Aaska Garaad Abshir Garaad Saalax oo ka Dhacaya Degmada Widh Widh Iyo Gabay Baroor diiq ah oo loo Tiriyey DAAWO

Widh-Widh 05.July 2016 (SDN/QJ):-Waxaa Dhawaan ku Geeriyooday Dalka Sweden alle ha u Naxariistee Marxuun Garaad Abshir Garaad Saalax Maxamed oo ka Mid ahaa Bah’da Dhaqanka ee Soo Jireenka ah ee Gobolka Sool. Waxaa la qaban qaabinayaa Aas loo sameeyo Garaadka kaas oo ka Dhici doona Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle. https://www.youtube.com/watch?v=cKrTDzyUfVw

Read More

Sida Adag ee Loo Ilaaliyo Imtixaanaadka, Iyo Talooyinka la qaato si arrintaas looga hortago DAAWO

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Wadamo badan oo caalamka ah ayaa dhibaato badan kala kulma tahriibinta imtixaanaadka Schoola-da kaas oo dibada u baxa oo ardayda gaadha ka hor inta aan la bilaabin, barnaamijkeenana waxaynu ku eegaynaa talaabooyinkii laga qaaday si arintaasi looga hortago. https://www.youtube.com/watch?v=oR6g9u8BHqM&feature=youtu.be

Read More

Mujaahid Axmed Mire oo Cisbitaalka Hargaysa ku Booqday Dhakhtarkiisii Gaarka ahaa ee Xiligii Halgankii oo Xaalad Caafimaad la soo deristay

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):- Dr Muj.Jaamac X.Daa’uud Cismaan waxa uu ahaa dhakhtarkii haystay xeradii dhaawaca ee SNM, isla markaasina daawayn jiray muj. Axmed Mire Maxamed ,Waxaa uu ahaa dhakhtarkii alle u fududeeyey dedaal badanna sameeyey siduu mujaahidiintii uu dhaawacu kasoo gaadhi jiray dagaalkii xaqu dirirka ahaa uu u daawayn lahaa Gaar ahaan Dagaalkii Gudo Galka…

Read More

Hor dhaca Xog Ururin Isbarbar dhig ku Samaysay Nidaamka Hogaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynihii Hore Somaliland Daahir Rayaale

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Urur  maxali ah ayaa ku hawlan ururinta daraasad uu ku samaynayo hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo hoggaamintii Madaxweynihii uu xilka kala wareegay Daahir Rayaale Kaahin. Daraasadan oo la sameeyay qaabkeeda guud ee ay u eekaanayso, waxa ka tallo bixinaya siyaasiyiin la soo shaqeeyay labada madaxweyne iyo weliba khubaro kale oo dusha…

Read More

Kooxda Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Oo Ku Guuleysatay Tartankii Kubadda Koleyga Bisha Ramadaan Ee Garroonka Tima-cade

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Waxa habeenkii xalay la soo gaba-gabeeyay tartankii kubadda koleyga bisha Ramadaan ee ka socday garroonka Timacade, waxaana koobkii tartankaas ku guuleystay kooxda ku ciyaaraysay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, kadib markii ay ka guuleysatay kooxda dhigeeda ee NEGAAD. Tartankan oo uu qabtay Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland oo kaashanaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, halka…

Read More

“Xilal lakala badalo wax wayn kama qabanayso ammaanka Gaalkacyo” Xildhibaan Shaacuur

Gaalkacyo 05.July 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan C/kariim Xuseen Guure (Shaacuur) ayaa shaaca ka qaaday in is beddellada uu madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “ Gaas” ku samaynayo maamulka iyo talisyada ciidamada inaysan wax wayn ka badalayn ammaanka Gaalkacyo.   Xildhibaanka ayaa sheegay in dawladdu ay sidaan oo kale is beddello u samaysay, magaalada Gaalkacyona ay 3…

Read More

Zinedine Zidane Oo U Dabaal-Degay Sannad Guuradiisii 15aad Ee Real Madrid + 10 Dhacdo Oo Ku Xidhiidhsan

Hargaysa 05.July 2016 (SDN/QJ):-Waxaa garroonka Bernabeu soo galay Lugano, Florentino Perez iyo Luciano Moggi kuwaas oo uu wehelinayo ciyaartoy aad dunidu indhaha ugu haysay oo ahaa Zinedine Zidane oo wakhtigaas ay Juventus kaga soo iibsatay lacagtii ugu badnayd ee abid ciyaartoy lagu kala iibsado, taas oo ahayd 72 Milyan oo Euro. Maalintaas waxa laga joogaa…

