale iskuul….

Read More

Qiso Xannuun Badan Nin 8 Sanno Ku Jiray Jeelasha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Mahadhooyinkii uu kala Kulmay DAAWO

Minnesota 07.July 2016 (SDN/QJ):- Maxamed Faarax Xasan oo Ku Nool Dalka Maraykanka ayaa ka Sheekeeyay Qiso Xannuun Badan oo ka soo Martay Jeelasha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Waxa uu Sheegay Dhacdooyin Xannuun badan oo ka soo maray Jeelashii uu ku Jiray Mudada 8 Sano ahayd. https://www.youtube.com/watch?v=-Cu_JXvVzwE&sns=fb

Read More

“Somaliland 25 Sanno Laba Qodob ayay Ku ducaysanaysay Waa Aqoonsi Caalami ah iyo Maalgashiga Dekeda Berbera” Wasiirka Warfaafinta DAAWO

Gebilay 07.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid “Caddaani” ayaa Sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka Go’an tahay Horumarinta Dekeda Berbera. Wasiirka ayaa hadalkan ka Jeediyey Kadib markii Maalintii Shalay ay Magaalada Gebilay kaga qayb galeen Tukashada Salaada Ciidul Fidri.

Read More

Reer Berbera oo Foodhi Iyo Qaylo ku Qaabilay Hadal uu Wasiir Cukuse kaga hadlay Xuska Ciidul Fidri DAAWO

Berbera 07.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa Bulsho weynta ku dhaqan Magaalo Xeebeedka Berbera Waxay kala qayb galeen Munaasibada Ciidul Fidri. Wasiirka Xannaanadda Xoolaha C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo ku hadlayay afka Xubnaha Golaha Wasiirada ee dadka reer Berbera kala qayb qaadanayay dabaal dega munaasibada Ciidul Fidri ayaa la Kulmay Qaylo iyo…

Read More

“Dadku Ma Doonayaan Muddo Kordhin Dambe, Heshiiska Dekedda Berbera Mad-madow Badan Baa Ku Jira” Sheekh Aadan-Siiro DAAWO

Hargaysa 07.July 2016 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Salaadda Ciidda Wuxuu kaga hadlay Xaaladda Dalka ee Wakhtigan, sida Doorashooyinka iyo Heshiiska Dekedda Berbera. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) ayaa U Mahad naqay Dadka dhalasho Ahaan Ka Soo jeeda Gobolka Gabiley ee degan Degmada 26-june ee Magaallada Hargeysa, kuwaas…

Read More

Gudoomiyaha Ururka Solja oo Sheegay in Xukuumadu ka Gaabisay Sidii Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahin looga soo dayn lahaa Itoobiya DAAWO

Hargaysa 07.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa Sheegay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ka gaabisay Sidii looga soo dayn lahaa Jeel ku yaala Magaalada JigJiga Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahin oo Telefishanka HCTV uga soo Warami Jiray Gobolka Gebilay Kaas oo Mudo Dhawr Todobaad ah ku xidhan Xarunta dawlad deegaanka Somalida Itoobiya…

Read More

Shirkadda Qaadka ee 571 oo Meel Adag iska Taagtay Weedho Xanaf lahaa oo ka soo Yeedhay Ganacsade Maxamud Jabuutaawi DAAWO

Hargaysa 07.July 2016 (SDN/QJ):- War saxaafadeedka ay shirkadani soo saartay oo ay kaga jawaabeysay iskagana difaacaysay eedeyn uu dhawaan ganacsadaha kale ee qaadka Miirooga Kenya ka ganacsada laguna magacaabo Jabuuti u soo jeediyay shirkadan qaadka ee Itoobiya hadaba warsaxaafadeedka shirkada 571 ayaa u dhingnaa sidan: Aniga oo ku hadlaaya magaca maamulaha guud ahna milkiilaha shirkada…

Read More

Aqoonyahan si Xeel dheer Tooshka ugu Iftiyey Caqabada Dadka Somaliland ka Haysata Baasaboorada lagu dhoofo

Hargaysa 07.July 2016 (SDN/QJ):-  Aqoon yahan Maxamed Haaruun ayaa Tilmaamay Dhib ummada Somaliland ka haysata Baasaboor ay ku soo gutaan Waajibaadka Xajka . “Xiligan oo kale, (dhamaadka ramadaan, iyo bilowga xiliga xajka) waxa soo baxda baahida loo qabo baasaaboor ay dadku ku safraan. Baahidaasi dadwaynaha caadiga ah uun baa ay haysataa, siyaasiyiinta se dabkaasi kuma…

Read More

SAWIRRO: Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Gobolka Awdal Kula Ciiday Magaalada Boorama