Read More

Idaacadii Daljir ee Maamulka Puntland Xayiraada Saaray oo Dib Shaqadeedii u Bilowday Kadib 11 Cisho oo ay Hawada ka Maqnaayeen

Gaalkacayo 05.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka warfaafinta dawladda Puntland ayaa xayiraaddii uu dul dhigay ka qaaday warbaahinta Daljir oo kamid ah warbaahinta ugu waawayn Puntland. Iminka Radio Daljir Hawada ayuu kusoo laabtay, waxaana soo galay hawada dhammaan idaacadihii la xannibay. Xayiraaddan la qaaday ayaa ka danbaysay kadib markii dawladda Puntland ay la kulantay cadaadis ballaaran oo dhan caalami…

Read More

Madaxweynaha Puntland oo Kala diray Golihii Deegaanka Gaalkacyo, Xil ka Qaadisna Sameeyay

Garowe,4,72016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Wareegto ku kala diray Golahii Deegaanka ee degmada Gaalkacyo, Wxaaana loo magacaabay Gaalkcayo Duq Magacabo oo KMG ah. Afhayeenka Puntland, Qur’aan-jecel – ayaa sheegay in Madaxweyne C/weli Gaas uu qaatay go’aankan markii uu arkay Dastuurka Puntland inuu u ogol-yahy in uu kal diri karo…

Read More

Qarax lala Bartilmaameedsaday Masjidka Nebi Muxamed NNKH ee Magaalada Madiina DAAWO

Madiina 04.July 2016 (SDN/QJ):- Qof isku soo xidhay waxyaabaha Qarxa ayaa naftiisa ku qarxiyey meel u dhow rug boolis oo ku ag taalla masjidka rasuulka NNKH ee Magaalada madiina al-munawarah goor dambe oo galabta ahayd. Telefishinka af carbeedka ku hadla ee Al-carabiyah ayaa baahiyey in qaraxaasi ka dhacay meel u dhow rug ay ciidanka Boolisku…

Read More

SAWIRRO: Faransiiska oo Xulka Iceland ku dur duriyay iyo 4-Koox oo Semifinalka Euro iskugu soo hadhay

Paris,4,7,2016 (QJ/SDN – Xulka Qaranka Faransiiska oo sanadkaan marti galinaya koobka Qaramada Yurub ee UEFA EURO 2016 ayaa soo caga dhigtay Semifinalka koobka horyaalada Yurub ka dib markii ay 5-2 ku xasuuqeen Qaranka Iceland oo xili ciyaareedkaan aad u kacsanaa . Faransiiska oo loo saadaaliyay hanashada koobkaan ayaa waxeey isku dhaceen xulka Germany oo isna Rigoodheyaal…

Read More

FAYSAL CALI WARAABE: “Waa La Xidhayaa Banka Qool-cadey, Indhodeerana Loo xidhi Maayo”

Hargeysa,4,7,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in la xidhi doono Banka Qool-cadey kadib marka la baabiiyo seeraha ay dadka gaarka ahi iska ooteen. Faysal Cali Waraabe oo shalay ka qayb-galay munaasibad lagu dhagax-dhigaayay riig biyood loogu talo galay in uu biyo kasoo saaro deegaanka Banka Qool-cadey oo…

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Xil U Magacowday Gabadh Dhalinyaro Ah Oo Ka Shaqayn Jirtay Arrimaha Bulshada

Hargeysa,4,7,2016 (QJ/SDN) –  Xukuumada Somaliland ayaa  waxaa ay xil u magacowdey Hoodo Ayaan Suldaan Aadan Faarax oo ka mid ah haldoorka dhalinyarada Somaliland, iyadoona gabadhani inta badan ka shaqaysa arrimaha bulshada Hoodo Ayaan ayaa waxa dhawaan gaadhi guddoonsiiyay maayarka degmada Burco, iyadoo kaddib markii ay gaadhigaasi guddoontay ay iyaduna ugu deeqday bulshada danyarta ah gaar…

Read More

Somaliland: Fanaan Hore Oo Siyaasi Isku Badalay Oo Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa

Hargeysa,4,7,2016 (QJ/SDN) – Fanaanka caanka Farxaan Xidig ayaa ku xidhan magaalada Hargeysa ee Somaliland, iyadoo xadhigiisa ay ka soo baxayaan warar kala duwan. Farxaan Xidig ayaa la sheegay inuu dhowaan tagay magaalada Hargeysa, waxaana xidhay ciidamada booliska ee Somaliland. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mr.Farxaan Xidig loo xidhay arrimo la xidhiidhay  siyaasada, maadaama uu…

Read More