Borama,6,7,2016 (QJ/SDN) -Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdlaahi ciro ayaa waxaa uu saaka hiirtii waabari  gaadhay magaalada Borama ee gobalka awdal . Gudoomiyaha oo xalay niskii danbe guureyn kaga baxay magaalada Hargeysa  ayaa waxaaa uu salaadii ciida kula tukadey shacibka rer Borama ee ku tukanaaayey Masjud…

Read More

Madaxweynaha oo Salaadii Ciida Soonfur kula Tukaday Shacbiga Caasimada Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa

Hargeysa,6,7,2016 (QJ/SDN) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa saaka salaadda Ciidal Fidriga kaga qaybgalay masjid Jaamac Caasimada Hargeysa, halkaasoo ay ku soo xaadireen kumaan qof oo ku tukaday gudaha iyo dacallada masjidkaasi. Salaadda oo uu tujiyey wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ka mid ahaa tiro wasiiro, wasiiro ku…

Read More

SAWIRRO: Madaxda dowlada oo boqolaal shacab ah Salaada ciida kula tukaday masjidka Isbaheysiga

Muqdisho,6,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiiro, xildhibaanno ka tirsan dowladda iyo saraakiil ayaa ayaa boqolaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday saaka Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaaalada Muqdisho. Amaanka masaajidka isbaheysiga islaamka ayaa si weyn loo xoojiyey saaka iyadoo ciidamada nabad dowlada iyo kuwa AMISOM ay xireen…

Read More

SAWIRRO: Sidee Looga Ciiday Deegaanada Xarakada Al-shabaab Ka Taliso?

Muqdisho,6,7,2016 (QJ/SDN) – Degmada Kurtunwaarey ee gobolka Sh/hoose oo ka mid ah degaanada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab ayaa saaka si weyn looga dabaaldegay munaasabada Ciidul-fitriga. Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira rag iyo dumar ayaa isugu yimid barxad ku taala degmadaas halkaasoo salaada ciida ay kula tukadeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab. Shacabka halkaas isugu…

Read More

SAWIRRO: Magaalada Garowe Ee Xarunta Maamulka Puntland Oo Si Wayn Looga Ciiday

Garowe,6,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda ciidul Fidriga oo ka dhacday garoonka kubadda Cagta Mire Awaare. Xubno katirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garowe iyo shacab tiro badan ayaa ka qayb galay salaadda ciidda, waxaana halkaasi dadweynaha kula hadlay mas’uuliyiin…

Read More

SAWIRRO: Magaalada Hargeysa Oo Maanta Si Wayn Looga Ciiday

Hargeysa,6,7,2016 (QJ/SDN) – Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa maanta si weyn looga ciiday, waxaana sallaada ciida lagu tukaday masaajidka Jaamaca oo uu dadwaynaha ku tukanayay kala qayb galay madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo sidoo kale garoonka kubada cagta ee Hargeysa. Salaada ciida ee garoonka kubadda cagta waxaa isugu yimi tobanaan kun oo isugu jira…

Read More

Gudoomiye Muuse Biixi oo Luuqad adag Kula Hadlay Beesha Degta Magaalada Berbera,Isla Markaan Quudhsaday Awooda Xisbiga Waddani Halka aanu Ucid soo Hadal qaadin DAAWO

Hargaysa 06.July 2016 (SDN/QJ):- “Maanta Waxa Soo Socda Xilligii Ololaha Xisbiga Ila Tartamaaya Ee Waddani Muu Qaadhgaadhin Oo saddex (30), Jir, Kulmiyena Waa Qaadhgaadh. Wali Dadkii Xisbigii May Baran.” “Madaar iyo Dekeda Berbera Ee Qaranka Maaha Inuu Yidhaahdo Aabay Ayaa leh, Afkay Ku Hadlayaana Kuma Hadli karaan, Waana La Arki doonaa, Markaa Maaha Inay Meelahaa…

Read More

Siyaasi Axmed Saleebaan Dafle Iyo Xubno Ka Tirsan Jaaliyada Belgium ee Gobolka Sool oo ka hadlay Dirirtii ka dhacday Dharkeyn Geeyo DAAWO

Antwerp 06.July 2016 (SDN/QJ):- Shir ay Isugu Yimaadeen inta badan Jaaliyadda Degaanaada Gobolada Sool iyo Buuhoodle ee Ku dhaqan carriga Belgium gaar ahaan magaalada Antwerp ayay kaga hadleen Shaqaaqooyin Khasaare Nafeed Sababay oo ka dhacay Koonfurta Gobolla Sool. Shirkan ayaa waxyaalaha lagu lafaguray waxaa ka mida ahaa dagaalada ka socda Koonfurta Sool. Waxaa halkaa hadalo…

Read More